Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu sagootinayey abwaanka weyn ee Hadraawi oo xalay fiidkii lagu qabtay xaafada Tensta ee magaalada Stockholm.


©  Laascaanood online

AbwaaN Maxamed Ibraahim Hadraawi.

Stockholm,Sweden,10 December 2003 —Waxaa maalintii arbacadii ee ay bisha Deceembar ahayd 10ka saacadduna ahayd 18:00 lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu sagootinayey abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Hadraawi xaafada Tensta ee magaala madaxda dalka Sweden ee Stockholmka.

Abwaan Hadraawi oo isagu socdaal beryahanba ku marayey wadamo fara badan oo ka mid ah yurubta galbeed,kuwaasoo ay ka mid yihiin Sweden,Denmark,Norwey iyo waliba Holland,waxa uu intii uu dhulkaas marayey kulamo la soo yeeshay jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamadaas aan kor ku soo sheegnay.

Hadaba xafladii xalay(arbaco 10/12)lagu qatay magaalada Stockholm,oo ahayd xaflad lagu sagootinayey abwaanka ayaa waxa soo qaban qaabiyey Ururka Isbaahaysiga umada Soomaaliyeed ee Iswiidhan(Somaliska Risksförbund i Sverige),ururkaas oo ah urur mideeya jaaliyada soomaalida ee Sweden,isla markaana ahaa ururkii isagu casuumaadaada abwaanka qabanqaabinayey ahaa.

Ugu horeyn waxaa xafladaas oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiri badan,hadalo furitaan ah ka soo jeediyey gudoomiyaha ururkaas oo lagu magacaabo Dr yacquub Aadan.Dr yacquub waxa uu warbixin kooban ka bixiyey waxa loogu tala galay xaflada,isagoo halkaa ka tiriyey gabay qiiro galiyey dhamaan dadkii xaflada ka soo qayb qaatay.

Kadib furitaankii xaflada waxaa mikrifoonka lagu soo dhaweeyey urur ka kooban hablo soomaaliyeed,ururkaas oo la magac baxay "Ururka Hadraawi",ururkaas oo ahaa,hablo soomaaliyeed oo hadh iyo habeenba u taagnaa sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen abwaan Hadraawi,waxayna halkaas sharaxaad kaga bixiyeen qiimaha weyn ee imaanshaha uu abwaanku u leedahay jaaliyadaha soomaaliyeed ee qurbajoogta ah,gaar ahaan kuwa ku dhaqan wadamada Skandanvianka.

Raga kale ee iyaguna halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Suldaan maxamed Suldaan Garyare oo ka mid ahaa marti sharaftii halkaas lagu soo casuumay.Suldaan Garyare waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad uu ugu magacdaray "Quursigu qiil ma leeyahay",khudbadaas oo uu tilmaan ka bixiyey sida loogu xadgudbo dadka laga tirada badan yahay ee soomaaliyeed iyo xaqiraada lagu hayo xaquuqdooda.

Waxaa isna halkaas hadal isugu jiray warbixin ku saabsan doorka ay macalimiinta soomaaliyeed ee ku sugan Sweden ay ka qaataan kobcinta dhalaanka soomaaliyeed,iyo weliba doorka ay dhalinyarada soomaaliyeed ka qaataan habsami u socodka nabada iyo baraarujinta shacabka soomaaliyeed ka soo jeediyey Mudane Xaaji Faarax oo ah oday soomaaliyeed.

Dhinaca baraarujinta iyo waxay diinta muslimku ka tidhi xaga nabada waxaa hadalo muhiim ahaa halkaas ka soo jeediyey Sheekha weyn ee Sheekh Bashiir Amaan.Sheekh Bashiir waxa uu tilaamay inay diinta muslimku ay mamnuucday in nabada lagu tunto,oo ay waajib ku tahay shakhsiga muslimka ah in uu ilaaliyo nabada,isla markaana sida aanu raali uga ahayn in lagu xadgudbo shakhsiyadiisa,maalkiisa,caqligiisa,iyo sharaftiisa looga baahan yahay in uu isna ku xadgudbin shakhsiga kale,muslim ha noqdo ama masiixi iyo yuhuud noocuu doono ha noqdee."Waxay diinta muslimku mamnuucday in la caayo diimaha kale,sida Yuhuuda,Masiixiga,si aan loo caayin diinta muslimka"ayuu yidhi sheekh bashiir.Mar uu Sheekh Bashiir la dardaarmayey Hadraawi waxa hadaladiisii ka mid ahaa"Hawsha aad u tafaxaydatay Hadraawiyoow,oo ah nabadayn,waa hawshii umadaha ilaahay markay wasakhoobaan,ama kibraan loogu soo diri jiray rasuulada,taasoo micnaha ugu weyn ee rasuulada loo soo diri jiray inay umada nabad dhex dhigaan,isla markaana faraan wanaaga,kana reebaan xumaanta,markaa ha fududaysan haswsha,ilaahayna waa kula qabanayaa hadaad niyad wanaagsdan la timaado"

