Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Dhakhaatiirta iyo hawlwadeenada Isbitaalka Guud ee Laascaanood oo hawshoodii dib u bilaabay.

Nairobi,Kenya,31 jan 2003-Isbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood ayaa waxa maalmahan laga dareemayey in ay dhakhaatiirtii iyo hawlwadeenadii isbitaalku hawlahoodii si buuxda u wadaaan.Isbitaalka ayaa hawlihiisa dib u dhac ku yimaadeen dhamaadkii sanadkii tegey,iyadoo ay isugu darsantay dhaqaalo xumo iyo colaad la soo deristay dadka deegaanka ku dhaqan,kadib markii ay halkaas ka dhaceen dagaalo ay isaga hor yimaadeen ciidamo uu watay madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin,iyo ciidamada daraawiishta e deegaanka.

Hawl galkan cusub ee isbitaalka ayaa waxa uu dib u bilowday kadib markii ay odayaasha deegaanku ay u guntadeen sidii hawlaha isbitaalka loogu soo celin lahaa sidiisii hore,iyagoo xidhiidh la sameeyey dhakhaatiirtii iyo hawlwadeenadii isbitaalka.

Waxaa ugu horeyn dadaal dheeraad ah oo ay odayaasha deegaanku sameeyeen kadib dib ugu soo laabtay isibtaalka isku duwaha arrimaha caafimaadka ee gobalka Sool Dr. Muuse Geele oo mudo isagu hawlo shaqo ugu maqnaa dibada,waxaa kaloo isaguna sibinaar uu mudo ku maqnaa u soo dhamaaday maamulaha dhaktarka laascaanood Dr.Cali.X.hiirad,waxaa isna sidoo kale sibinaar ka yimid Dr Cabdi Maxamed oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurka TB.Dhakhaatiirta hawl gashay waxaa isna ka mid ah Dr Siciid Shahaado oo ah dhakhtar weyn oo aad looga qadariyo degaankaas.

Isbitaalka Laascaanood ayaa waxa taakuleeya hay,ad Noorwiijan ah oo mudo dheer ku sugnayd deegaankaas,hay,adaas oo qayb libax leh ka qaadatay sidii mar labaad loo dar dar gelin lahaa hawlaha isbitaalka.Shaqaalaha hay,adaas ayaa waxay bilaabeen hada inay sameeyaan kantarool ay maalin walba kaantaroolayaan shaqaalaha isbitaalka iyo sida ay hawshu u socoto.


Somaliland oo dhakhtar indhala u magacawday ergay gaar ah oo u xilsaaran baadigoobka aqoonsiga.

Adisababa,Ethopia,05 feb 2003-Waxaa dhawaan maamulka S/land(27-10-2002) u magacaabeen ergay gaar oo u xilsaaran baadigoobka aqoonsiga S/land,hadaba ergeygaan cusub oo lagu magacaabo Dr. Cumar Cilmi Dixood, ayaa waxuu yahay nin u go'ay baadi-goobka aqoonsi S/land hesho,isagoo isticmaalaya tabo iyo xeelado uu u arkay inay fure u noqon karaan baadi-goobka raagay ee sida weyn looga dhursugayo Hargaysa.

Dr.Cumar oo ah xirfad ahaan nin dhakhtar ah,(oo indhala'a)hase yeeshee siyaasada aad ugu fogaaday, ayaa waxuu dabayaaqadii sanadkii tegay ka waday magaalada Addis-ababa barnaamij uu ku sheegay inuu fure u yahay aqoonsiga iminka oo looga dhigay ergayga(special Envoy)waxuu ku doodayaa in mar hadii shacabka Gobolada S/land ay aftidii laga qaaday si buuxda ugu codeeyeen gooni-isutaaga dhulkaas, isla markaana aaysan taasi keenin mirihii laga sugayay ay tahay in markaan dhinaca Soomaali weynta kale laga dhexsameeyo codad aqoonsan gooni isu taaga S/land, taasoo uu Dr.Cumar aqoon isweydaarsiyo ku saabsan ku qabtay Addis-ababa xiligaas oo ay kasoo qeyb galeen dad u dhashay dhamaan gobolada koonfureed Soomaaliya.

Doodaas ayaa waxaa saldhig u ahayd in maadaama koonfuri heshiiin weyday in la iska fasaxo S/land, taasoo ay taageereen in badan ka mid ah kaqeybgalayaasha doodahaasi, oo u badnaa dhalinyaro iyo weliba mararka qaarkood dad siyaasiin ah kuwaasoo Dhakhtarku si caadifadi iyo diplomaasiyadi ku dheehan tahay uga dhaadhiciyay isagoo oranaya "inaan hadii konfur dhibkeedii dhamaan waayay aan waqooyigana la galaafan ee lacaymiyo, barwaaqadayadu meel idinka aadi maysee lugta yaan nala qabsanin" taasoo ay u guuxeen in badan ka mid ah ka qeybgalayaashaasi.

