Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 

   
 
 

Gacan-ku-dhiigle Fu,aad Aadan Cade oo weerar naflacaari ah ku soo qaaday goobo ay fadhiyeen ciidamada dawlad goboleedka Puntland.

Laascaanood,09 Jan 2004.Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in kadib markii Fu,aad Aadan Cade ay odayaasha degmada Xudun ka dalbadeen inuu magaaladooda ka baxo uu isaga oo wata dhowr wiil oo uu qaarna dhalay,qaarna uu ka soo kaxaystay miyiga ayuu weerar naflacaari ah ku soo qaaday ciidamadii Puntland ee ku sugnaa meesha loo yaqaan Jififle oo u jirta magaalada Laascaanood qiyaastii 15 KM, kagana beegan dhinaca waqooyi bari. .

Dagaalkan oo ahaa mid aan wax badan socon ayaa markiiba ciidamada Puntland markii la soo weeray ay intii ay xabadu leeftay mooyee intii kale xabsiga loo taxaabay dhalinyaradii uu beenta u soo sheegay gacan-ku-dhiigle Fu,aad Aadan Cade,oo sheegta inuu yahay Wasiirka "Reer Miyiga" ee maamulka Riyaale ee Hargeysa.Ugu yaraan labo ka mid dhalinyaradii uu soo khalday Fu,aad ayaa ku geeriyooday goobtaas,iyadoo 8 kalena la qabqabtay,oo maanta isla markiiba la keenay xabsiga magaalada Laascaanood.Dhinaca ciidanka Puntland waxaa ka dhintay hal askari oo markii isaga oo dhaawac ah la keenay magaalada uu halkaas ku dhintay.

Fu,aad ayaan isaga gacanta weli lagu dhigin isagoo sida wararku nagu soo gaadhayaan kaynta jibaaxay,oo loo badinayo inuu ku sugan yahay magaalada Caynaba.

Warar deg deg ah oo hada naga soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa waxay sheegayaan in magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan oo aan la garan karin meesha ay ku dhaqaaqi doonaan,kuwaas oo ah ciidamo badan oo Puntland ah oo tikniko badan wata oo gaafwareegaya magaalada.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta idaacada kala hadlay shacabka Puntland isagoo ku booriyey inay waajib ku tahay shacabka Puntland inay difaacdaan dhulkooda."shacabka reer Puntland rag iyo dumar waxaan ugu baaqayaa in ay dalkooda difaacaan, una diyaar garobaan dagaalka ay soo qaadeen maamulka Hargaysa, waxaanan hubaa in aan guulaysan doono, sababtoo ah waana laku soo gardarooday, anaguna difaac ayaan ku jirnaa.."ayuu yidhi maxamed Cabdi Xaashi.

Laascaanood,Somalia.


 

 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.