Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya. .

   
 
 

Rabshadihii dilka iyo dhaca isu jirey oo maalmahan gigiley magaalada Laascaanood oo la soo afjaray. .


Laascaanood oo xasiloonidii ku soo noqotay.

Laascaanood,02 sep.-Falkii foosha xumaa ee maalmihii aan soo dhaafnay ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ku guulaysteen inay soo afjaraan.

Falalkaas ayaa biloowday kadib markii dhalinyaro hubaysan ay bilaabeen inay dhacaan gawaadhi taagnayd suuqa weyn ee magaalada,iyagoo rasaas ooda kaga qaaday dhamaan shacabkii ku sugnaa suuqaas,iyagoo geystey dhimasho iyo dhaawacba.Ala ha u naxariistee waxaa halkaa ku geeriyooday Axmed Daahir Cumar,oo ahaa nin dhalinyaro ah oo dhamaan dadka ku nool deegaankaasi aad uga naxeen sida axmaqnimada ah ee dablaydaasi xabada ula beegsadeen.Waxaa kaloo halkaa ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Waxaa sida caadadu u ahaydba isla markiiba u tafaxaytay inayan dhibaatadu intaa dhaafin odayaasha oo kaashanaya culumaa,udiinta iyo dhamaan waxgaradka deegaankaas,kuwaasoo ku guulaystay inay kala diraan malayshiyooyinkii hubka isu soo urursaday,waxay kaloo ku guulaysteen in la isu celiyo 3 gaadhi oo dhalinyaradu haysatey,gawaadhidaas oo ay ku jirtey booyad laga lahaa deegaanka Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxaan ilaa iyo iminka aan lagu guulaysan in gacanta lagu dhigo gacankudhiiglayaashii dilkaas geystey,kuwaasoo sida wararku nagu soo gaadhayaan u baxsaday dhinaca magaalada Burco,balse warar aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay noo sheegeen in odayaal ku sugan deegaanka Yagoori ay balan qaadeen inay soo qabtaan ninka dilka geystey oo sida la tilmaamay ahaa nin oday ah oo da,da 50 jir ah.

Rabshadahaas ka dhacay magaalada ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa ee soo mara dadka ku dhaqan magaaladaas ilaa iyo markii burburka dalku bilowday bilowgii sagaashameeyadii.Mudaaharaadyo lagu taageerayo odayaasha nabada wada ayaa ka socday maalmahanba magaalada,iyagoo dadweynuhu ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen "Dhiig muslin daadshe dooni mayno","Qaatul-dariiq dooni mayno." iyo erayo kale oo la mid ah.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Sool Ibraahim Jaamac Daad ayaa sheegay in falalkani yihiin kuwo ay ka danbeeyaan rag siyaasiyiin ah oo dabada ku haya maamulka la magacbaxay Somaliland .

Shir albaabadu u xirnaayeen oo lagu qabtay saldhiga booliiska ee magaalada Laascaanood oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta gobolka Sool iyo dhamaan dadka ay khusayso arimaha deegaankaasi ayaa lagaga xaajooday sidii loo adkayn lahaa nabadgelyada gobolka. Hadaan nahay bahda Laascaanood online waxaan tacsi u diraynaa qooskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuun Axmed Daahir Cumar,ilaahay janadiisii fardowsa ha ka waraabiyo!!AAMIIN AAMIIN AAMIIN!!.

Hassan Diiriye Jaamac Ashkir,Laascaanood online.


Ma dhabaa in C/qaasim uu magangelyo siyaasadeed ugu bixi doono Masar?.


Muqdisho,30 aug.Ninka madaxweynaha ka ahaa xukuumaddii kooxda Carta ee waqtigeedu dhamaaday, C/qaasin Salaad Xasan ayaa lagu wadaa inuu bisha foodda inagu soo haysa ee Sabtembar, 2003 u bixitimo caasimadda masaarida Qaahira, halkaas oo ay la sheegay inuu ku joogi doono magangelyo siyaasadeed, sidaana waxa sheegay warar diblomaasiyadeed oo laga soo xigtay ilo ku dhowdhow C/qaasin, iyadoo ay wararku sheegeen inuu C/qaasin sidaa go’aansaday.

