Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


M.C.Xaashi"Col.C/laahi Yuusuf wuxuu igu khaldamay ugu yaraan 29 jeer,wuxuuna ku khaldamay reer Puntland oo dhan,wuxuuna waliba uu nagula dhaqmay si aan waafaqsanayn Dastuurka Puntland,mana u dulqaadanayo in mar kale la igu khaldamo"

.


Laascaanood,05 Jun 2004-Wararka naga soo gaadhaya xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in khilaafkii u dhexeeyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed & ku xigeenkiisa Max’ed Cabdi Xaashi uu cirka isku shareeray, waxeyna labada mas’uul si weyn isugu maandhaafsan yihiin mudada maamul goboleedka Puntland in loo daayo sideeda & in waqti laba sano ah lagu kordhiyo.


"Col.C/laahi Yuusuf wuxuu igu khaldamay ugu yaraan 29 jeer,wuxuuna ku khaldamay reer Puntland oo dhan,wuxuuna waliba uu nagula dhaqmay si aan waafaqsanayn Dastuurka Puntland,mana u dulqaadanayo in mar kale la igu khaldamo"ayuu yidhi Mr Xaashi mar uu u waramay idaacada RadioGaalkacyo.

Dhanka kale Guddoomiyaha golaha badbaadada Puntland Jen. Cadde Muuse Boqor oo isaguna ku sugan Garoowe ayey wararku sheegayaan in maanta billaabay in uu u kala dabqaado labada masuul, waxaana la sheegayaa in C/llaahi Yuusuf uu daneynayo in la soo afjaro xiisada inta aysan faraha ka sii bixin, iyadoo warar ku dhow dhow sheegayaan in uu C/llaahi Yuusuf muujiyey tanaasul isagoo ugu yaboohay ku-xigeenkiisa in uu isagu soo magacaabayo xukuumada cusub haddii uu ogolaado lixda bilood ee uu ku soo koobay xil kordhintii labada sano.

Khilaafka u dhaxeeya labadan masuul ayaa soo jiitamayey mudo,taasoo keentay in C/llaahi Yuusuf uu waxba ka dhegaysan waayo Mr Xaashi,oo uu si cad ugu tunto sharcigii iyo kala danbayntii.

Waxaan uu Maxamed Cabdi Xaashi oo mudo ahaa ku simaha madaxweynaha Puntland,inta uu C/llaahi Madaxweyne u doonanayo Nairobi,uu shaqada ka fariisiyey Wasiiro ,kuwaas oo uu ku jiray Wasiirka Maaliyada Maaliyada Dr.C/raxmaan Faroole,kaasoo si cad ugu gacan saydhay Mr Xaashi,oo weliba malayshiyo taageersani ay weerar ku qaadeen gurigii uu deganaa Mr Xaashi,laakiin isla markiiba waxaa shaqada kusoo Celiyay Col.C/laahi Yuusuf markii uu dalka dib ugu soo noqday.

Kor u noqo