Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Cali Khaliif Galaydh oo gaashaanka ku dhuftay qaybintii 6 xubood dhulbahante lagu siiyey.

.

Nairobi, 09-augst 2004-Wararka ka imaanaya madasha shirka ee nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in beesha Harti ay bilaabeen qeybsiga xubnaha uga mid noqonaya baarlamaanka lagu dhisayo dalka Kenya.Wararkaas ayaa waxa ay sheegayaan in Colonel C/laahi Yuusuf shax uu isagu sameeyey uu u qoondeeyey beelaha Sool, Sanaag, iyo Ceyn ama beesha Dhulbahante xubno ah 6 xubnood,meesha beesha Warsangeli uu siiyey 4 xubnood,beesha Majeerteena uu siiyey 15 xubnood,2 xubnoodna Dashiishle,xubnahaas oo dhamaantood ka koobnaa 27,kuwaas oo beesha Harti laga siiyey kuraasta baarlamaanka mustaqbalka soomaaliya. .. .

Hadaba markii arintaas la ogaaday ayaa odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda degaanada Sool, Sanaag, iyo Ceyn, oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa diidmo cad ka keenay xubnaha loo qorsheeyay beelahooda, waxeyna muujiyeen in qeybtaasu ku dhisan tahay cadaalad daro.

Cali Khaliif Galaydh oo isagu ka soo jeeda gobolka Sool ayaa gaashaanka ku dhuftay qaybintaas C/llaahi yuusuf isagoo ku tilmaamay wax lagu qoslo,beesha dhulbahntena ay dhamaan yeeli karin xubnahaas.Galaydh oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay beesha Dhulbahnte ay ugu yaraan xaq u leeyihiin 9-kii xubnood oo ay ka heleen shirkii kan ka horeeyey ee carta.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa beesha Harti waftiga ka jooga madasha shirka ay kulmi doonaan maanta oo isniinta,iyadoo sida la saadaalinayo ay adag tahay sida ay ugu heshiiyaan xubnahaas aadka u yar,iyadoo beel walibaa ay cabanayso,ayaa hadana waxa jira beelo kale oo Harti ah,oo aan xataa qaybta laga qayb gelin.
C/llaahi Yuusuf ayaa isaga oon cidna la tashan ogolaaday xubnahaas 27-ka ah ee beesha Harti la siiyey,iyadoo sid aan ku helay ilo xog ogaal ah,ay IGAD u balan qaaday in uu heli doono abaal gud,hadii uu beeshiisa ku qanciyo inay aqbalaan xubnahaas. .
Waxaa laga rabaa dhamaan beelaha soomaalida inay todobaadkan gudihiisa,ku soo gudbiyaan liiska xubnaha baarlamaanka.

Kor u noqo