Jariiradda la yidhaahdo Sharqul-Awsad ee afka Carabiga ku soo baxda, kana soo baxda magaalada London ayaa toddobaadkan daabacday war sheegaya inay xukuumadda Masaaridu hadda ka soo debecday mawqif lug-jiid ah oo ay ka taagnayd shirka dib u heshiisiinta ee kooxaha iyo beelaha Somaliya ee Kenya, waxaana la sheegay inuu debeceedu ka dambeeyey cadaadis in muddo ah kaga imanayey dalalka Mandaqadda iyo beesha caalamkaba, iyadoo uu cadaadiskaa nuxurkiisu ahaa inay xukuumadda Masar joojiso taageerada ay siiso kooxda Carta ee uu C/qaasin madaxda ka yahay.

C/qaasin waxa uu ka soo horjeedaa shirka Kenya uga socda kooxaha Somalida, taas awgeedna waxay ururada iyo dalalka shirka maamulayaa aaminsan yihiin inay taageerada ay Masaaridu siiso C/qaasin ay carqalad ku tahay geedi-socodka shirka iyo guusha shirka, iyadoo uu C/qaasin dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee Julay ka baxay shirka Kenya, dibna ugu laabtay Muqdisho, laakiin xukuumaddii waqtigeedu dhamaaday ee C/qaasin intii aan waqtigeedu dhamaan ayey burburtay, waxayna u kala jabtay laba garab, taas oo uu garab ka mid ah oo ay horkacayaan gudoomiyihii baarlamaanka iyo Ra’iisal-wasaarihii (Cabdalle Deerow & Xasan Abshir) ay shirka ka qayb galeen, halka koox uu C/qaasin horkacayaana shirka ka baxeen oo ay Muqdisho ku soo laabteen, iyadoo uu xukuumaddii C/qaasin waqtigeedu ku ekaa 12-kii bishan aynu ku jirno ee Ogost, 2003.

Sida ay wararku sheegeen wasaaradda arimaha debedda ee dawladda Masar ayaa toddobaadkii ina dhaafay xidhiidho isdaba-jooga ah la samaysay C/qaasin oo jooga magaalada Muqdisho, waxayna xidhiidhadaa ujeedadoodu ahayd in lagu qanciyo inuu caasimadda Masaarida ee Qaahira, ka dib marka uu xilka ku wareejiyo xukuumadda lagu wado in lagu soo dhisi doono shirka Kenya ka socda, iyadoo ay xukuumadda Masar C/qaasin ku qancisay inuu magangelyo siyaasadeed ugu noolaado Masar, taasna waxay wararku tibaaxeen inuu C/qaasin mabadi’iyan ku qancay hindisiha ay xukuumadda Masar u soo bandhigtay.

Inkasta oo aanu weli soo bixin dhawaaq rasmi ah oo ka soo yeedhay dhinaca C/qaasin, hadana warar C/qaasin laftiisa ku dhowdhow ayaa laga soo xigtay inuu aqbalay hindisaha xukuumadda Masar ee ah inuu Qaahira ugu noolaado mangelyo siyaasadeed, waxayna wararku sheegeen inay xukuumadda Masar C/qaasin siinayso ama dejinayso guri ay degaan isaga iyo xaaskiisu, sidoo kale waxay wararku intaa ku dareen inay dawladda boqortooyada Sucuudi-Arabiya iyaduna dhinaceeda bixinayso kharashka ku bixi doona nolosha C/qaasin iyo qoyskiisa.

Horaantii bishii Ogost, sannadkii 2000 ayey C/qaasin madaxweyne u doorteen kooxihii ku shiray tuulada Carta ee dalk Jabuuti, waxaana xukuumaddiisa loo cayimay muddo saddex sannadood ah inay jirto, iyadoo waajibkii shirkaa lagu siiyey ahaa inay dalka dawladda loogu doortay ka hirgeliso maamul iyo inay samayso wax la yidhaahdo dib-uheshiisiin qaran, laakiin maamulkii C/qaasin waxa uu waqtigu ka dhamaaday isaga oo aan weli si fiican u gaadhin xaafad Muqdisho ah.

Source:Haatuf
 
 
 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.