Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

 
Isimada Gobollada Sool, Sanaag Iyo Cayn Oo Ugu Baaqay Maamulka Riyaale In uu Siidaayo Boqor Buurmadow.

 Laascaanood,10 Jan,2004-    Isimada Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn ayaa maanta ugu baaqay Maamulka Somaliland in sida ugu dhaqsaha badan loo siidaayo Boqor Buurmadow, oo uu maamulkaasi dhawaan ku xidhay Magaalada Hargeysa, isaga oo ka shaqaynaayey sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Xurgufta soo kala dhex gashay Puntland iyo Maamulka Riyaale.

Waxa kale oo ay ugu baaqeen Riyaale kaahin In uu Boqorka oo ku caan baxay nabada iyo sidii uu uga shaqayn lahaa wadanoolaanshaha dadka soomaaliyeed loo baahan yahay in sharaftiisii iyo karaamadiisii loo soo celiyo.

 gaadhsiiyey isimada hoos ku qoran:

 Garaad C/qani Garaad Jaamac

 Garaad Saleebaan Garaad Maxmed 

Garaad Ismaaciil Ducaale 

Suldaan Siciid Cismaan Cali     

Garaad C/salaan Xasan Maxmed   iyo  

Garaad Maxmuud  Cismaan Mashqare

 

Kor u noqo