Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Shir sanadeedkii SSHDA oo maalintii labaad shalay galay iyo sidii wax u dhaceen.


©  Laascaanood online

Gobolka SSH.

Atlanta,USA,6 July 2003 —Wuxuu galay shirwaynihii SSHDA maalintiisii labaad, waxaana sidii caadadu ahayd kelmado furitaana soo jeediyay magaaladii martida loo yahay ee Atlanta, ka dib waxaa kelmed diiniya isna soo jeediyay Sh. Cabdinaasir Warsame , intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey inuu ku furo qudbadii koowaad ee shirka (keynote), Dr. Maxu`d A. Geeldoon oo ah aqoonyahan soomaaliyeed , Maxu`d wuxuu ka sheekeeyey wakhtigii gumaystuhu yimi dhulkeena iyo halgankii dheeraa e ay la galeen dadka u dhashay SSH isagoo ku tilmaamay inuu ahaa halgankii daraawiishtu kacaanadii xonima doonka ahaa ee dunida kuwii ugu waawaynaa, gaar ahaana africa aawayda u noqday inay hesho xornimada ay maanta ku taamayso, Dr. Maxu`d wuxuu mahad naq balaadhanu soo jeediyay hogaanka Hay`ada SSHDA oo ku tilmaamay cod rajo xambaarsan..

Waxaa isna hadalkii lagu soo dhaweeyey Dr. Maxe`d Maxu`d Xasan (Dr. Najiib) oo ka mid ahaa ardaydii wax ku baratay dugsiyada waxbarashada ee SSH , ugu horayntii isagoo tilmaamaya heerka warbarasho ee goboladaa wuxuu xusay wakhti haatan laga joogo 31sano inay isugu yimaadeen Dr Geeldoon goob itixaan laga qaadayay ayna noqdeen ardaydii ugu darajada saraysay, isagoo u celiyay darajadaa uu gaadhay waxbarashadii tayada lahayd ee uu ka helay goboladaa SSH, ugu dambayntiina ay ku heleen deeq waxbarasho (scholarship) taa soo u suuro gelisay inay dhamaystirtaan waxbarshadoodii, labada doctorba waxay shaqooyin sarsare ka hayaan gobolka, " aan suuro gelino inaan dib ugu celino aqoonta dadkeenii iyo dhulkeenii si aan u soo noolayno heerkii waxbarsho ee waagaa jiray iyo ka sii fiicanba" saa waxa yidhi Dr. Najiib..

intaa ka dib waxaa loo baxay fasaxii ugu horeeyey ee shirka , markii dib loogu soo laabtay madashii shirka waxaa hadalkii si aad u diiran loogu soo dhaweeyey halyeygii C/risaaq Aadan (lafoole), C/risaaq wuxuu dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tegey SSH isagoo dahmaanba booqday magaalooyinka uu ka koobanyahay SSH, warbixinaha uu so gudbiyay Lafoole waxay isugu jireen kuwo maqal iyo muuqaalba leh, waxayna ahaayeen kuwo dhaqaajiyay dareenkii dadkii goobta shirka fadhiyay, run ahaantiina wuxuu qayla dhaan dheer ka keenay xaalada Adeegyada Caafimaadka iyo kuwa biyahaba, isagoo soo bandhigay waxa hada ka jira dhulkii iyo sida ay aad uga dambeeyaan xitaa gobolada deriska ah loona baahanyahay in si degdega wax looga qabto..

C/risaaq wuxuu waraysiyo kala duwan la soo yeeshay mas`uuliyiin caafiaamka ka tisran iyo waxgaradka deegaanka intaba, dhamantoodna waxay codsanayeen in lala soo gaadho kaalmo degdega si wax looga qabto wax ay ugu yeedheen xaalada ka sii daraysa, Lafoole wuxuu safar ku maray dhamaanba gobolada deriska ah isago ku hawlanaa dhiskii maktabada goblka sool taas oo uu ku guulaystay in gobolku yeesho maktabadii ugu horaysay ee ah mid dadku wadaago, (public library). .

Warbixinta sh. Lafoole oo aan ahayn mid aynu halkan ku soo koobi karo waxaad ka heli doontaan cajalada laga duubayo shirka oo dhawaan ay diyaarin doonaan hay`ada SSHDA, waxaanu kaloo idiinka cudur daaranaynaa inaanan idiin soo gudbin sawirdii shirka taasoo ay ugu wacantahay in aan loo ogalayn shirka in laga qaato sawiro waxaan ka ahayn kuwa ay qaadayaan SSHDa si loo sameeyo muuqaalo tayo leh, oo si dhaba u soo bandhiga shirka iyo arimaha uu xambaarsanyahay,waxaanuse isku dayaynaa inaanu idiin soo gudbino qaar ka mida sawirada shirka si aad ugu sii sugtaan kuwaa ay inoo soo wadaan SSHDA. .

Xigasho:Somalicity.com


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.