Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


DR.Cali Khaliif Galaydh : C/laahi yuusuf waan aqaan abtiriskiisa ana waan filayaa inuu kayga yaqaan.

.

Dr Galaydh.

Nairobi,15 aug 2004-Dr.Galaydh ayaa waxa uu ugu horrayn u mahadceliyey dawladaha IGAD kaalintooda muga leh ee ay kaga jiraan xal u raadinta dhibaatada Soomaaliya,sidoo kalena dalka Kenya ayuu ugu boggaadiyey marti gelintiisa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida isaga oo markalana kenya ku amaanay sida ay weli ugu heelan tahay dhamasytirka shirka.

Dr Galaydh Waxa uu ka hadlay farqiga u dhexayn kara dawladdii Carta lagu soo dhisay oo uu yidhi waxyaabihii ay la horumari weydey waxaa ka mid ahaa iyadoo aan taageero ka helin bulshada caalamka iyo midda halkaan laga rajaynayo inay ka soo baxdo oo uu yiri waxay noqon kartaa mid si rasmi ah u shaqaysa haddii sidii ay bulshada caalamku ufuliyaan ballan qaadyadooda hirgeliyaana taageero dhab ah.

Dr.Cali Khaliif ayaa mar uu ka hadlayey sida loogu baahan yahay in Isimmada iyo duqowda dhaqanku ku soo biiraan wadahadalada waxa uu yiri  Wasiirada Fududaynta IGAD sidii ay kulamadoodii ay yeesheen oo dhan ku sheegeen waxaa loo baahan yahay maadaama lagu jiro wejigii 3aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida inay hoggaamiyeyaasha dhaqanku ka soo qayb galaan shirka oo ka mid noqdaan kuwa xulaya xubnaha baarlamaanka ee beelaha.

 Waxaa jirta inaanay ilaa hadda ka soo qaybgelin Isimmadii gobollada Sool,Sanaag,Bari ,Nugaal iyo Mudug Buuhoodle ,iyadoo ayuu intaa ku daray aanu u dirnay dayuuradii soo qaadi lahayd ilaa 6 isim oo ka tirsan kuwa Sool Sanaag iyo Buuhoodle oo uu ka magacaabay:

-Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac

-Garaad Maxamuud Cismaan

-Suldaan Siciid Cali

-Caaqil Maxamuud X.Cumar  Camey

-Cabdullaahi Saalax Maxamuud(Wakiilka Garaad Abshir)

Balse ayuu yiri diyaaradii soo qaadi lahayd Isimmadaas ayaa waxaa xannibaad ku sameeyey ,maamulka Puntland ee uu madaxda ka yahay Col Cabdullaahi Yuusuf oo ku xannibay magaalada Gaalkacyo una diidey inay u gudubto Laascaanood,taasoo ay duuliyayaashii sheegeen waxaanuna arrintaas u gudbiney Kiplagat iyo Guddiga Fududaynta IGAD oo iyaguba waa ogyihiin ayuu yiri isagoo ka jawaabayey cidda u caddaysay in maamulka Puntland u diidey inay dayuuraddu u gudubto dhanka Laascaanood.

Dr.Galaydh  ayaa waxa uu ku sheegay shirkiisa jaraa'id in Cabdullaahi Yuusuf uu IGAD u sheegay kana dhaadhiciyey in isaga maahane aan loo ogolaan siyaasiyiinta kale inay wax ka xulaan xubnaha baarlamaanka iyo magacaabistoodaba taasina waxay meel ka dhac ku tahay ayuu yiri Warmurtiyeedyadii Wasiirada IGAD ee ay ku sheegayeen in Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda ,Hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta beeluhu ay wadajir u xulaan xubnaha baarlamaanka.

Dr Galaydh waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata yiri  haddii ay IGAD sidaa ka yeesho shirku waa burburayaa,anigu Cabdullaahi Yuusuf haybtiisa waan aqaan isagana waxaan filayaa inuu haybtaysa yaqaan ,annagoo noolna na dhaxal wareejin mayo ,kana yeeli mayno,isimmaduna waa imaanayaan haddii Gaalkacyo loo diideyna dhulku Gaalkacyo oo keliya maahan meelo kale oo la soo mari karo ayaa jira

Dr.Cali Khaliif waxa uu yidhi Cabdullaahi Yuusuf waxa uu ku hanjabaa lix gobol ayaanu ka talinaa oo haddii la yeeli waayo waxa aanu rabno waanu ka baxaynaa shirka ,haddaba ayuu yidhi waxaan idiin sheegayaa inaan taas laga yeelayn oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya ayaa hotelka la yiraahdo Grand Regency ugu sheegay  inaan loo ogolaanayn in Cabdullaahi Yuusuf shirka ka boxo,Itoobiyana inaga raaci mayso isaga haatan .

Dr.Cali Khaliif ayaa shirkiisan jaraa'id oo soo gabagaboobey 1:00 duhurnimo waxaa ku weheliyey siyaasiyiin dhowr ah oo ahaa kuwa ay isku aragtida yihiin,waxana isagoo ka jawaabayey su'aal ahayd sababta ay hadda oo shirku gabagabo marayo ugu soo beegeen dalbashadooda ah in isimmadu yimaadaan waxa uu ku jawaabey waqtigii loogu baahida badnaa Isimmada ayaa hadda la gaarey.
 
 

xigasho:Radiolascanod.

Kor u noqo