Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

G/sare Axmed Raan Iyo Askar uu Hogaaminayo Oo Malayshiyada Riyaale Ka Soo Fakaday.

G/Sare Siciid Dheere (Anigu Goolaaftan Ma Aqaan) Hogaamiyaha Hawlgalka Ciidamada Daraawiishta Puntland. .

Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Riyaale Oo Ka Soo Jeeda Deegaanka Cayn Oo Si Xun Loola Dhaqmay


 


G/sare Axmed Raan Iyo Askar uu Hogaaminayo Oo Malayshiyada Riyaale Ka Soo Fakaday.

Laascaanood(RadioLascaanod)5-2-04 Khamiis:-- Waxaa maanta magaalada Laascaanood soo gaadhay G/sare Axmed Raan iyo Askar kale oo lagu qiyaasay Toban ,ka dib markii uu ka soo fakaday iskagana yimi Malayshiyada Riyaale, Axmed Raan oo isagu ahaa ku xigeenka Hogaamiyaha Malayshiyada Riyaale ee Gobolka Sool.

oo in mudo ahba ku xidhnaa xabsi Hargeysa kuyaala iyada oo lagu eedeeyey in uu fulin waayey awaamir lagu farayey in uu weerarku qaado deegaanka uu ka soo jeedo ee Gobolka Sool.

Waxaana Xabsiga Hargeysa laga sii daayey muddo hada laga joogo Toban Maalmood,isaga iyo askartii ka soo fakatay ayaa waxa ay haatan ku sugan yihiin madaxtooyada magaalada Laascaanood.

Axmed Raan ayaa diiday in uu weerer ku qaado degmada Xudun bishii aynu ka soo gudubnay , iyada oo ay doonayeen maamulka Riyaale in ay Gobolka Sool ku soo qaadaan weerar sadex geesood ah, oo Axmed Raan qaybka ahaa, isla markaana laba ka mid ahi Fashilmeen , halka uu fu'aad ka fuliyey.

Dadweynaha magaalada Laascaanood ayaa arrikan aad u soo dhaweeyey una arkay talaabo ay haboontahay in ay kudaydaan kuwa kale ee walaalahood laga horkeenayo. .

Xigasho:Radiolaascaanood.

Kor u noqo


G/Sare Siciid Dheere (Anigu Goolaaftan Ma Aqaan) Hogaamiyaha Hawlgalka Ciidamada Daraawiishta Puntland. .

