Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Dugsiga Hoose Dhexe ee Laascaanood oo dadkii deganaa ay ka baxeen.


©  Laascaanood online

Laascaanood,Sool,Somalia.

LAASCAANOOD,SOMALIA,10 Mar 2003-Ilaa 12 qoys ayaa ka baxay dhismihii dugsiga hoose Dhexe ee Laascaanood,iyadoo ilaa 18 qoys oo kalena ay ka bixi doonaan maalmaha inagu soo fool leh.Dadkaas ka baxay iskuulka oo u badan dad ka soo baxay gobolada kale ee dalka xiligii uu bilowday dagaalka sokeeye ayaa waxa la siiyey lacag,qaar ka mid ahna waxaa loo dhisay guryo ay degaan.

Ka bixitaanka ay ka baxeen qoysaskaas mudada 13ka sanadood ahayd degenaa dhismayaasha iskuulka,ayaa waxay rayn rayn ku abuurtay shacabka ku nool magaaladaas,iyadoo iskuulkaasi yahay iskuulka ugu weyn ee gobolka.Iskuulka ayaa waxa hada gacanta ku haya ciidanka booliska ee gobolka si ay uga ilaaliyaan in aan mar labaad la degin iskuulka.

Gudoomiyaha wabarashada ee gobolka Sool Maxamed Jaamac Dalmar oo u waramay warbaahinta ayaa waxa uu xaqiijiyey in baahida waxbarasho ee gobolku ay ka soo badanayso sanadba sanadka ka danbeeya,arintaas oo keentay in ay buuxsamaan iskuuladii,oo ay galaas walba fadhiyaan arday ka badan 3 jeer intii loogu tala galay.Ardayda qaar ayaa waxay fadhiistaan dhulka,qaarna waxayba tagaan guryo aan iskuulada ahayn oo ah guryo loo kireeyey ardayda si wax loogu baro.

Carqabadooyinka ugu waaweyn ee hor taagnaa gudiga waxbarashada ee gobolka Sool,waxay ahayd ka bixitaan la,aanta laga bixi waayey iskuulkaas,kaasoo sida ay aaminsan yihiin gudigu in uu dabooli doona baahida loo qabo dhismayaal ardayda wax lagu baro.Maxamed Buraale Ismaaciil oo ah gudoomiyaha gudiga taakulaynta ee gobolada SSH ayaa ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo ay mudo dheer sugayeen.Waxaa kaloo Mr Buraale uu tusaaleeyey in talaabada taas xigtaa ay noqon doonto sidii loo dayactiri lahaa iskuulka iyadoo ay ka muuqato dacdaro weyn oo u baahan dhaqaalo fara badan.Iskuulkan ayaa waxa uu qaadaa arday gaadhaysa in ka badan 1500 oo arday.


Maxamed Cabdi Xaashi oo maanta dhagax dhigay garoonka caalamiga ah ee Garoowe .


©  Laascaanood online

Garoowe International Airport.

Garoowe,10 Mar 2003 -Maxamad Cabdi Xaashi oo ah Madaxwayne ku-xigeenka maamulka ee Puntland ayaa maanta markii ugu horaysay si rasmi ah u dhagax dhigay garoon caalami ah oo ay yeelan doonto magaalada Garaoowe.

Garoonkaan oo magaciisa la yiraahdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Garoowe (Garowe International Airaport)ayaa ku yaal dusha Muqulo taag-taag oo qiyaastii 11km u jirta magaalada Garoowe dhinaca bari, waxaana dhagax-dhigiisii ka soo qayb galay Isimada gobolka Nugaal Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suladaan Siciid Maxamed Garaase, Dr.C/raxmaan Faroole, Axmed Maxamed Ceegaag, Culimo Awdiin, inta badan madaxda iyo wakiilada hay'adaha ajnabiga ah ee ku sugan Garoowe, aqoonyahano iyo waxgarad iyo dadwayne aad u farabadan oo isaugu jira rag iyo hawaanba.

Munaasabadaan oo ahayd mid taariikh ku reebi doonta dadkii halkaas ka soo qaybgalay ayaa waxaa ugu horayntii hadalo kooban ka soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda hawalaha guud iyo gaadiidka Axmed Maxamed Cigaal, oo isagu sheegay in maamulkiisu go'aansaday dhismaha garoonkaan oo noqondoona mid caalami ah iyagoo ku tashanaya awoodooda iyo tan shacabkooda halka ay ka sugi lahaayeen in ay wax u qabtaan hay'ado ajnabi ah.

Waxaa kaloo halkaas hadal gaaban ka soo jeediyay Maxamed Cabdi Xaashi oo isagu sheegay in haddii lagu guulaysto garoonkaan ay kudayasho fiican u noqondoonto dhamaan gobolada kale ee Puntland oo iyana laga hirgalin doono, mashruucyo sidaan oo kale ah, wuxuuna markii ugu horaysay Madaxwayne ku-xigeenku halkaas ku muday birtii ugu horaysay ee looga jeedo in ay bilaabatay hawshii dhismaha garoonku.

