Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Maxamed Cabdi Xaashi oo lagu eedeeyey in uu hubeeyey malayshiyada dadka ku laysay tuulada Dabataag..

.

Laascaanood,16 -April 2004-Waxaa maalmihii aan soo dhaafnay gil gilay meelo badan oo ka mid gobolka Sool,colaad ka bilaabatay tuulada Dabataag oo qiyaastii 60 km u jirta dhinaca koonfureed magaalada Laascaanood.

Colaadan oo markii ugu horaysay bilaabatay bil ka hor kadib markii malayshiyo ku sugnayd tuulada Dabataag ay jidgooyo u dhigteen gawaadhida isaga gooshta wadada dheer ee isku xidha Laascaanood iyo tuulooyinka Hawdka,sida Kalabaydh,Dabataag,Dharkayn,iyo Saaxdheer.

Wafdigan oo ay kala hogaaminayeen Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Maxamed Cabdi Mire oo labaduba ka mid ah madax dhaqameedyada Somalilnad kana soo jeeda madax dhaqmeedyada boqorka ayaa sheegay inaysan wax qabilaad ah ka helin madaxweyne Riyaale oo ah ninkii ay kala hadli lahaayeen sii deynta boqorka.
Shirkaasi jaraa'id oo ay xalay goor dambe ku qabteen hotelka ay dagaanaayeen ee National ayuu Suldaan Maxamuud Guuleed ku sheegay in wafdigooda ay u yimaadeen labo arrimood oo kala ah furdaaminta xarriga boqorka iyo xaaladda ka taagan gobalka Sool si mowqif mideyn looga qaato.
Suldaanku wuxuu sheegay inay la kulmeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyagoo kala hadlay siideynta boqorka, wuxuuna sheegay in madaxweyne ku xigeenka uu si fiican u soo dhaweeyay iyagoo uga mahadceliyay.. .
Suldaanka Maxmuud Guuleed ayaa sheegay in taariikhda ay xusi doonto isagoo sheegay in Hargeysa lagu qaabili waayay.
Dhinaca kale, shir ay saakay qabteen koox qurba joog ah aya sameeyay urur la baxay Somaliland Birtish society iyagoo sheegay inay ka shaqeynayaan aqoonsi u raadinta Somaliland.
Waaxaana dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Maxamed-Rashiid iyo Raaqiyo Oomaar.

Kor u noqo