Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararkii todobaadkan ee gobolada Sool,Sanaag,iyo Hawd.
 
 
Cayaarihii is reeb reebka ee kooxaha gobolka Sool oo ka socda garoonka Cabdi Bille ee magaalada Laascaanood.
Laascaanood,11 june 2003 — Waxaa si rasmi ah uga bilowday magaala madaxda gobolka sool ee Laascaanood cayaara is reeb reebka ee kubada cagta,cayaarahaas oo ay ku tartamayaan 8 kooxood oo dhamaantood ka kala yimid dhamaan degmooyinka kala duwan ee gobolka.

Tartanka cayaarahan ayaa waxaa loo soo agaasimey si heer sare ah,iyadoo ay maalin walba oo ay cayaari dhacaysaba ay soo xaadiraan kumanaan taageerayaal ah oo kala taageersan kooxahaas sideeda ah.

Tartanka cayaarahan ayaan ka madhanayn rabshado,sida lagu yaqaan taageerayaasha kooxaha ayaa waxa kooxaha qaarkood ku jira taageerayaashooda,taageerayaal sameeya rabshado markasta oo kooxdooda laga itaal roonaado.Hadaba maalintii sabtidii ayaa waxa cayaar maalmahanba la sugayey waxa isaga hor yimid labada kooxood oo kala ah Fodsol iyo Star,cayaartaas oo ku dhamaatay inay halkaasi ay qalalaase ka ridaan taageerayaasha kooxda Star,iyagoo soo guda galay garoonkii gudihiisii,isla markaana jajabiyey birihii goolka,iyo calamadii ka taagnaa garoonka geesihiisa,taasoo ka cadhaysiisay dhalinta isboortiga xiisaysa

Waxaa iyaguna rabsho taa la mid ah sameeyey kooxda isku magacowday Xarisuljamhuuriya,kooxdan oo ay u badan yihiin dhalinta dadoodu ka yar tahay 21 sano,ayaa iyaga oo ka cadhaysan sida foosha xun ee habsami u socodka cayaaraha loo khalkhal geliyey,isla markaana daba jooga dadkii abuuray rabshada garoonka ka dhacay,ayaa qaar ka mid dhalintaasi ay kala xidheen bartamaha magaalada Laascaanood,kuwaasoo furayey rasaas dhinaca Waqooyi ee magaalada,arintaasoo cabsi gelisay dadka shacabka ah ee magaalada ku dhaqan,balse falkan ay geysteen dhalintani ayaa waxa taageersan dad badan oo jecel isboortiga,sababtuna waxay tahay dhalintan oo aan iyagu si gaar ah koox u taageersanayn,ayaa waxay mar walba ka dhiidhiyaan in la qashqashaado habsami u socodka cayaaraha is reeb reebka naadiyada gobolka Sool.

Garoonka Cabdi Bille,oo loogu magac daray halyeeygii bilada dahabka ah u soo hooyooyéy qaranka Soomaaliya,ayaa maalmahan si aad ah u camiraa,iyada oo ay maalin walba u soo daawasho tagaan cayaarahaas dad gaadhaya 5000 oo ruux,kooxaha ku hardamaya garoonka Cabdi Bille oo sidaan horeyba u sheegna ah 8 kooxood ayaa kooxda ku guuleysata koobka,waxay gobolka Sool u meteli doontaa cayaaraha ay isugu imaan doonaan kooxaha xulka ee lixda gobol ee Puntland.


Hassan Abshir,the PM of dying TNG deneis the division between him and TNG president.


Nairobi,Somalia May 02, 2003 -The prime minister of Somalia’s Transitional National Government (TNG), Hassan Abshir Farah, has denied that there is division within the TNG, newspaper reports said. However, he admitted that there are minor differences between himself and TNG President Abdi Qassim Salad Hassan.

It was reported that differences erupted when the premier decided to dismiss certain Cabinet ministers, and the president refused to accept the move. The ministers in question are reported to be Finance Minister Husain Mahmoud Sheikh Hussein, Parliamentary Affairs Minister Abdikarim Ahmad Ali and Education Minister Hassan Muhammad Jumbur. All three are seen as loyalists of the TNG president.

“These are differences of opinion on minor issues which we are now in the process of resolving. This is not something that will lead to a split within the TNG at this stage. We are engaged in consultations and will resolve the matter soon,” Abshir was quoted as saying.


High risk at Juba and Shabelle River area to be affected by flooding in the next three days .


Kismayo,Somalia May 02, 2003 -Juba and Shabelle River basins in southern Somalia are likely to be affected by flooding in the next three days following heavy rains in the areas, said a weather advisory for the Greater Horn of Africa (WAGHA) published by the US government’s Famine Early Warning System.

WAGHA said that River Shabelle was already at full level discharge in Lower Shabelle region. It also noted that there was high risk of flooding in the towns of Beled Weyne, Jowhar and Afgoi - all on the banks of the river. The report said that in the short term, the weather forecast indicated abnormally heavy rains over the next three days in the western highlands of Kenya, the eastern lowlands of Ethiopia, and in southern Somalia. “Consequently, sustained and continued rainfall could lead to a greater area being affected by floods,” it warned. It said weather forecasts indicated a decline in rainfall towards mid-May over the eastern sector of the Greater Horn region.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.