|
|
Tunisia iyo Marooko oo isku arki doona cayaarta Finalka ee koobka qaramada Afrika. |
Nigeria VS Tunisia. | Tunis,12 Feb,2004-Xulalka labada wadan ee Tunisia iyo Marooko oo labuba ka soo jeeda wadamada Waqooyiga Afrika ayaa isugu soo haray ciyaarta finaalka tartanka koobka qaramada Afrika ee ka soconaya dalka Tunis.
.
Koobkan oo ahaa mid soo jiitamayay muddo isla markaana la reebay xulal ku lahaa awood isboorti qaarada Afrika ayaa waxaa u soo gudbay finalka labadaas wadan,waxay ka soo kala badiyeen xulalka wadamada Nayjeeriya iyo Mali.
.
Cayaartii ugu horeysey ee maanta dhexmartay kooxda xulka Tunis iyo Nayjeeriya ayaa waxa ugu horeyn goolkii ugu horeeyey oo Penalty(rigoore) ahaa u dhaliyey xulka Nayjeeriya cayaartooga caanka ah ee Jay-Jay Okocha,kadib markii khadka 18-ka labada lugood la isugu laabay cayaartoyga caanka ah ee Kanu .
Sideed daqiiqo oo kaliya kabacdi ayay kooxda xulka Tunisia ay la timid goolkii barbardhaca,kadib markii sidoo kale cayaartoyga u cayaara kooxda Tunis ee Ziad Jaziri khalad laga galay,waxaana shabaqa ku hubsaday cayaartooyga Khaled Badra.
Kadib markii ay dhamaatay cayaarta wakhtigii loogu tala galay,oo weliba 30 daqiiqo oo danbe lagu daray ay dhamaatay,ayaa waxaa loo dhigay rigoorayaal,si loo kala baxo.
Xulka qaranka Tunisia waxa u laaday(Badra,Santos Imad Mhedhabi,Slim Benachour,Hagui) kuligoodna shabaqay ku hubsadeen.Meesha Nigeria ay u laadeen(Utaka,Odemwingie,Joseph Yobo,Ifeanyi Udez),nasiib daro ninka lambarka 7-aad uga ciyaara xulka Nayjeeriya ayaa laga qabatay,kaib markii uu goolhayaha xulka Tunisia ninka lagu magacaabo Ali Boumnijel uu dhirbaaxay kubadaas.Ugu danbayntiina waxa kooxda Tunisa goolkii guusha u laaday cayaartoyga caanka ah ee Hagui,kadibna waxaa is qabsaday wadooyinka magaalada Tunis,damaashaad iyo rayn-rayn aan la soo koobi karin.

Xulka Marooko oo damaashaadaya. |
Dhanka kale cayaar iyaduna xiiso badan oo dhexmartay kooxaha Marooko iyo Mali.ugu horeyn waxaa laba gool u dhaliyey kooxda xulka Marooko cayaartoyga Youssef Mokhtari,kadibna waxaa kii sadexaad raaciyey Youssef Hadji,goolkii afraadna waxaa dhaliyey Nabil Baha oo halkaas ka dhigay cayaar cajiib ah.Kooxda Marooko ayaa si heer sare ah uga cayaar fiicnayd kooxda xulka Mali.
Si kastaba ha ahaatee waxaa cayaarta kama danbaysta ah ee kooxaha qaramada Afrika isugu soo baxay xulalka wadamada Tunisia iyo Marooko,cayaartoos oo dhici doonta maalinta Sabtiga inugu soo aadan.
Tunisia: 1-Ali Boumnijel; 2-Khaled Badra; 3-Karim Hagui,
15-Radhi Jaidi, 20-Clayton (6-Hatem Trabelsi 90+1); 8-Mehdi
Nafti, 12-Jaohar Mnari (18-Slim Benachour 73), 13-Riadh
Bouazizi, 14-Adel Chedli (7-Imad Mhedhebi 105+2); 5-Ziad Jaziri,
11-Francileudo dos Santos
Nigeria: 1-Vincent Enyeama; 2-Joseph Yobo, 5-Isaac
Okoronkwo, 15-George Abbey, 16-Ifeanyi Udeze; 10-Jay Jay Okocha,
11-Garba Lawal (21-Ifeanyi Ekwueme 68), 14-Seyi Olofinjana,
7-John Utaka; 4-Nwankwo Kanu (13-Pius Ikedia 85), 20-Peter
Odemwingie
Referee: Bonaventure Coffi Codja (Benin)
Morocco: 1-Khalid Fouhami; 2-Walid Regragui, 3-Akram
Roumani, 6-Noureddine Naybet, 4-Abdeslam Ouaddou; 8-Abdelkrim
Kaissi, 15-Youssef Safri, 20-Youssef Hadji, 11-Mohamed
Yaacoubi; 17-Marouane Chammakh, 16-Youssef Mokhtari
Mali: 1-Mahamadou Sidibe; 3-Fousseiny Diawara, 4-Adama
Coulibaly, 5-Brahim Thiam, 17-Sammy Traore; 6-Mahamadou Diarra,
10-Soumaila Coulibaly, 11-Djibril Sidibe, 14-David Coulibaly;
20-Dramane Traore, 19-Frederic Kanoute
Referee: Aboubacar Sharaf (Ivory Coast)
Kor u noqo
|