Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Shir sanadeedkii SSHDA oo si rasmi ah maanta uga furmay Atlanta .


©  Laascaanood online

SSH-MAP.

Atlanta,USA 4 July 2003 — Waxaa si rasmi saaka magaalada Atlanta sagaalkii subaxnimo uga furmay shir sanadeedkii 4aad ee ururuwaynaha SSHDA, shirkan oo ay ka soo qayb gaeleen wufuud aad u tiro badan, kuwaas oo ka kala yimi dhamaanba dunida daafaheeda, ayaa kala kulmay jaaliyada SSH ee Atlanta soo dhawayn aad u heer saraysa..

Shirka waxaa ergooyinkii martida ahaa iyo dadwayinihii kaleba ku soo dhaweeyey isagoo ku hadlayay magaca reer Atlanta prof.Abdirizak Darawal isagoo aad ugu mahad celiayay marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka guud ahaan, gaar ahaana kuwa iyagu markaa ka yimi meelaha aadka u fog fog. .

Kadib waxa shirka wacdi diini ah ku furay Sheekh C/xakiim Xasan isagoo halkaa ka soo jeediyay waano ay dadkii dhegaysanayay aad ula qushuuceen, waxaa hadalkii qaatay Cashuur oo ka mid ah boardka SSHDA, Cashuur wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday in loo baahanyahay in midnimo iyo wada jir in lagu wada shaqeeyo, isagoo tilmaamay inaan horumar iska iman hadaan loo hurin wakhti iyo maalba "sida gaadiidku ugu baahanyahay shidaalka ayaa uruku u baahayahay inaan gelino wakhti iyo macnawiyaad kaleba" sidaa waxaa yidhi Cashuur. .

Intaan laqaadan fasaxii koobaad waxaa shirka gudoomiyay wasiirkii tacliinta ee soomaaliya Mudane C/laahi M. Mire, wasiirku wuxuu soo jeediyay khudbad aad u dheer una qiimo badnayd taasoo aanay suuragalba ahayn in lagu soo koobo hal qormo iyo wax lamida, ugu horayn wasiirku wuxuu mahad balaadhan u jeediyay hogaanka ururka SSHDA isagoo ku tilmaamay geesiyaal aanay hakinayn caqadabaha ay la kulmaan dadka is bedelka doonayaa, wuxuuna ku dhiiri geliyay inay dadaalkooda sii laban-laabaan, wasiirku wuxuu walaac ka muujiyay xaalada waxbarasha, caafimaadka iyo biyahaba ee gobolada SSH isagoo ku ilxaaxiyay in looga baahanyahyay inay qaadaan jaaliyada SSH ee ku nool qurbuhu talaabooyin horumara oo wax ka bedela wejigan ay hada leedahay. .

Xigasho:Somalicity.com .


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.