Sidoo kale waxaa isaguna, isagoo ku hadlaya codka shacabka kelmado dhiirigi galin ah ka jeediyay Dr.Maxamuud Sheekh Xaamid, oo ah gudoomiyaha ururka Waddaniga ah ee Kaalo, oo isagu xusay in shacabka reer garoowe ay diyaar u yihiin sidii ay kaalinta kaga aadan uga qaadan lahaayeen dhismaha garoonka Cusub ee Garoowe, kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen dad aragtida siyaasada ku kala duwan hase yeeshee ay ka wada dhaxaysay horumarka dalka ayaa waxaa soo gabagabeeyay Islaan Maxmed Islaan Muuse, oo isagu sheegay in uu doonayo in garoonkan sidii loo bilaabay uu dhamaado ee uu san joogsan, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in bulshada reer Garoowe ay shir dib isugu noqondoonto ayna qaadandoonto kaalinta kaga aadan howshaan.

Munaasabadaan dhagax dhiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay ugu yaraan 15 gaari oo nooca iska-rogada ah, booyado iyo gawaari xamaal oo iyagu sheegay inay diyaar u yihiin in ay tabaruc ahaan uga shaqeeyaan garoonkan cusub, waxaana iyana halkaas isla maantaba shirar kala duwan ku yeeshay qayb ka mid ah ganacstada magaalada oo iyagu ku balamayay sidii ay isugu imaan lahaayeen oo ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha garoonka caalamiga ah ee Garoowe.

Xigasho:Puntlandpost.
Garoowe,Puntland,Soomaaliya.


Labada shirkadood ee Telecom iyo Telsom laamahooda ka shaqeeya Laascaanood oo midoobay.

Laascaanood,Somalia,10 Mar 2003-Waxaa xaflad si wanaagsan loo soo abaabulay lagu qabtay qaybta shirarka ee Hotel Kulan ee magaalada Laascaanood,xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen maamulayaasha shirkadaha isgaadhsiinta ee mataanoobay ee Telecom iyo Telsom,shirkadahaas oo magaalada Laascaanood ka haqab tiraya qalabka isgaadhsiinta sida taleefoonada iyo internetka ayaa la filayey inay ku tartamaan suuqa magaalada si uu u jabo sicirka taleefoonada iyo internetkaba,balse waxa hada soo shaac baxday inay mataanoobeen,oo ay isku sicir hawsha ku wadayaan,taasoon dan ugu jirin shacabka magaalada.

Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah garaadada beesha Laascaanood,ganacsato,iyo waxgarad kale oo badan ayaa halkaas waxaa waxqabadkooda ku soo bandhigay madaxda labada shirkadood,waxaa kaloo isna halkaa hadalo qiiro leh ka soo jeediyey isimada ay ka midka yihiin Ugaas Cabdillaahi Ciise Nuur isagoo ku gubaabiyey shacabka magaalada inay dhiiri geliyaan ganacsiga,ayna dhowraan nabadgelyada taasoo ah furaha nolosha.Waxaa isna halkaas ka hadlay garaad Cabdisalaan oo dhowaan loo doortay inuu soo afjaro xurguftii dhexmartay labada beelood ee deegaanka Laascaanood,isagoo garaadku ka warbixiyey meesha xaalku u marayo,ayna maalmaha soo socda arinta ka fara xalan doonaan,loona baahan yahay in qofkii qof muslin ah dhiigiisa gala,la mariyo siday diintu ogoshahay,lana iska ilaaliyo in la taageero qof gacan ku dhiigle ah.Xafladii shirkadaha isgaadhsiinta ayaa isu bedeshay mid nabadayn iyadoo dadku ay u bukaan nabadgelyo waarta.

Shirkadan cusub ayaa waxaa xafiiskeeda ugu weyn laga furi doonaa degmada Boocame,waxayse laamo ku yeelan doontaa dhamaan gobolada kale.

Waxaa isla Hoteel Kulan jimcihii lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu mideeyey laba iskuul,oo iskuulna lagu baran jirey Computerka,midna lagu baran jirey xisaabaadka,isku darka iskuuladaas ayaa loo bixiyey SIDAM,iskuulkaas oo lagu baran doono maamulka iyo maaraynta,waxbarashada oo qaadan doonta mudo 2 sano ah,ayaa sida ay balan qaadeen maamulayaasha iskuulkaasi waxay noqon doontaa waxbarasho tayo leh,oo ardayda la siin doono shahaado.


Jaaliyada SSH ee Sweden oo shir balaadhan ku qabatay xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm.


©  Laascaanood online

Mujaahid Aadan Cartan.

Laascaanood,Somalia,10 Mar 2003-Waxaa shalay shir beryahanba la sugayey isugu yimid jaaliyada gobolada SSH ee Sweden,shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dad badan oo ka kala yimid meelo ka baxsan magaalada Stockholm.

Shirkaas ayaa waxa goobjoog ka ahaa Garaad Abshir Saalax oo hada mudo ku noolaa magaalada Stockholm.Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen xubnaha jaaliyada SSH ee Sweden ayaa arimaha lagaga hadlayey waxa ka mid ahaa sidii la isugu diyaarin lahaa shirka beesha ee dhowaan ka dhici doona magaalada Laascaanood,balse arinta shirka hadhaysay waxay ahayd arintaas oo ahayd arin deg deg(Emergency) ah sidii loo saacidi lahaa Adeer Aadan Cartan oo ka mid ahaa halgamayaashii SYL.Adeer Aadan Cartan ayaa waxa la soo dersey xanuun,xanuunkaas oo labadiisa kelyoodba u diiday inay shaqeeyaan,balse waxaa bishan 15keeda loo qaadi doonaa dalka Pakistan halkaas oo la filayo in kelyaha lagaga bedeli doono.

Macluumaadka shirkan oo faahfaahsan dib baan idiinka soo sheegi doonaa inshaalaah.



 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.