Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Ra’iisul Wasaaraha Dawlada ku meelgaadhka ah Xasan Abshir Oo Shil baabuur ku galay meel Nairobi 100 km u jirta.


©  Laascaanood online

Ra,iisul Wasaaraha TNG Xasan Abshir Faarax.

Nairobi,16 Feb 2003 - Ra’iisul wasaaraha Dawlada Ku meelgaadhka ah Xasan Abshir Faarax iyo xubno kale oo ka tirsan dawladiisa ayaa galabta shil baabuur ku galay meel 100 km u jirta magaalada Nairobi.

Warar deg deg ah oo naga soo gaadhay caawa magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Mr Xasan Abshir ay shilkaasi ka soo gaadheen dhaawacyo kala duwan,wararka ayaa sheegaya in Xasan Abshir uu ka jabay gacanta,dhaawacyo kale yaa iyaguna ka soo gaadahay dhinaca dhabarka,waxaana si deg deg ah loogula cararay isbitaal ku yaala magaalada Nirobi.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii gaadhiga Ra,iisul wasaaruha oo ku soo jeeda dhinaca magaalada Nairobi uu ku dhacay gaadhi weyn oo ah baabuurta xamuulka,ama Tareelaha,ugu yaraan 2 jeer ayaa baabuurka ra,iisul wasaaruhu islaba rogay.

Xoghayaha ra’iisul wasaaraha Axmed Aadan shiddo oo u waramay wariyayaasha ayaa sheegay in sida loo buun buuniyey shilka ku yimid Ra,iisul Wasaaraha ayan sidaa ahayn,dhaawaca soo gaadhay ra,iisul wasaarahana uu yahay dhaawac fudud,xaalada caafimaadka ee ra,iisul wasaarahana waa fiican tahay,mar dhowna wuxuu tegi doonaa Hoteelkii loogu tala galay.

Axmed Faarax.
Nairobi


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.