Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Cali Khaliif oo goobjoog ahaa,iyo C/laahi Yuusuf oo habsan ahaa shirkii lagu soo xulayey xubnihii beesha Daaroodka uga mid noqon lahaa Baarlamaanka.

Pro Cali Khaliif Galaydh.

Nairobi,Kenya,06 Jul 2004-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ay beesha Daaroodku ay ku guulaysteen in ay soo soocaan xubnihii 61-ka ahaa ee beeshaasi ay ka haleen baarlamaanka mustaqbalka Soomaaliya ee la filayo in dhawaantan lagu soo dhiso shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Dalka Kenya,shirkaas oo ka dhacay Hotel 68 ee Magaalada Nairobi.

Xubnaha muhiimka ahaa ee shirkaas ka dhexmuuqday waxaa ka mid ahaa Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ah Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare ee DKMG,isla markaana u sharaxan jagada madaxweynaha Soomaaliya,Jaamac Cali Jaamac oo weli sheegta inuu yahay madaxweynaha xaqa ah ee Puntland iyo Pro Cali Khaliif Galaydh oo shirkii kan ka horeeyey ee carta loo magacaabay inuu hogaamiyo dawlada ku-meelgaadhka ahayd ee hada wakhtigeedu dhamaaday,balse ilo lagu kalsoon yahay waxay noo xaqiijiyeen in uu dhowaan isaga laftigiisu isu taagi doono jagadaas loo tartamayo.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in in siyaasiyiinta beeshaasa Daaroodku ay la kulmeen xubnaha ay beeluhu soo xusheen, balse Col. Cabdulaahi Yuusuf xubnaha matalaya ee ku sugan Magaalada Nairobi iyo C/laahi laftigiisa oo weli ku maqan dhanka Puntland ayaa habsan ka haa kulamdaa ay beeluhu yeesheen.

Dhanka kale, beesha Digil iyo Mirifle ayaa iyaguna ku guuleystay inay soo xulaan xubnaha beeshaasi. uga mid noqonaysa baarlamaanka.


Laascaanood online. Cawil Cabdi,Nairobi,Kenya.

Kor u noqo