Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Kooxaha Soomaalida ee xabadjoojinta jabiya oo laga mamnuucayo inay safraan lacagtoodana la xanibayo.


©  Laascaanood online

Mr Kiplagat,Dhexdhexaadiyaha Shirka nabada ee Soomaalida.

Nairobi, Kenya,14 Mar 2003 — Mr Bethwell Kiplagat oo ah madaxa dhexdhexaadinaya shirka nabada ee soomaalida ee ka socda duleedka magaalada Nairobi ayaa beeniyey in shirku uu ku dhow yahay bur bur.Hadalka Mr Kiplagat ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay xaalada nabadeed ee soomaaliya ay soo xumaanayso,oo meelo badan oo gobolada soomaalida laga soo werinayo dhaqdhaqaaq isu diyaarin colaadeed,iyo iyadoo weliba ay dagaalo ba,ani ka socdaan meelo badan oo wadanka ka mid ah sida magaalada Muqdisho.Waxaa loo diri doonaa labada wiig ee inagu soo aadan wafti xaqiiqo raadiyayaal ah magaalada Muqdsiho,si baadhitaan loogu sameeyo cida ku xad gudubtay xabadjoojintii lagu heshiiyey. .

Mr Kiplagat, ayaa waxa uu sheegay in uu khamiistii uu la kulmay Ra,iisul wasaaraha dawlada ku meel gaadhka ah(TNG), wuxuuna ii qiray buu yidhi in ayan dawladiisu marnaba shirka ka tegeyn,oo ay shirka ku soo biirayaan marka ugu horeysa ee uu furmo.

"Aad baay rajadaydu u wanaagsan tahay,"Sidaas waxaa yidhi Mr. Kiplagat. "Maanta, Ra,iisul wasaaraha dawlada Soomaaliya(TNG),ayaa ka soo laabtay safar uu dibaday ugu aaday arimo caafimaad awgood.Waxaa la socdey ragiisii oo dhan,balan qaadna waa ii sameeyeen,waxaanuna yeelanay wadahadal miro dhaliyey.Waxaa ka muuqday werwer ku saabsanaa sida arimuhu ay u socdaan,laakiin markii aan u soo bandhigay sida an jecelahay inaan hawsha u wadno,waxaan aaminsanahay inuu ku qancay,markaa waa arki doonaa siday yeelaan."

Talaadadii ayaa ninkii inta uu maqnaa Xasan Abshir ku sii simayey inuu hogaamiyo kooxda Dawlada Ku meelgaadhka ah , Maxammad Cabdi Yusuf, ayaa waxa uu sheegay in dawladiisu ay shirka ka baxayso,isagoo sabab ka dhigtay in dawlada Ethopia ay ciidamadeeda soo gelisay meelo ka mid ah gobolada soomaaliya ee ku yaal xadka ay soomaaliya la leedahay Ethopia.

Ethiopia ayaa beenisay eedayntaas loo soo jeediyey.Laakiin Ra,iisul wasaaraha Ethoipa ayaa mar uu waraysi siiyey idaacada BBCda ayaa waxa uu qiray in ay mar ay baacsanayeen qaar ka mid ah ururka alitixaad ay ciidamadoodu u gudbeen xadka soomaaliya,ururkaas oo sida Maraykanku aaminsan yahay xidhiidh la leh kooxda Osama bin Laden ee Alqaacida.

Ethiopia, Djibouti iyo dawlada gogosha soomaalida u dhigtay ee, Kenya, ayaa waxay qayb ka yihiin ururka lagu magacaabo IGAD(Inter-Governmental Authority on Development),ururkaas oo ah urururka farsamada ee dhexdhexaadinaya kooxaha soomaalida ee shirka ka qayb qaadanaya.

Muranka u dhexeeya dawlada Soomaalida ee TNGda iyo Ethiopia ayaa wuxuu dhaliyey hadalo la isla dhex orday,oo sheegayey in shirka lagu kala tegayo.

Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, ayaa waxay kooxaha soomaalidu isla meel dhigi kari la yihiin muran ku saabsan inta ay le,ekaan doonaan dadka shirka ka qayb gelaya,iyo dawlada Kenya oo iyaduna qarashkii shirka ay ugu tala gashay ka dhamaaday oo doondoon ugu jirta bal inay hesho lacag dadkan shirka ka qayb galaya lagu masruufo.

Dhowr ka mid ah kooxihii intii uu shirku ka socday magaalada Eldoret ayaa ka quustay shirka oo dib ugu noqday meelihii ay ka yimaadeen,kuwaasoo u badan kooxihii ka yimid magaalada Muqdisho.

Bishii hore ayaa waxa lagu xadgudbay heshiikii la gaadhay bishii Oktober ee sanadkii tegey markii uu shirku bilaabmay ee ku saabsanaa inaan qolo, qolo kale weerarin.Dagaaladii ugu ba,naana waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Si arintaas wax looga qabto ayaa ururka farsamada ee IGAD waxay sameeyeen urur ilaaliya in aan lagu xadgudbin xabadjoojinta lagu heshiiyey.

Mr. Kiplagat, ayaa waxa uu sheegay in uu 2 wiig gudahood magaalada muqdisho ay u diri doonaan gudi soo baadha xaalada magaalada,waxa uuna ku han weyn yahay in weftigaas la diri doonaa ay iyagu noqon doonaan kuwa salka u noqon doona ururka rasmiga ah ee dhowaan aan samayn doono.

