Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda Nairobi oo lagu heshiiyey qodobo horey la isku mari waayey.


©  Laascaanood online

Hogaamiye kooxyada oo heshiis gaadhay shalay.

Nairobi,Kenya,06 July 2003 —Waxaa shalay shirkii dib u heshiisiinta soomaalida uga socda duleedka magaalada Nairobi lagu heshiiyey qodobo dhowr ah oo muhiim ah.

Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ah:

1-In tirada barlamaanka ku meelgaadhka ah ay noqoto 351 xubnood.

2-In xildhibaanadaasi la dooran doono ay soo magacaabaan 23-ka hogaamiye kooxeed ee shirka jooga,iyagoo la tashanaya odayaasha dhaqanka.

3-In mudada ay dawlada ku-meel-gaadhka ahi ay noqoto 4 sanadood.

4-In la qaato nidaamka Federaaliga ah.

Waxaa ka muuqday madasha shirka rayn rayn weyn oo markii gudoomiyaha shirka Mr Kipligat uu shirka hortiisa ka akhriyey qodobadii lagu heshiiyey ayaa waxa is qabdsaday sacab lagu soo dhaweynayo heshiiskaas la gaadhay,balse waxaa markii laga soo dareeray madasha shirka cabasho muujiyey qaar ka mid ah ergooyinka shirka oo ay ugu horeeyaan garab ka mid ah garabada dawlada-ku-meelgaadhka ah,khaas ahaan kuwa weli taageersan madaxweynaha sii socda ee Cabdiqaasim,iyagoo ku andacoonayey in wax la is dhaafdhaafiyey oo aan cod qaadista si dhab ah loo qaadin.

Laascaanood Online,Nairobi.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.