Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

 
Cabdixamiid Garaad Jaamac:"Ciidamada Puntland waa inay ka baxaan Laascaanood,kuwa Somalilandna ay ku noqdaan meeshoodii hore".

Laacaanood,11 Feb,2004-Waxaa maanta noo suurto gashay in aan khadka taleefoonka kula xidhiidhno Cabdixamiid Garaad Jaamac oo mar ka qabtay jagooyinka wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka Cadaalada maamulka la magacbaxay Somaliland.

Su,aalihii aan weydiinayna waxay u dhaceen sidan:. .

Laascaanood online:Cabdixamiid maadaama aad ka mid tahay masuuliyiinta ka soo jeeda gobolka Sool,Sanaag iyo Cayn ee ku sugan Hargeysa,waxaad nooga warantaa guud ahaan xaalada gobalada waqooyi?.

Cabdixamiid: Waad mahadsan tahay adeer xidhiidhka aad ila soo samaysay,hadaan ka jawaabo su,aasha aad i weydiisay,run ahaantii nabadgelyada ma xuma,balse waxa keliya oo hada colaad ka abuuray gobola Sool,Sanaag iyo Cayn waa maamulka Puntland,oo xoog ku qabsaday magaalada Laascaanood,ilaa iyo iminkana waxay halkaa ka wadaan cabudhin ay cabudhinayaan dadka ku nool magaaladaas iyo agagaarkeeda.

Laascaanood online:Adoo raali iga ah hadaan kaa dhexgalo Cabdixamiid,ma Puntland baa wada rabshada oo keliya mise Somalilandna qayb bay ka tahay hurinta colaada goboladaas.

Cabdixamiid:Somaliland ma wado wax rabsho ah,maxaa yeelay ciidamadu berigii hore waxay kala joogi jireen,dhinaca Somaliland oo ku sugnaa Oog iyo kuwa Puntland oo aan soo dhaafi jirin Garoowe,balse xaaladu waxay is bedeshay markii uu ciidamo uu wato wiil yar oo Ina Afgaduud la yidhaahdo uu xoog ku qabsaday magaalada,dadkiina uu guryahoodii xoog kaga saaray,isla markaana uu bilaabay in uu dadkii xoog cashuur kaga urursado.

Laascaanood online: Ma jirtaa wax waan waan ah oo aad hada wadaan oo colaada lagu yaraynayo?

Cabdixamiid: Ma jirto wax waan waan ah oo hada jirta,waxa kaliya oo uu xalku ku imaan karona waa in ay ciidamadaas magaalada qabsaday ay isaga baxaan,kuwa Somalilandna ay dib u soo noqdaan,sidaana lagu badbaadiyo shacabka iyo in aan magaalada dagaal ka dhicin.

Laascaanood online:Arintaas aad leedahay ciidamada Somalilandna dib ha u soo noqdaan,kuwa Puntlandna ha ka baxaan magaalada,ma kala hadasheen maamulka Riyaale?

Cabdixamiid:Haa arintaas waan kala hadalnay in badan madaxda Somaliland ,waana taageersan yihiin in arinta sidaas lagu qaboojiyo,oo dawlada Somaliland waxay balan qaadaysaa hadii ciidamada Puntland ka baxaan magaalada Laascaanood,in ciidamada Somalilandna ayan wax weerar ah qaadi doonin,sidaas ayay noo balan qaadeen,arintana lagu dhameeyo wadahadal.

Laascaanood online:Hada qorshaha maamulka Somaliland muxuu yahay,waa maxay talaabada uu maamulkaasi qaadi doono hadii sidaa aad dalbanaysaan la yeeli waayo?.

Cabdixamiid:Sida aan la wada soconaba ma jirto talo midaysan oo ay meel isla dhigeen dadka ku dhaqan gobolada SSC,oo waa lagu kala qaybsan yahay arimahan,sidaas awgeed waxaa muhiim ah in taxadar weyn la sameeyo,oo lagu dadaalo sidii aan magaaladaas dagaal aanu uga dhici lahayn,lana badbaadiyo shacabka oo dhibaatooyin farabadani soo mareen,mana u baahna in dhibaato kale loo geysto.

Laascaanood online:Ragiina ka soo jeeda deegaamada SSC ee Hargeysa ku sugan wax xidhiidh ah ma la samayseen odayaasha iyo waxgaradka goboladaas?

Cabdixamiid:Haa waa la xidhiidhnaa odayaasha,Garaadada iyo siyaasiyiinta gobolkii jooga,isku mawqif baanuna nahay,oo waxaan ka midaysanahay in aan colaadi halkaas ka dhicin oo shacabka la badbaadiyo,hadana sida aan wararka ku helayno hawshaas waa ay wadaan oo meel fiican bay maraysaa,oo waxay isku dayayaan in ay ka dhaadhiciyaan qolyaha Puntland in ay ciidmadooda kala baxaan magaalada.

Laascaanood online:Hada maxaad u soo jeedinaysaa dadka ka soo jeeda gobolada SSC?.

Cabdixamiid:Waxaan u soo jeedinayaa dadka nabada jecel ee ka soo jeeda goboladaas iyo guud ahaanba dadka reer Somaliland in la ilaaliyo nabada iyo xasiloonida,mar walbana meel looga soo wada jeesto dadka colaada hurinaya oo iska hor keenaya dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolada deriska ah.

Kor u noqo