Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Xaflad xilwareejin ah oo ka dhacday xarunta dawlada hoose ee magaalada Laascaanood.

.

Laascaanood, 05-April 2004-Waxaa shalay ka dhacay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Laascaanood xaflad xilwareejin ah oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin badan oo ka tirsan madaxda gobolka iyo qaar ka mid ah odayaasha gobolka. .

Xafladaas oo si fiican loo soo agaasimay waxaa xilkii uu horey u hayey ee ahaa gudoomiyaha degmada Laascaanood wareejiyey mudane Maxamed Axmed Tuuhe(Taleexi),waxaana xilka la wareegay gudoomiyaha cusub Mudane Axmed Aadan Ileeye (Xiir).

Gudoomiyaha xilka wareejiyey mudane Taleexi ayaa hadal kooban oo halkaa ka jediyey kaga hadlayey waxqabadkii intii uu xilka hayey wuxuuna sheegay in ay waxyaalo badani u qabsoomeen intii uu xilka hayey, haatana uu ugu hanbalyeynayo guddoomiyaha cusub xilkan isga ah, wuxuuna sheegay in uu yahay mas'uuliyad weyn oo loo baahan yahay in la ilaaliyo si xilkasnnimo ahna looga soo baxo.
Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Axmed Aadan Ileeye Xiir, oo sheegay in ay tahay mas'uuliyad iyo xilweyn oo uu uu qaaday degmada iyo dadweynaha ku nool, wuxuuna balan qaaday in uu sida ugu haboon waajibaadka fuulay uu ka soo bixi doono, dadweynahana uu uga baahan yahay inay hawshaas culus la garab qabtaan.
Dhanka kale xilwareejin iyada la filayey ayaan weli qabsoomin,xilkaas oo uu wareejin lahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Sool Mudane Ibraahim Jaamac Daad,jagadaas oo wareegto uu saaray madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Cabdillaahi Yuusuf uu jagadaas ugu magacaabay Mudane Cabdirashiid Barkhadle inuu yahay gudoomiyaha gobolka Sool.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaan la iloobi karin in labadaas oday ee xilka laga qaaday ay ahaayeen laba masuul oo si xilkasnimo ku dheehan tahay hawshooda u gutay,wax qabadkooduna uu ahaa mid taariikhi ah.Waxaana dhamaan shacabka gobolkaas ka sugayaan ragan cusub ee la magacaabay inay hawshooda u gutaan si haboon. Laascaanood online
Laascaanood,Somalia.

Kor u noqo