Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


DR.Cali Khaliif Galaydh Iyo Wafti uu hogaaminayey oo Maanta ka soo Degay Garoonka Jommo Kenyata ee Nairobi

Nairobi(Kenya)Waxaa maanta oo ay taariikhda ahayd 2/7/004 gegida diyaaradaha ee Jomma Kenyatta Airport ka soo dagay Ra,iisal wasaarihii ugu horeeyey ee dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaliya(Dr.CALI KHALIIF GALAYDH)  waxaana goobtaasi ku sugayey dadweyne aad u tira badan oo Soomaliyeed oo doonayey in ay soo dhoweeyaan (DR.GALAYDH)

Waxaa markii aanu ka soo baxnay goraanka ii muuqanayey b/buur aad u tira badan oo ay saaraayeey dad Soomaaliyeed oo isugu jira Siyaasiin,Ganacsato, bulshada rayidka ah ee Soomalida iyo dadka ka mid ah Soomalida wadanka Kenya,waxaa si habsami ka muuqato iyada oo la gelbinayo (Dr.Galaydh) la geeyey Hutelka Sarena ee ku yaala badhtamaha magaalada Nairobi iyada oo ay la socdaan dhamaan dadweynihii  gelbinayey (Dr.Galaydh) waxay ku nasteen dhamaantood Hallka loogu tala galay ee marti sharafta,intaas ka dib waxaa looga sii gudbay Hallka lagu qabto shirarka jaraa,id ama dadka loogu waramo hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey (Dr.Galaydh) waxaa uu yidhi sidan.

Marka ugu horaysa waxaan mahad balaadhan u jeedinayaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed oo ka qayb qaatay soo dhoweyntayda aad ayaan ugu faraxsan ahay waana u mahad celinayaa waxaana kale oo aan mahad u celinayaa Shacabka Soomaaliyeed inta aan ka qayb qaadan soo dhoweyntayda,wuxuuna bilaabay (Dr.Galaydh) in uu ka waramo safarkiisa iyo fariimaha uu u wado shacabka Soomaaliyeed

Wuxuu ugu horayn mahad balaadhan u soo jeediyey dhamaan shacabka Kenya maamul iyo shacaba,isaga oo ka hadlaya gogosha ay u dhigeen Nabada soomaalida iyo sida ay uga go,an tahay Shacabka iyo xukuumada kenya in Soomaali dawladi u dhalato wuxuu yidhi ilaawi mayno waana u mahad celinayaa,

Waxa kale oo (Dr.Galaydh)ka hadlay doorka shirka iyo beesha CAALAMKA,IGAD )ay ka qaateen shirka soomaalida oo haatan u muuqda in uu soo gaadhey wareegii ugu danbeeyey oo aan ku rajo weyn ahay in ay wax ka soo baxaan,wuxuu carabka ku dhuftay (Dr.Galayr) wadamada Safka hore sida Ethiopia,Djabuti,Sudan,Eataria,Uganda,hanaanka dedaalka ah ee ay wadaan iyo sida ay uga go,an tahay in xal loo helo Soomaali maamula loo sameeyo,

Dr.Galaydh,Mar uu ka hadlay dagaaladii ka dhacay koonfuta Soomaliya gaar ahaan magaalada Mugadisho waxaa uu yidhi aad ayaan uga xumahay arintaas waxaana aad uga xumahay dhibaatada loo geystay Hutal Global oo ahaa meeshii ay ka bilaaban tahay dhibaatada,waan ka xumahay,dadkaas waxaanu nahay Tol siyaasadeed waayo dadku waa groups,

Dr.Galaydh,waxaa uu ka hadlay khal khalada ka jira dhulka Puntland waxaana uu dad weynaha Puntland u rajeeyey Nabad iyo Barwaaqo wuxuuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan nabada isla markaasina ay isku tiirsanaadaan si ay horumar u gaadhaan,

Dr.Galaydh waxaa ugu danbayn uu ka hadlay safarkiisa iyo waxa uu u yimid Magaalada Nairobi wuxuuna yidhi waxaan joogayaa mudo(ilaa sadex bilood ah) ilaa inta shirkani dhinac uun u dhacayo waayo marar hore ayaan soo gaadhey halkan hadanse waxaan jogayaa mudo bal si aan isu waraysano raga ama dadka aanu (Tolka Siyaasadeed nahay) wixii ka soo baxa ayaan wax ku qaadan doonaa,

Dr.Galaydh,ma sheegin in uu isu sharaxayo jagada M/weynanimada Soomaaliya taas waa ka gaabsaday oo waxa uu yidhi taas dib ayaan u dhiganayaa oo hadan afkayga kama helaysaan,

Xigasho:Radiolascaanood.com

Kor u noqo