Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Qaxootiga soomaalida ee magangalyada soo waydiista wadanka Ingiriiska oo la geyn doono xeryaha qaxooti oo laga samayn doono waqooyiga soomaaliya

London,UK,06 Feb 2003Dadka magangelyo doonka ah ee magangelyada soo weydiista wadanka ingiriiska ee yimaada meelaha ay ka midka yihiin Dover,ayaa isla marka ay wadanka sidaas u soo galaanba laga qaadi doonaa (waraysi)interview,farahaha laga qaadi doonaa,isla markaana inta la qabto la geyn doonaa waxa ay ugu yeedheen "regional protection area" oo ah xerada qaxooti lagu hayo ee ku taala meesha ugu dhow wadanka uu sheeganayo qofkaas magangelyo doonka ahi,sidaas waxaa soo jeediyey gudi uu Tony Blair u saaray inay ka soo baaraan degaan sida laga yeeli lahaa dadka faraha badan ee wadanka magangelyada soo weydiisanaya

Isbedelkan ay wado dawlada England ayaa waxa si wada jir ah go,aan uga qaadan doona xafiiska dawlada(Cabinet Office)iyo wasaarada arimaha gudaha (Home Office),hay,adahaas oo xaqiijiyey in siyaasada cusub ee ku wajahan dadka magangelyo doonka ahi ay tahay arin la rabo in lagu yareeyo dadka faraha badan ee ku soo qulqulaya wadanka,waxay kaloo sheegeen in marka qofka magangelyo doonka ahi isa soo dhiibo oo uu yimaado meesha lagu ururin doono dadka magangelyo doonka ah ee Dover,marka ugu horeyso la baadhi doono wadanka uu asal ahaan ka soo jeedo,marka la ogaado wadankuu ka soo jeedana la baadhi doono meesha shaqsigaas magangelyo doonka ah ugu dhow wadankiisa qaxootina lagu hayo la geyn doono,looyarna loo qaban doono intaan wadanka laga saarin. .

Arintan cusub ayaa ah in marka shaqsigaas magangelyo doonka ahi go,aanka ah cilinta loo diyaariyo aanu ambiil ka qaadan karin go,aankaas ilaa inta uu ka tegayo xerada qaxooti ee wadankiisa ku dhow.

"Celinta la celinayo dadka magangelyo doonka ahi ayaa saamayn ku yeelan doonta si loo kala saaro dadka wadanka ingiriiska u imaanaya arimo dhaqaale iyo kuwa u imaanaya arin magalgelyo doon,kuwaasoo ay ka midka yihiin qolyaha asalraaca ah si ay u soo galaan wadanka ingiriiska," sidaas waxaa laga soo xigtey saraakiil ka mid ah gudiga loo xilsaaray arimahan.

"Si kastaba arintu ha ahaatee,waxaa xeryaha qaxooti ee la geyn doono dadka wadanka ingiriiska laga celin doono laga caawin doonaa xaga arimaha dhaqaalaha,waxaa kaloo ay arintaasi yaraynaysaa in qaxootiga qaar sheegtaan wadan aanay u dhalan."

Qoraalkan oo loo soo gudbiyey dawlada Tony Blair ayaa waxaa la soo jeediyey in meelaha qaxootiga la geyn doono ay ka mid yihiin,dadka Ciraaqiyiinta ah oo la geyn doono xero qaxooti oo laga samayn doono Turkiga,Iran iyo meelo ka mid ah waqooyiga Ciraaq;Qaxootiga Soomaalida oo la geyn doono meelo lagu ilaaliyo oo laga samayn doono waqooyiga soomaaliya;Dadka ka soo jeeda wadamada waqooyiga Afrika ayaa xerooyin looga samayn doonaa Morroco.

Saraakiisha socdaalka ayaa qiray inay adkaan doonto in laga dhaadhiciyo wadamada qaarkood inay hirgeliyaan xeryahaas qaxooti ee la geyn doono dadka laga masaafuriyo ingiriiska,laakiin qorshuhu waxaa weeye inay wadamada reer galbeedku ay dhaqaale iska kaashadaan sidii arimahaas loo hirgelin lahaa iyagoo dhaqaalana isu geyn doona.

Dadka magangelyo doonka ah ee la geyn doono xeryahaas ayaa waxay la kulmi doonaan kumanaan qaxooti kale ah oo ka yimid wadamadoodii.Waxay markaa codsigooda qaxootinimo u geysan doonaan saraakiisha UNHCR-ta ee ka masuulka ah xerada,intii ay si bilaa sharci ah ugu soo safri lahaayeen yurub,iyagoo weliba lacagtooda siinaya ururo dadka soo tahriibiya oo danbiilayaal ah.

