Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Wafti reer Somaliland ah oo ku sugan Garoowe


©  Laascaanood online

wafti reer Somaliland ah oo jooga Garoowe

Garoowe: Wafti heer sare ah oo isugu jira cuqaal iyto siyaasiyiinba oo ka kala yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa ilaa mudo todobaad ah ku sugnaa magaalada Garoowe.

Waftigaas oo uu ka mid yahay siyaasiga lagu magacaabo Muuse Cabdi oo ah maayarkii hore ee magaalada Burco ayaa kulamo la yeeshay xubno ka tirsan maamulka Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha ee dawlad goboleedka Puntland Axmed Cabdi Xaabsade.

Waftigan iyo masuuliyiinta Puntland ayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa xaga nabad gelyada iyo ganacsiga ka dhexeeya Somaliland iyo Puntland,khaas ahaan magaalooyinka Laascaanood iyo Burco,magaalooyinkaas oo wakhtiyadii ugu danbeeyey ay ka aloosnayd isu socon waa sababay inay baabuurtii isaga gooshi jirtey labada gobol ay yaraadaan,taasoo keentay in dad badan oo ganacsato ah oo ku nool labadaas gobol ay xayiraad ku timaado hawlahoodii ganacsi.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya xiisad siyaasadeed oo uu sal u yahay sheegasha uu maamul walbaaba sheeganayo inay gobolada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle ka tirsan yihiin maamulkooda.



 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.