Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

 
Garaad CabdiQani Garaad Jaamac oo maanta gurigiisa kula kulmay saraakiisha ciidamada ee Puntland.

Garaad CabdiQani Garaad Jaamac.

Laacaanood,10 Feb,2004-Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ah garaadka guud beesha Dhulbahante ayaa maanta gurigiisa qado ugu sameeyey saraakiisha ciidamada ee Puntland iyo madax kale.

Raga la kulmay Garaadka ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha ciidanka daraawiishta ee Puntland Colonel Siciid Dheere iyo Axmed Jaamac Daad oo ah gudoomiyaha gobolka Sool. .

Wararkan oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey inay saraakiishaasi iyo Garaaku ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid tahay colaadaha beryahan ka soo cusboonaaday gobolka iyo sidii looga hor tegi lahaa kala qaybsanaan dhex marta maamulka iyo shacaba gobolka Sool.

Siciid Dheere iyo Garaadka ayaa waxa dhexmaray is afgarad,iyagoo isla meel dhigay arimo badan oo sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay ay ka mid tahay sidii looga hortegi lahaa dagaal ka dhaca magaalada Laascaanood iyo gebi ahaanba in colaad la dhex dhigo dadka walaalaha ee reer Puntland iyo Somaliland.
Dhanka kale Garaad Cabdiqani ayaa sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay waxa xidhiidh la soo sameeyey madaxweynaha dalka Kenya iyo madax kale oo ka tirsan dawladaha safka hore ee IGAD,iyagoo ka codsaday in uu yimaado Nairobi,si uu uga qayb galo wejiga sadexaad ee shirka oo dhowaan la filayo in uu bilowdo,isla markaana loo soo diri doono diyaarad ka soo qaadi doonta Laascaanood,balse sida ay wararku nagu soo gaadhayaan garaadku waa ku gacan saydhay isaga oo u sheegay in uu hore ugu gacan saydhay in uu ka qayb qaato shirkaas ka socda Nairobi,isaga oo sida uu sheegay aan u arkin mid midho dhalaya.
Dhanka kale magaalada ayaa wax waliba si caadi ah u socdaan oo waxaa soo gaadhay ciidamo fara badan oo ka kala yimid meelo badan,kuwaas oo u gudba maalin walba jiida hore ee difaaca,iyada oo laga cabsi qabo in dagaal dhexmaro Somaliland iyo Puntland,kaasoo salka ku haya sheegashada uu maamul kastaaba sheeganayo in uu gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn uu hoos yimaado maamulkooda.

Kor u noqo