Arimahan cusub ayaa muujinaya in si loo badbaadiyo xeryaha UNHCR-ta loona dhawro sharciyada caalamiga ah ee uu ka midka yahay qodobka 3aad ee xeerka yurubiyaanka ee xaquuqda bini,aadamka,kaasoo micnihiisu yahay in dadka la celinayo aan la dilin,oo aan lagu samayn jir dil iyo sharaftiisa oo meel lagaga dhaco isaga oo jooga xeradaas,isla markaan aan meeshaas la geeyey laga qaadi karin.Qaxootiga waxaa la siin doonaa caawimo xaga deegaanka ah,waxbarashada iyo weliba in shaqooyin loo abuuro.Dumarka waxaa laga ilaalin doonaa in la faraxumeeyo iyo inaan hawlaha meleteriga laga mamnuuco.

Arintan cusub ayaa caqabada ugu weyn ay tahay sida ay siu waafaqayaan maxakamada ingiriiska ee go,aanka qofka lagu masaafurinayo qaadanaysa,taasoo khasab ah inay waafaqsan tahay xuquuqda bini,aadamka iyo heerka y joogaan xeryaha qaxootiga la geyn doono.Saraakiisha ayaa waxay soo jeediyeen in intaan go,aanka la qaadan laga taxadero sidii go,aan kasta loo waafijin lahaa sharciga wadanka u degsan.

Marka la ogaado sinjiyada qofka magangelyo doonka ahi ka soo jeedo,lana diiwaan geliyo,lana hubiyo inaanu wax denbiya gelin,markaa,kabacdi ayaa waxa la siin doonaa dhamaan dadka qaxootiga ah inay wakhti 6 bilood ah halkaas ku sugnaadaan si loo kala saaro.Lixdaa bilood kadib UNHCR-ta ayaa go,aan ka gaadhi doonta in shaqsigaasi yahay qaxooti run ah iyo in kale.Qaxootiga aan ahayn kuwo sax ah ayaa waxa UNHCR-tu xaq u leedahay inay celiyaan.Dawlada UK ayaa og inay hayada UNHCR-tu jeclaysan doonin in qaxootiga dib loo celiyo,iyadoo markaa xidhiidh la samayn doonta hay,adaha socdaalka ee caalamiga ah sidii arintaasi u hirgeli lahayd. .

Qaxootiga loo aqoonsado inay yihiin qaxooti run ah oo magangelyo xaq u leh,ayaa dib loogu soo celin doonaa wadanka Ingiriiska iyo wadamada kale ee reer galbeedka,iyagoo wadamadaasi si xaq ah u kala qaybsan doona qaxootiga la soo celinayo."Dadka dib loo dejin doono waa inay ka bataan tiradii markii hore dib looga celiyey xeryaha qaxootiga,hadii kale waxaa imaan doona eedaymo ku saabsan meeshii la geeyey dadkii la celiyey taasoo ay wadamada soo korayaa ay u fududahay inay wax is daba mariyaan"sidaa waxaa yidhi sarkaal u hadlay hay,ada qaxootiga.Isagoo sarkaalku hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi."Markaan sidaa leenahay waxaan uga jeednaa waa i UK ay u naxariisataa dadka magangelyo doonka ah sidii ay wadanka dib ugu soo noqon lahaayeen,micnahayaguna maaha in aan lacag u isticmaalo sidii aan uga faraxalan lahayn dhibaatada qaxootiga"

Dawlada Britain ayaa u qoondaynaysa lacag gaadhaysa ilaa - 500m sandkiiba-inay siiso hay,ada UNHCR si loogu maamulo xeryaha qaxootiga la geyn doono,lacagtaas oo ah lacagta hada ku baxda qaxootiga marka ay ku sugan yihiin Britain.Wadanka Britain waxay ku kharashgaraysaa lacag gaadhaysa ilaa $10,000 caawimada la siiyo qofkiiba sanad walba.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in figrada ka danbaysa isbedelka lagu samaynayo arimaha qaxootiga inay tahay figrad ay gundhig u tahay siyaasada cusub ee ku wajahan dadka magangelyo doonka ah ee soo galaya wadamada ku bahoobay ururuka midowga yurub,figradaas oo ah mid bilow ah,taasoo ay ka midaysan yihiin wadamada yurubiyaanka ee safka hore ee qaxootiga qaabila iyo Australia iyo Maraykanka,kuwaasoo dhamaantood raadinaya sidii xal loogu heli lahaa arimaha qaxootiga.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.