Waxaase layaab lahayd in qaar ka mid ah doodahaasi uu kaqeybgalayay Xuseen Ceydiid,oo xiligaas fadhigiisu ahaa Addis-ababa ,isla markaana uu Dhakhtarku ka helay Xuseen Ceydiid erayo aad u dhiirigaliyay oo muujinayay dabacsanaan uu ka muujiyay qadiyada Somaliland,doodahaas oo Dr.Cumar uu duubay iyagoo maqal iyo muuqaalba ah,ayaa waxaa uu qorsheynayay inuu kusoo afjaro dood balaaran oo u eg afti-guud, taasoo sida uu ii sheegay xiligaas mid ka mid ah gacanyarayaasha Dhakhtarku ay u qorsheysan tahay in lagu casumo wakiilo ka socda dunida iyo warfaafinta caaalamka waxuuna qorsheeyay inay ka dhacaan meelaha Soomaalidu aadka ugu badan tahay sida Nairobi iyo Addis-ababa.

Source=Puntlandpost


Kooxaha soomaalida ee shirku uga socdo Eldoret ayaa looga digay inay jabiyaan heshiiskii la gaaray.

Eldoret-Adisababa,05 feb 2003-Kooxaha soomaalida ee uu shirku uga socdo magaalada Eldoret ee Kenya,ayaa waxa looga digay in hadii ay jabiyaan heshiiskii ay saxeexeen ee xabada joojinta ahaa,laga eryi doono shirka,isla markaana la saari doono cunaqabatayn khaas ah,sidaas waxaa cadeeyey Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Kalonzo Musyoka isagoo ka qayb galayey shirkii midowga Afrika uga furmay Adisababa isniintii.

Isagoo Mr Musyoka ku hadlaya magaca IGAD,urukaas oo ah urukii soo qaban qaabiyey shirka soomaalida uga socda Eldoret,ayaa wuxuu tilmaamay sida ay kooxaha soomaalidu u jabiyeen heshiiskii la saxiixay bilowga shirka Eldoret 27 Oktoobar ee sanadkii tegey,heshiiskaas oo tilmaamayey in dhamaan la joojiyo colaada,isla markaana aan qolo qolada kale weerarin inta shirku socdo.

Si kastaba arintu ha ahaatee,ilaa iyo markii uu heshiiskaasi dhacay waxaa dagaalo ka qarxeen,meelaha ay ka midka yihiin magaalada Mogadishu oo ay maalin walba ka taagan tahay iska hor imaad hubaysan oo u dhexeeya kooxo iska soo hor jeeda, magaalada Laascaanood oo dagaal ku dhexmaray ciidamada jamhuuriyada la magac baxday Somaliland iyo ciidamada deegaanka iyo magaalada Baydhabo oo ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan labada garab ee RRA ,meelaha kale ee sida ba,an dagaaladu uga dhaceen waxaa ka mid ah gobolada Bari, Bakool, Gedo,Jubada hoose iyo Shabeelooyinka.

"In la jabiyo xabad joojinti lagu heshiiyey waxay keenaysaa inay dadka masaakiinta ah ee soomaaliyeed dhibaatoodaan,naftoodana la xalaalaysto,isla markaana la carqaladeeyo shirka dib u heshiisiinta soomaalida u socda"sidaas waxa weriyayaasha u sheegay Mr Musyoka isaga oo jooga Adisababa.

"Waxa walba ayaanu eegaynaa,iyadoo ay xisabta noogu jirto inaan qolyaha ku xad gudba xabad joojinta lagu heshiiyey lagu soo rogo xayiraad xaga safarka ah."ayuu yidhi Mr Musyoka oo weliba farta ku fiiqay inay og yihiin qolyo shirka fadhiya oo danbiyo badan galay.

Musyoka wuxuu kaloo ururada caalamiga ah ee aduunka ugu baaqay inay culays saraan kooxaha ku xadgudbaya heshiiskii la gaadhay,welina faraha kula jira dagaalo sokeeye iyo inay daadiyaan dhiiga shacabka soomaaliyeed "Waxa aanu ururada aduunka ee caalamiga ah u sheegaynaa in aan la soo dhoweyn kooxaha soomaalida ah ee carqalada ku haya shirka soomaalida hada uga socda Eldoret." ayuu yidhi wasiirku.

Kooxaha soomaalida ayaa iyaguna soo dhaweeyey baaqaas,Prof Gaandhi oo u hadla ururada rayidka ah ayaa yidhi"Waa sugayney arintaas,waxay ahayd in markii shirka la bilaabayba sidaa la sameeyo.Gaandhi wuxuu ka codsaday IGAD in ay saaraan cunqabatayn xoog leh ururada ama shaqsiyaadka carqaladaynaya heshiiskii la gaadhay. "Waa inay raga qabqablayaasha ahi ogaadaan in la ciqaabayo hadii ay heshiiska ka baxaan,taasina waa luuqada kaliya ee ay fahmaan" ayuu yidhi Gaandhi.

Dhanka kale, Mr Musyoka ayaa sheegay in shirka laga rari doono Eldoret,loona rari doono meesha la yidhaahdo Mbagathi oo ah xaafad ku taal Nairobi labada wiig ee inagu soo fool leh,iyadoo ujeedada shirka loo soo rarayaa ay tahay si loo yareeyo kharashka ku baxa shirka.

Laakiin qaar ka mid ah ergooyinka soomaalida shirka uga qayb galaya ayaa ka dayriyey meesha cusub ee shirka loo soo rarayo,iyagoo ka digay in kumanaanka soomaaliyeed ee ku nool Nayroobi ay imaan doonaan shirka,taasina ay caqabad cusub ku noqon doonto qaabka uu shirku u socon doono.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.