(RadioLascaanod)5-2-04Khamiis:-Hogaanka Hawlgalada Ciidamada Daraawiishta ee Puntland G/Sare Siciid Dheere ayaa sheegay mar uu U waramayey warbaahinta isaga oo ku sugan Laascaanood in aanu isagu aqoon, waxa loo yaqaano Goolaaftanka ee uu Hawlihiisa sida ugu haboon u qabsan doono haddii ay Malyshiyada Riyaale Kaahin Isku Dayaan Inay daandaansi gardaro ah ku soo weeraraan dhulkiisa.
G/Sare Siciid Dheere mar wax laga weydiiyey nabad galayda guud ee Gobolka Sool waxa uu sheegay in ay xaaladu degan tahay isla markaasna gacanta ku hayaan , intii ay ciidamada darawiishtu yimaadeena wax weyni iska nabadelay magaalada gudaheeda iyo dibadeedaba.
Mar laweydiidyey gaashaanlaha halka ay ciidamada Puntland ku sugan yihiin , iyo in ay xuduudaha joogaan, waxa uu ku jawaabay xuduudaha way ka so keeyaan, waxaana jira meelo uu cadowgu soo galay intii aanay ciidmada daraawiishtu iman,iyaga oo ka faa’iideystay intii waanwaanta lagu jiray, wuxuuna intaasi ku daray in ay ciidamadu joogaan meel ay difaacooda ka xidhan karaan.
Waxa kale oo la weydiiyey siciid Dheere Hogaanka Hawlgalka daraawiishta puntland , halka ay ku sugan yihiin Ciidmada Malayshiyada Riyaale, Wuxuuna sheegay in ay jiida hore joogaan , Horjoogohooduna ku sugan yahay Yagoori iyo Toga loo yaqaano Sii-Xawle. Iyo wixii ka danbeeya.
Mar wax laga weydiiyey in uu bal wax iska hor imaad ahi dhexmaray laba ciidan , wuxuu ku jawaabay Siciid Dheere, wax iska hor imaad ahi ilaa iyo hada ma dhicin,wuxuuna intaasi ku daray annagu in badan ayaanu isku daynay in aan laysku dhicin , oo nabad wax lagu dhameeyo , hasa yeeshee waxaad moodaa in ay malayshiyada Riyaale isasoo miidaaminayaan , annaguna arrintaasi diyaar ayaanu u nahay in aanu is difaacno, waxaanu na diyaar u nahay in aanu dalkayaga difaaciisa waxba kala hadhin.
Mar uu ka jawaabayey G/sare Siciid Dheere bal in uu jiro wax dhaqdhaqaaq ciidan ah, oo ka jira gobolda kale ee Cayn Iyo Sanaag,Wuxuu sheegay in ciidamada Puntland meelkasta oo ay joogaan Heegan la geliyey, wuuna jiraa ayuu yidhi siciid Dheere Dhaqdhaqaaq ay ciidamada Riyaale kawadaan jiidaas , hasa yeeshee Culaysku wuxuu saran yahay Magaalada Laascaanood.
Waxa kale oo uu sheegay G/sare Siciid dheere in uu jiray markii hore baalxoofto ama goolaaftan badan oo ka imanayey dhinaca Riyaale hadase ay intii hore ka yaraatay, wuxuuna sheegay in aanu isagu goolaaftanka aqoon ee uu diyaar u yahay in uu dalka difaaco, markay dhabta tagtana ay ku xumaandoonto kuwa gardarada ku yimi dhul, aanay lahayn.
Ugu danbayntii waxaa la weydiiyey G/Sare Siciid Dheere in uu bal haysto Ciidan ku filan oo hadii la soo weeraro ama lagu amro in uu xuduudaha soo xidho uu u adeegsan karo, wuxuuna sheegay in ay hada ku xakamaysan yihiin go’aan siyaasiya, hadiise la soo weeraro ay amar u haystaan in ay is difaacaan, ciidankan hada ku sugan laascaanoodna uu ku filan yahay in uu xuduudaha soo xidhi karo.
Waraysigii gaashaan luhu halkaas ayuu ku dhamaaday.
Haddaba waxaa jirtay maalintii Salaasada ee aynu ka soo gudubnay in ay isku sigteen laba ciidan in ay isku dhacaan , ka dib markii afar tigniko ah oo uu watay Fu’aad Aadan Cade iyo Taliyaha Malayshiyada Riyaale ee Gobolka Sool , C/laahi Xaaji Dabayare ay soo gaadheen Tuulada Lagu magacaabo Canjiid oo magaalada Laascaanood u jirta 20km, halkaas oo ay sahan ku yimaadeen, arrintaas oo ay ka war heleen Ciidamada Daraawiishta ee Puntland, Waxaana isla markiiba ku baxay Sagaal Tikniko ah oo uu Hogaaminayey G/sare Siciid Dheere.
Dad Goob joog ahaa oo ku sugnaa magaalada Cadhi Cadeeye oo iyana u jirta Laascaanood 35 km waxay sheegeen markii ay ciidamada Riyaale Dhaqaaqeen in ay kuwa Puntlandtuna Soo gaadheen Halkaasi, arrintaas oo noqon lahayd isku dhicii labaad ee ay isku haleelaan labad dhinaca tan iyo markii uu Riyaale iyo Golayaashiisu Go'aanka Ku Gaadheen in ay guluf colaadeed ku ekeyaan Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn.
Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa maleeshiyo uu hogaaminyo Wasiirka Horumarinta Reer Miyaga Mamulak Riyaale Fu'aad Aadan Cade iyo Ciidmada Darwiishta puntland isku haleeleen meesha lagu magaacao Tifafle , waxaana ku Geeriyooday laba qof oo ka tirsanaa Maleeshiyadii uu watay Fu'aad.

Kor u noqo


Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Riyaale Oo Ka Soo Jeeda Deegaanka Cayn Oo Si Xun Loola Dhaqmay. .

Hargeysa(RadioLascaanod)5-2-04 Khamiis:-Wararka laga soo tabinayo Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in si xun oo dhaqanka ka baxsan in loola dhaqmay, xubin ka tirsan baarlamaanka Maamulka Somaliland oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle.
Xubintaas oo sida la sheegay lagu magacaaboC/rashiid Shiikh Faker Ducaale ayaa lagu soo waramayaa in uu ku galabsaday gacan ka hadalka loo geystay, ka dib markii uu mooshinka U soo jeediyey golaha wakiilada ee maamulka Riyaale, isaga oo su’aal soo hordhigay Golaha uu Leeyahay.(miyaan waxba laga weydiinayn dadka u dhashay deegaanka la weerarayo ee baarlamaanka ku jira).
Su’aashaasi markii uu baarlamaanka soo dhexdhigay ayaa waxa weerar gacanka hadal ah ku soo qaaday xubno ka soo jeeda beelaha Isaaqa ,waxaana u gacan qaaday oo isugu tagey shan xubnood ,waxaana loogeystay dhaawac culus oo markiidanbena keenay in cisbitaalka la dhigo.
Xubnaha ka soo jeeda Beelaha Harti ee ku jira Golayaasha Gurtida iyo Wakiilada ee Maamulka Riyaale ayaa lagu soo waramayaa in ay badankoodu ka soo horjeedaan in colaad lagu qaado dalkooda, iyaga oo lagu hayo cagajuglayn iyo hanjabaad ayaa la gusoo waramayaa in la cabudhiyo.
Xigasho:RadioLaascaanood.

Kor u noqo