Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 

   
 
 

Roobabkii dayrta oo ka da,ay meelo badan oo ka tirsan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn .

Laascaanood,05 Dec 2003.Waxaa ilaahay shalay u shubay raxmadiisii dadka ku dhaqan deegaamo fara badan oo ka mid ahaa deegaanadii ay sida badan abaaruhu u saameeyeen,deegaanadaas oo u badnaa gobolada waqooyi,sida Togdheer,Sanaag,Sool,Cayn,iyo dhulal kale oo badan.

Sida uu noogu soo waramay weriyaheena ku sugan magaalada Laascaanood weriye Cabdiraxmaan Axmed Xassan(Sayn),waxa fiidkii,habeenimadii khamiista ee Jimcuhu soo galayey ka da,een roobab lixaad lehi magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda,roobabkaasoo sida uu Cabdiraxmaan noo sheegay badanaa dadka ku dhaqan magaaladaasi ay tubnaayeen banaanka,oo si ka duwan roobabkii hore uga di,i jiray dhulkaas,loogu riyaaqay.

Roobabkaas oo ahaa roobab lagu qabowsaday,waxa uu weriyaheenu noo xaqiijiyey inay baraago badan oo ku yaal meelaha ay ka mid yihiin Saaxdheer,Dharkayn,Dabataag,Domco ay biyo badani galeen.Dhumay iyo Kalabaydh iyaga wararkii ugu danbeeyey waxa uu wariyaheenu noo sheegay inay ilaa salaan,salaan gashay.Dhinaca kale deegaanada Fiqi fuliye, Kulaal, Dararweyne, Hadaaftimo,Taleex,Adhicadeeye,Sarmaanyo,Boocame,iyagana waxa wariyaheenu noo soo sheegay inay dhinacaas roobabku ku xoogan yihiin oo laga soo shaagay khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh.Dhinaca gobolka Cayn waxa roobab lagu diirsaday laga soo sheegay deegaanada ay ka midka yihiin Dan-dan, Qararo, Xamar-lagu xidh iyo Magaalada Bali cad,meelahaas oo baraaguhu duurka joogaan.

Isku soo wada duuboo waxa ilaahay adoomahiisa kadib baryo badan oo ilaahay la baryay u shubay roobabkii dayrta oo wakhtigan ku soo aaday wakhti quus la taagnaa,roobabkaasina dhamaan deegaanada gobolada Togdheer,Cayn,Sool,Sanaag,Nugaal iyo dhamaan dhulka ay degaan umada soomaaliyeed waa wada gaadhsiisan yihiin,waa jiraan meelo ay hogashu ka yara booday,balse waxay insha,alaah ka cabi doonaan meel aan sidaa uga durugsanayn.

Sida laga soo waramayo meelo badan oo ka mid ah deegaanada ay roobabku aadka uga da,een waxa ka mid ah,iyada oo aanay xoolihii awoodoodii daciiftay,taasoo keentay inay dabaysha iska xajin waayaan,waxaana la filayaa in in badan xoolaha soo doogay ka mid ahi ay roobabka iska xajin waayaan,balse roobabkani waxay markhaati u yihiin in ilaahay aan raxmadiisa marna laga quusan,oo uu adoomihiisa hadii ay baryaan uu ajiibayo.

Cabdiraxmaan Axmed Hassan (Sayn)
Laascaanood,Somalia.


 

Wafdi heer Wasiir ah oo imanaya Gobolka Cayn Caasimadiisa, Buuhoodle. .

Buuhoodle,Somalia,(Radio Lascaanod),05 Dec 2003.Wararka naga soo gaadhaya caasimadda gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa waxa ay sheegayaan in dhibaatadii ka dhacday magaalada Sararaweyne iyo Wafdigii Nabadda ee Itoobiya xidhxidhay aan weli xal loo helin, dadaal badanina ka socdo gobolka Cayn, iyo xarunta maamul Goboleedka Puntland ee .

Wafdigii Nabadda ee ay dawladda Itoobiya ku xidhxidhay magaalada Sararaweyne waxa ay geysay magaalada Wardheer. Dadkaas oo tiradoodu dhan tahay 20 qof, waxaa loo qaybiyey laba qaybood. Qayb waxaa lagu xidhay xarunta Booliska ee Wardheer, waana Odayaashii iyo Madaxdii Gobolka Cayn ee hogaaminayey wafdigaas nabadda. Qaybta kalena waxaa lagu xidhxidhay saldhig militari oo Wardheer ku yaalla, waana 10 dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadka la xidhxidhay.

Dhinaca kale waxa ay wararku sheegayaan in Dawladda Itoobiya ay u qabatay 10 maalmood in lagu keeno wax-hel iyo wax-waaba qalab militari oo dawladda Itoobiya ku dacwiyayso in la waayey ka dib markii shuftadaasi daadiyeen qoryahoodii. Qalabkaas ay dawladda Itoobiya ay dalbanayso in la keeno waxaa ka mid ah:

  • 8000.00 (Sideed Kun) oo lacagta Birta ah.
  • 5 Kabood oo ciidamadu xidhaan
  • 5 Dirays oo ciidamadu xidhaan.
  • 1200 xabo oo rasaasta Aakaha ah.
  • 230 xabo oo rasaasta Badhdaloolka ah.
  • 3 silsiladood oo Badhdallool ah.

Garaad C/llahi Soofe iyo waxgaradka kale waxa ay ku jiraan uruuris iyo xogogaalsi ku saabsan qalabkaas dawladda Itoobiya ku dacwiyeyso inay ka maqan yihiin, ka dibna waxa ay rabaan in muddo todobaad ah ka dib ay safar ugu baxaan Wardheer si ay dawladda Itoobiya ugala soo xaajoodaan dhibkaas dhacay..

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya maamulka Gobolka Cayn ayaa waxa uu sheegayaa in Wafdi heer Wasiir ah oo ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland Caasimadiisa uu maalmaha inagu soo fool leh ku soo aaddan yahay Gobolka Cayn caasimadiisa Buuhoodle. Warkan waxaa laga soo xigtay Madaxweyne-ku-xigeenka maamul Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xashi oo maanta la soo hadlay mas’uulinta Gobolka Cayn.

Sidoo kale waxa ay wararku ku darayaan in madax sarsare oo ka tirsan kilinka Shanaad ee ismaamulka Itoobiya ay imanayaan Wardheer maanta ama berito. Madaxdaas waxaa ka mid ah:

  • Cabdi Jamac Dhible .
  • Ina Maxamud Wayrax.
  • C/qani Nadiif Muuse.

Dhinaca Roobabka waxaa wararku sheegayaan in maanta oo Gobolka Cayn ugu aaddan habeenimo marka Radio Lascaanod la xidhiidhayey uu hillaacu dhinac kasta laga arkayey. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in roobku uu xidhiidhsan yahay laga soo bilaabo Wardheer ilaa marqaan. Sidaas waxaa sheegay Baabuurtii soo martay degaamadaas. Magaalada Buuhoodle waxaa helay roob qabowsin ah.

Xigasho:Radiolascanod.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.