"Waxaanu diyaarinaynaa inaan wafti u dirno magaalada Muqdisho," ayuu yidhi Mr. Kiplagat. "Waxaan kaloo ka shaqaynaynaa sidii cunaqabatayn cilmiyaysan(A smart sanctions) loo saari lahaa kooxaha jabiya heshiiska xabadjojinta.Ma garanayo hada nooca ay noqon doonto cunaqabataytaasi,balse waa arin naga go,an inaan samayno.Ugu danbayntiina waxaan samayn doonaa urur xogbaadhis rasmi ah.Waa in soomaalidu ogaataa in ayan shaqaynayn in ay xabadjoojinta la iska saxeexo oo keliya,waa in la hirgeliyaa,oo ilka loo yeelaa,taasina waxay u baahan tahay ururkan aan samaynayno inay inta soomaaliya tagaan xogta soo baadhaan."

Cunaqabatayta caqliyaysan,ayaa waxaa ka mid ah in kooxaha jabiya heshiiska xabadjoojinta laga mamnuuco inay dibada u safraan,iyo in lacagahooda la xanibo,taasina waxay u baahan tahay in Maraykanku taageero buuxda laga helo.

Waxaa la qabtay shirar ka badan 13 shir oo ay kooxaha soomaalidu isugu yimaadaan ilaa iyo intii ay burburtay 1991 dawladii Maxamed Siyaad Barre,dawladaas oo ahayd dawladii ugu danbeysey ee dalka oo dhan gacanta ku haysa. Bishii hore ayaa Mr. Kiplagat,oo ah nin si weyn loogaga danbeeyo arimaha xaga siyaasada loo doortay inuu soomaalida heshiisiiyo.Wuxuuna isla markiiba shirkii u soo raray dhinaca magaalada Nairobi,taasoo yaraysay kharashkii shirka ku baxayey 60 boqolkiiba.


Wafdi Xukuumada Puntland oo Booqday Laascaanood.


©  Laascaanood online

Cabdishakuur Mire Aadan,wasiir kuxigeenka warfaafinta Puntland.


Laascaanood, Mar 14, 2003 (AllPuntland)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka dawlad goboleedka Puntland Siciid Maxamuud Caduur oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka war faafinta Puntland C/shakuur Mire Aadan uuna weheliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr, Abdi Awad ayaa kormeer shaqo maanta ku tagay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

Wafdigan ayaa markii ay tageen Laascaaonood booqday goobo ay ka mid yihiin Idaacadda Laascaano , Isbitaalka iyo xarunta xanaanada hooyada iyo carruurta (MCH) magaalada Laascaanood

Masuuliyiintan Booqashadu u socoto ee dawladda Puntland waxay war bixinno kala duwan ka dhagaysteen masuuliyiintii ay halkaasi kula kulmeen oo dhamaantood soo bandhigay waxa ay qabtaan, waxay qaban doonaaan iyo waxa aan u qabsoomin iyo sidoo kale wax yaabaha ay u baahan yihiin in laga caawiyo.

Wafdiga ayaa kulan gaara la yeeshay gudoomiyaha goblka Sool , Taliyaha qaybta booliska, Duqa degmada iyo masuuliyiin kale .

Wasiirka Caafimaadka ee Puntlad Siciid Caduur ayaa masuuliyiintii ay la kulmeen ku booriyay inay dar dar galiyaan amniga iyo hawlihii dawladda.

Socdaalka wafdigaan ayaa ku soo beegmay Maalin kadib markii Maamulka Hargaysa ay sheegeen in doorashooyinkoodu ay ka dhici doonaan gobolada Sool iyo Sanaag.

Xigasho:Allpuntland.com


Wafdi Taliska Daraawiishta Puntland oo Booqday gobolka Sanaag.


Badhan , Mar 14, 2003 (AllPuntland)- Taliyaha ciidamada daraawiishta ee Puntland C/laahi Cali Mire Carays iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa kormeer 15 bari qaatay ku maray deegaamada Baran, Hadaaftimo, Dahar, Sarmaayo, Fuqifuliye, Baraagaha, Qol, Buraan, Damale xagare iyo Taleex oo dhamaan tood ka kala tirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

Wafdigaan ayaa intii ay booqashadooda ku jireen waxa ay Buraan ku booqdeen Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo isaga iyo wafdi cuqaal ahi ay ku sugnaayeen halkaas, waxayna isla soo qaadeen adkaynta nabadgalayda iyo horumarinta degaankaasi.

Taliyaha Daraawiishta oo wax laga waydiiyay ujeeddada kormeerkooda ayuu ku sheegay in ay ahayd u kuur galida xaalada amniga iyo xoojinta xasiloonida iyo waliba hormarinta deegaamadaas.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay soo sameeyeen gudiyo ka hawalgala halkaasi, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudiga fulinta amniga, Gudiga hormarinta deegaamada iyo Gudiga Joojinta ka hortaga Xaalufinta deegaanka.

Warar kale oo ka imaanaya deegaankaasi ayaa sheegaya in intii ay wafdigaasi kormeerkooda ku guda jireen in ay xir xireen dad lagu qabtay gubida dhirta oo hogog u samystay si ay uga sameeyaan dhuxul.

Wafdiga taliska Daraawiishta waxaa mudadii ay goobahaas marayeen safarkooda ku weheliyay taliyaha Daraawiishta aagga Sanaag, G/Dhexe C/llahi Cumar Cashuur, taliyaha aagga Sool, Faarax Murduf, Gudoomiye ku xigeenka Baroon Cali Guuleed, Gudoomiyaha Dahar, Saciid Xasan "Waraabe Cadde," iyo waliba Gudoomiyaha Taleex.

Xigasho:Allpuntland.com


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.