Wax yar kadib markii la isla dhacay keeg,buskud iyo macmacaan ay ku soo farayaraysteen hablaha soomaaliyeed ee reer Stockholm,ayaa waxa mikrofoonka lagu soo dhaweeyey Marwo Dr Aamina Siciid,oo ah inan wadaniyad soomaaliyeed ah,oo caan ku noqotay inay u dagaalanto sharafta dadka soomaaliyeed,isla markaana ah abwaanad tirisa geeraarada,ayaa waxay amaan u soo jeedisay abwaan Hadraawi iyo martida kale ee nasiibka u yeelatay inay la caweeyaan abwaanka.Dr Aamina waxay halkaa ka tirisay 3 geeraar oo dadkii halkaa isagu yimid qiiro wadaninimo galiyey,waxaa halkaa looga tumay Amina sacab istaag ah oo qofkii habeenkaa meeshaa joogay uun uu dareemi karo macnaha ay leedahay.

Mr Cawad Cabdiraxmaan Xirsi,oo ka mid ah madaxda ururka isbaahaysiga soomaalida ee Sweden,ayaa isna ka waramay habsami u socodka dhqdhaqaaqa nabada ee Hadraawi,isagoo tilmaamay,in imaanshihii uu yimid abwaanku,ay dhaliyeen figrado cusub ee lagu dardargelinayo habsami u socodoka nabada ee uu abwaan Hadraawi u guntaday.Qodobada lagu balamay in la hirgaliyo waxa ka mid ah in la abuuro urur nabadeed oo soomaaliyeed,lana furo sanduuq dhaqaale oo loogu talo galay in lagu hirgaliyo mashruucyada nabada ee soomaalida.

Lama soo koobi karo wixii habeeenkaa halkaa ka dhacay oo dhan,balse waxaa isna ka mid ahaa akhyaartii meeshaa ka hadashay macalin yuusuf C.Xassan,oo ka warbixiyey doorka macalinka soomaaliyeed looga baahaan yahay inuu ka cayaaro nabada,iyo sida ay muhiimka u tahay in caruurta lagu barbaariyo akhlaag wanaagsan iyo wadaninimo,loona sheego inay leeyihiin wadan ka fiican wadamadan ay moodayaan inay leeyihiin. .

Waxaa iyaguna aan la ilaawi karin qaar ka mid ah hablihii halkaa ka hadlay oo ay ka mid ahayd Marwo Safiya Aadan Cali Dheeg,oo markii ay la dardaarmaysey abwaan Hadraawi,xasuusisay dhibaatooyinka isa soo taraya ee ay ciidamada itoobiyaanku ka wadaan dhulka Soomaaliya,weliba kuwii ugu danbeeyey ee ka dhacay degmada Sararaweyne ee ay ciidamada Itoobiyaanku bilaabeen inay bililiqaystaan hantida gaarka ah ee shacabka soomaaliyeed,iyadoo sidoo kale kula tilisay inuu Hadraawi sida ugu degdegsiiyaha badan wax uga qabto arinta foosha xun ee ay ku kacayaan maamulka Riyaale,ee ay xabsiga u taxaabeen dad soomaaliyeed oo shacab ah oo aan waxba galabsan,balse kaliya oo aan ahayn qabiilka dega Hargeysa,una dhashay gobolada soomaalida ee Itoobiya,kuwaasoo dhowaan la filayo in loo gudbiyo cadowga Tigreega ee Adisababa.

Abwaan Hadraawi ayaa maalinta Sabtiga soo socda tegi doona magaalada Helisinki ee dalka Finland,isagoo ka helay casuumaad,jaaliyada soomaaliyeed ee degan dalkaas,waxana sida uu ii sheegay abwaanka uu Finland uga sii gudbi doonaa dalka ingiriiska(UK),isagoo kadibna u sii gudbi doona xagaa iyo North America.

Marti sharafta kale ee halkaa ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa Garaad Abshir Saalax,oo ka mid ahaa garaadkii wakhtigii shirkii Carta uu socday,ay maamulka Somaliland xabsiga dhigeen.Garaadku wuxuu Stockholm soo gaadhay 3-dii bishan December,isagoo ka yimid shirka dib-u-heshiisinta soomaalida uga socda Nairobi,isla markaana soo gaadhay reerkiisa oo ku sugan Stockholm.

Hassan Dirie Jama
Stockholm,Sweden
Email:xassand@hotmail.com
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.