Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Shirkii SSHDA oo la soo gebagebeeyey sabtidii,ayaa ku dhamaaday guul iyo rayn rayn.

Qaar ka mid marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka.

Atlanta,USA,7 July 2003 —Waxaa sabtidii si rasmi ah loo soo gebgebeeyey shirkii beryahanba uga socdey jaaliya SSH,shirkaas oo ay soo qaban qaabiyey ururka SSHDA (Sool,Sanaag and Hawd devlopment agency)oo ah urur ka shaqeeya saacidida gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd.

Shirkaas oo ay sanadkan marti gelisay jaaliyada SSH ee magaalada Atlanata ee cariga USA,ayaa waxa uu si aad ah uga duwanaa shirarkii hore ee la qaban jirey,maxaa yeelay shirkan waxaa la isla lafa guray sidii wax looga qaban lahaa qodobo muhiim ah oo ah lafdhabarka nolosha shacabka ku nool wadankii,sida xaga caafimaadka,biyaha,caafimaadka xoolaha iwm.

Waxaa shirka ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo kor u dhaafay 400 oo qof,dadkaas oo ka kala yimid dhamaan magaalooyinka maraykanka iyo dad badan oo iyaguna ka yimid meelo badan oo ka mid ah yurub.

Dadka ka soo qayb galay shirkan oo u badnaa aqoonyahamo waxaa ka mid ahaa wasiirkii waxbarashada ee dawladii ugu danbeysey ee soomaaliya Mudane Cabdillaahi Maxamud Mire,oo shirka gebagebadiisii ka soo jeediyey hadalo guubaabo ah.Waxaa isna ka mid ahaa Dr Cabdillaahi Spanish oo ka mid ahaa martida shirka uga timid yurub oo isna ka hadlay xaga caafimaadka iyo sidii wax looga qaban karo.Waxaa isna ka hadlay Dr Najiib oo isna hadalo qiiro leh madasha shirka ka jeediyey,waxaa isna sidoo kale halkaas ka sii anbaqaaday DR Cabdirisaaq Maxamuud Cali oo ka mid ahaa aqoonyahada soomaaliyeed ee halkaas ka hadlay.

Martitidii xaflada SSHDA.

Wax qabadka ururkan oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa ilaa iyo intii la sameeyey afar sano ka hor waxay wax weyn ka qabteen,xaga waxbarashada oo ay ku guulaysteen inay dib u furaan iskuulo xidhnaa,iyo xaga caafimaadka oo ay saacidaan isbitaalada ku yaal gobolada SSH.

Martida shirka.

Fiidnimadii maalinkii sabtigii todobadii fiidnimo ayaa waxaa la isugu yimid xaflad si aad ah loo soo abaabulay oo ay ku fara yaraysteen hablaha SSH ee reer Atlanta,xafladaas oo ahayd xaflad lagu balansanaa oo dhaqaale loogu ururinayey caafimaadka gobolada SSH oo lagu qabtay dugsiga sare ee xaafada Clarkston ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo ka kala yimid meelo kala duwan,halkaas oo albaabadu furnaayeen ilaa 9-kii habeenimo.Xafladaas oo dadkii meesha joogey oo ay ka muuqatay rabitaan ay rabaan inay dadkoodii wax u qabtaan ayaa waxa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah shirkadaha Xawilaadaha oo markii ugu horeyn ay shirkada Dahabshiil ayaa waxay bixisay jeeg $4000(Afar kun oo doolar ah),iyadoo weliba shirkadaasi balan qaaday in wixii lacag ah ee loo dirayo Jaamacada Nugaal University ee Boocame ayan wax khidmad ah ka qaadan doonin.Waxaa iyaduna $4000(Afar kun oo doolar ah) bixisay shirkada Amal Express,iyadoo shirkadaasi balan qaaday inay daabici doonaan funaanado magaca ururka SSHDA uu ku qoran yahay,kadib markay iibiyaan funaanadahaasna ay lacagta ka soo baxda ugu deeqi doonaan Jaamaca Nugaal.Waxaa iyaguna halkaas min $1000(hal kun oo doolar)bixiyey shirkadaha Kaafi Fincial,Dayax iyo Almustaqbal.Dadkii ka soo qayb galay xafladaas oo aan iyaguba ka yaraysan shirkadihaas lacagta bixiyey ayaa qaar ka mid ahi waxay jeebkooda ka bixiyeen lacag laba laba kun ah,taasoo muujinaysa sida ay ilaahay khayr ha siiyee ay diyaarka ugu yihiin inay naftooda iyo maalkooda u huraan dadka tabaalaysan ee wadankii jooga,kuwaas oo ay ka mid yihiin caruur aan waalid lahayn,iyo maato badan oo ilaah mooyee aan cid kale u maqnaynayn,dadka lacagta sadaqada ah bixiyey oo xijaab uga noqon doonta maalinta aakhiro,ayaa sida axaadiista ku cad aan sadaqada la bixiyo maalka qofku ku yaraanayn,balse wuu ku barakoobaa. Isku soo wada duuboo waxaa ururka habeenkaa la gudoonsiiyey lacag kor u dhaaftay 18 kun oo dolarka maraykanka ah,iyadoo weliba dadka badankiisu ay magacooda ku duugeen liiska balanqaadka lacagta oo lagu soo shubi doono akoonka ururka SSHDA,lacagtaas la balan qaaday oo aad uga badan ta la bixiyey habeenkaas ayaa inshaalaah dhowaan soo xaroon doonta.

Martisharafta shirka.

Ugu danbayntii waxay xafladii ku dhamaatay guul iyo rayn rayn,iyadoo dadkii ka soo qayb galay xafladaasi iyagoo isu bogaadinaya,ay raxan raxan sheekaysi iyo isbarasho loo tubnaa beeraha quruxda badan ee iskuulka Clarkston,iyadoo qofkii madashaa joogey habeenkaa uu ahaa habeen xusuus dheer ku reebi doona.

Martida shirka qaar ka mid ah.

Hadaan nahay bahda Laascaanood online waxaan leenahay reer Atlanta waad mahdsan tihiin,ilaahayna khayr ha idinka siiyo wanaaga aad samayseen,waxaan leenahay ururka SSHDA guulaysta.

Halkan Riix si aad u dhegeysato waraysigii ay bixiyeen weriyayaasha Radio Qaran oo joogay madasha shirka waraysigoodii.

Shirkii SSHDA ee Atlanta.

Laascaanood Online webmaster,Xassan Diiriye Jaamac.Birmingham,UK.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.