Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Riyaale oo magacaabay 32 wasiir,Wasiirudawlayaal iyo wasiir-ku-xigeeno oo ahaan doona xubnaha xukuumadiisa sanadaha soo socda.


©  Laascaanood online

Dahir Riyaale Kaahin,Madaxweynaha Somaliland.

Laascaanood,05 July 2003 —Madaxweynaha maamulka la magacbaxday Somaliland Mr Riyaale,ayaa shalay ku dhawaaqay intii ka hadhsanayd golihiisa wasiirada kadib markii uu doorashadii muranka badani ka dhacay loogu magacaabay 16kii May, 2003 in uu sanadaha soo socda uu kursiga sii fadhiyo.

Wasiiradan cusub ee uu magacaabay ayaa waxay ka kooban yihiin 18 Wasiir, 5 Wasiiru-dawle iyo 12 Wasiir-ku-xigeen,waxayna kala ahaayeen sidan hoose:

Wasiirada:

  1. Cismaan Qaasim Qodax, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada.
  2. Nuux Axmed Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
  3. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirka Qorsheynta.
  4. 4-Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadh-Weyne), Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.
  5. Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka Wasaaradda Horuminta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.
  6. Cismaan Cali Bile, wasiirka Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka.
  7. Sheekh Maxamuud Suufi Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
  8. Cabdi Xasan Buuni: Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha .
  9. Xasan Cabdi Khayre, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
  10. Axmed Xasan Cali-Libaax, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.
  11. Maxamuud Siciid Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha.
  12. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha.
  13. Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.
  14. Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud.
  15. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.
  16. Fu’aad Aadan Cadde, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Reer Miyiga.
  17. Maxamed Jaamac Belel, Wasiirka Wasaaradda Beeraha.
  18. Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha.

Wasiirudawlayaal:

  1. Maxamed Cabdi Xuseen, Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda.
  2. Aadan Maxamuud Mire (Waqaf), Wasiirul dawlaha Arrimaha gudaha.
  3. Aadan Maxamuud Diiriye (Ruush), Wasiirul dawlaha hawlaha guud.
  4. Axmed Cabdillaahi Shire, Wasiirul dawlaha Caafimaadka iyo shaqada; .
  5. Cabdillaahi Ismaaciil Bidhaan, Wasiirul dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Wasiir-ku-xigeeno:

  1. Dr.Axmed Jaamac Samatar (Who), Wasiir ku xigeenka Caafimaadka.
  2. Ismaaciil Maxamed Madar, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada.
  3. Axmed Jaambiir Kaahin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha.
  4. Dr. Maxamed Xaaji Warsame, Wasiir ku xigeenka Beeraha.
  5. Maxamed Faarax Aadan, Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha.
  6. Yuusuf Ciise Tallaabo, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo biyaha.
  7. Aadan Jaamac Hoorri, Wasiir ku xigeenka hawlaha guud.
  8. Cabdi Cali Mahdi, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda.
  9. Maxamed Cali Yuusuf, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga.
  10. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil (Waddaad), Wasiir ku xigeenka Ganacsiga.
  11. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiir ku xigeenka Dib-u-dejinta.
  12. Daahir Xaaji Maxamed (Qayaad), wasiir kuxigeenka Duulista.

Riyaale waxa uu bishii tagtay horay u magacaabay 7-dii wasiir ee ugu muhiimsanaa kuwaasoo kala ahaa:

  1. Edna Aaden Ismaaciil, Wasiirka Arimaha Dibadda.
  2. Ismaaciil Aaden Cusmaan, Wasiirka Arimaha Gudaha.
  3. Maxamed Siciid Maxamed(Gees), Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.
  4. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirka Qorsheynta.
  5. Ismaaciil Cumar Aaden (Boos), Wasiirka Gaashaan-dhigga.
  6. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha.
  7. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiirka Maaliyadda.
Isku soo wada duuboo tiradii hore oo ahayd 7 iyo kuwa hada la magacaabay 35 ah,waxay dhamaan isku yihiin 42 wasiir oo Riyaale xukuumadiisa noqon doona.

Hadaba magacaabistan uu Riyaale magacaabay wasiirada dawladiisa ayaa waxay muujinaysaa sida uu maamulka isku magacaabay Somaliland ay uga quusteen gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd,iyagoo raga ka soo jeeda goboladaas loo magacaabay wasaarado magac-u-yaal ah. Raga ka muuqda ee ka soo jeeda goboladaas waxaan ka magacaabi karnaa Fu,aad Aadan Cade iyo Faratoon,oo iyaga dhowr bilood uun ka hor loo magacaabay Rasiisuldawlayaal u qaabilsan maamulkaas gobolka Sool,balse maanta noqday raga la aamini karo ee ka soo jeeda goboladaas,iyadoo sidoo kale wasiirada uu ka mid yahay Saleebaan Yuusuf Cali Koore,oo ahaa nin Hargeysa laga jecel yahay uu maanta xagaa iyo Xargaga u boqooli doonaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee Riyaale oo isagu ah nin aan khibrad sidaas u weyn u lahayn hawlaha siyaasada,ahaana jirey Askari CID ah dawladii ugu danbeysey ee Siyaad Barre,ayaa waxa hor yaala hawlo badan oo ay ka mid yihiin waxa uu ka yeeli doono gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd,oo ah gobolo uu maamulkaasi sheegto,balse aan maamulkiisu gaadhsiisnayn.

Laascaanood Online, Hargeysa


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.