Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Gudi ka kooban 17 caaqil oo uu gudoomiye u yahay Garaad Cabdislaan oo loo saaray inay soo afjaraan rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood.

.


©  Laascaanood online

Xaalada magaalada laascaanood oo hada caadi ah.

Laascaanood,04 March 2003 - - Isimada ya ka midka yihiin Garaad Cali Buraale,Boqor Cabdillaahi Axmed,iyo Suldaan Cabdisalaan Xassan Maxamed ayaa iyaga oo kaashanaya Culumaa,udiinka,odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa u guntaday sidii ay u soo afjari lahaayeen colaada,la isuguna keeni lahaa beelihii ay ka dhasheen dhalinyaradii dilka geysatey,loona baajin lahaa dhiig danbe oo daata.

Garaad Cabdisalaan oo isaga ay garaadadu u xil saareen inuu arinta dhameeyo,ayaa magacaabay gudi ka kooban 17 cuqaal oo uu isagu madax u yahay,gudigaas ayaa ku guulaystay inay kala diraan kooxihii iska soo horjeeday,isla markaana la xaajooday labada dhinac ee xurguftu dhexmartay.Gudigan ayaa ka kooban cuqaasha kala ah:

  • Gudoomiye garaaad Cabdisalaan Xassan Maxamed
  • Caaqil Cabdikariin Xassan Faarax
  • Caaqil Axmed Murmuute
  • Caaqil Cabdikariin Xassan Saalax
  • Caaqil Maxamed Cilmi Cade
  • Caaqil Axmed Xaaji Faarax
  • Caaqil Cabdisamad Axmed Dabayl
  • CaaqilCumar Xaaji Maxamuud Goonle
  • Caaqil Axmed maxamuud Sanbaloolshe
  • Caaqil Jaamac Saadle Cilmi
  • Caaqil Maxamuud Maxamed Saleebaan
  • Caaqil Maxamed Faarax Seed
  • Caaqil Dh Xuseen Axmed
  • Caaqil Caarshe Faarax Cagey
  • Caaqil Maxamed Aadan Cade
  • Caaqil Maxamuud Cabdillaahi Faarax
  • Caaqil Jaamac maxamed Xuseen
  • CaaqilCaaqil Cabdillaahi Warsame Jaamac
  • Caaqil Yuusuf Xaaji Cilmi

Saacada afrikada bari markay ahayd 8ii fiidnimo ee habeenkii jimcuhu soo galayey ayaa niman dablay ahi waxay si naxariis daro ah rasaas ugu fureen marxuun Cabdisamad Hure oo isla goobtii ku geeriyooday,dilkaas oo bedelay jawagii magaalada Laascaanood oo beryahan nabad ahayd.Waxaa iyaguna saacad kadib weerar qaaday koox dhalinyaro ah oo uu hogaaminayo marxuunkaas dhintay walaalkiis,kuwaasoo weerar ba,an ku qaaday xarun ay is lahaayeen waxaa ku sugan kooxdii dilka geysatey,waxaa isna halkaas ku dhintay marxuun Maxamed Jaamac Cashuur oo aan isagu wax shaqo ah ku lahayn labadaa kooxood ee dagaalamayey,waxaa iyaguna ku dhawacnay halkaas laba nin oo nin ay walaala yihiin ninkii ay fidnadu ka kacday,ninkale oo dhaawac ahna waxaa loo qaaday dhinaca magaalada Berbera.

Dhinaca kale waxaa magaalada Laascaanood lagu qabtay isniintii kulan weyn oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin,garaado,culumaa,udiin iyo waxgarad kale oo ka tirsan dadka ku dhaqan deegaankaas,kulankaas oo uu soo qaban qaabiyey garaad Cabdiqani Garaad Jaamac ayaa waxaa lagaga hadlay arimaha xaga nabadgelyada iyo sidii loo samaysan lahaa maamul ilaaliya nabadgelyada oo uu deegaanku leeyahay.Waxaa weli socda shirar gooni gooni ah ay leeyihiin garaadada iyo siyaasiyiinta deegaanku.Xaalada magaalada Laascaanood ayaa hada si caadi ah ku soo noqotay malayshiyadii hubka haystayna waxay ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.
warbixin arimahaas ku saabsan oo tafatiran dhowaan ayaan soo saari doonaa insha alaah.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.