Make your own free website on Tripod.com

Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Waa sidee xaalada magaalada Laascaanood maanta(Arbaco Jan 2004).

.

Laascaanood,Soomaaliya-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood maanta ayaa sheegaya in magaaladu ay degan tahay.

Sida uu ku soo waramayo weriyaheena nooga soo warama magaalada Laascaanood waxa uu noo sheegay in ciidamada Puntland ay ku jiraan heegankii ugu sareeyey,iyada oo taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Puntland ay ku sugan yihiin magaaladaas,kadib markii la soo sheegay malayshiyo taageersan maamulka Riyaale oo ku soo xadgudbay dhulka Puntland in ay soo gaadheen Yagoori. .

Qayb ka mid ah ciidanka daraawiishta oo ku hubaysan hubka culus ayaa maanta u baxay dhinaca magaalada Yagoori,si ay uga sifeeyaan dhulka calooshood u shaqaystayaasha laga soo ururiyey Hargeysa iyo Boorame. .

"Waxaan balan ku qaadaynaa in aan xabad xabad u qab qaban doono calooshood u shaqaystayaasha laga soo diray Hargeysa,haaduna ka dhergi doonto wiilashaas la soo khiyaameeyey ee dhulkayaga sida gardarada ah weerarka ugu soo qaaday" sidaas waxaa yidhi wasiirka arimaha gudaha ee Puntland,mudane Axmed Cabdi Xaabsade mar uu maanta wax ka weydiiney xaalada nabadgelyo ee dalka.
Dhanka kale waxaa ka taagan magaalada Caynaba qalalaase keenay dhimasho iyo dhaawacba oo u dhexeeya beesha boqor Buurmadow iyo malayshiyada Riyaale.Taageerayaasha Boqor Buurmadow ayaa dalbanaya in si shuruud la,aan ah lagu soo daayo Boqorkooda oo loola dhaqmay si ka baxsan dhaqanka soomaalida.
Waxaa gebi ahaanba istaagay maanta gaadiidkii isaga gooshi jirey magaalada Burco iyo Laascaanood,taasoo muujinaysa sifo colaadeed oo dib uga soo cusboonaatay deegaankaas,kadib markii maamulka Riyaale ay mar labaad iclaamiyeen dagaal lagu hoobto oo ka dhex dhaca dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolada waqooyi ee Soomaaliya.
Laascaanood online,Laascaanood.

Kor u noqo