Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Duulimaadyadii diyaaradaha ee Kenya-Somalia oo dib u bilaabmay.

Muqdisho oo marqaankii soo noqday.

Nairobi,kenya,9 July 2003 —Xanibaadii ay dawlada keenya ku soo rogtay diyaaradahii tegi jirey,kana imaan jirey Soomaaliya ayaa la qaaday Talaadadii. .

Dadka cuna maandooriyaha Qaadka ayaa samaynayey damaashaad markii ay maqleen in qaadkii soo dhacay magaalada Muqdisho iyo meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Markii qaadku ka yaraaday soomaaliya,ayaa ka cadhaysiiyey rag badan oo intay reerahooda ka soo tagaan,lacag farabadana kharshgareeyaan,isla markaana saacado badan ku lumin jirey inay sheeko halaasi ah isku maaweeliyaan,sheekadadaas oo markuu waagu beryo la ilaawo. Qiimaha qaadka ayaa shalay ka soo dhacay $20,maantana jooga $6 marduufkiiba.Dhibaatooyinka kale ee yaraanta uu yaraaday qaadku keenay waxa ka mid ahaa iyada oo magaalooyinka waaweyn ee soomaalida lagu arkayey rag badan oo cadhaysan oo xanuun ka muuqdo,taasoo dhakhaatiirtu ku tilmaameen in ay suntii jirkooda ka soo dhamaanayso.

Soo dhacyeey..soo dhac.

Dhanka kale reeraha iyo caruurta ayay ku tahay soo noqoshada qaadku dhaawac weyn,taasoo intii qaadka la waayey ay reero badani lacag badan u baaqatay,odayaashiina waxay wakhti u heleen caruurtoodii iyo xaasaskoodii.Lacag ka badan $300,000 (sadex boqol oo kun oo doolar)ayay lumin jireen dadka beera qaadka maalinkii oo ay soomaaliya ka heli jireen.

"Dawladu waxay dib u eegtay xaaladu sida ay tahay,waxayna ku qanacday in nabad gelyadu ay hada sidii la rabay tahay" sidaas waxa wariyayaasha u sheegay Wasiirka arimaha gudaha ee dawlada Kenya , Chris Murungaru.

"Ilaa iyo markii xanibaada la soo rogay,dawlada Kenya waxay qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo lagu adkaynayo nabadgelyada,si loo badbaadiyo dadka rakaabka ah ee diyaaradaha raacaya iyo diyaaradahaba"ayuu yidhi Mr Murungaru isagoo hadalkiisa sii wata.

Nin u hadlay xafiiska madaxweynaha,oo lagu magacaabo Kaunda Douglas, ayaa weriyayaasha u sheegay in diyaarada la qalabeeyey,isla markaana waxaa si weyn loo kordhiyey baadhitaanka la baadhayo dadka diyaarada raacaya iyo diyaaradaha laftigoodaba.

.

"Hadii ay jiri jirtey waxa uu ku tilmaamay "oversights" berigii hore,hadeer yaan la isku deyin in wax la isdaba mariyo,oo waxaa si buuxda loo eegi doonaa waxa soo degaya iyo waxa baxayaba," ayuu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata. Wuxuu kaloo intaas ku daray in Hayada la yidhaahdo Civil Aviation Authority oo ah hay,ada kantaroosha diyaaradaha,in ay si buuxda u ilaalin doonto diyaaradaha soo caga dhiganaya gegida diyaarada ee Kenya. .

Dawlada Kenya ayaa joojisay dhamaan duulimaadyadii tegi jirey,kana imaan jirey Soomaaliya 19 June kadib markii dawlada Maraykanku ay ka digtey in weerer lagu soo qaadi doono safaaradooda Nairobi ku taala.Ambaasadoorka dawlada Maraykanka u fadhiya Kenya,ninka lagu magacaabo Johnnie Carson ayaa sheegay in dawlada Kenya ay samaysay intii looga baahnaa ee ay la dagaali kareen dadka lagu tuhmayo argagixisada. "Dhibaatada noo muuqataa waxay tahay,hadaan runta idiin sheego,waxaan aaminsanahay in dad Alqaacida ka mid ahi ay joogaan Kenya,oo weliba qaar ka mid ahi ay yihiin dad reer Kenya ah," Sidaas waxa idaacada la iska arko ee Nation TV ka sheegay MrCarson.

Hay,ada gargaarka ee caalimaga ah ee Medecins Sans Frontieres ayaa sheegtay in xanibaada la xanibay diyaaradaha soomaaliya tegeya inay dib u dhac weyn u geysatay caawimadii loo geysan jirey dadka tabaalaysan ee soomaalida ah,taasoo badanaa laga rari jirey madaarka Wilson Airport in Nairobi.

Laascaanood Online,Laascaanood.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.