Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Wararkii ugu danbeeyey ee aan ka helay magaalooyinka Laascaanood,Buuhoodle,Heegaale,Ceerigaabo,iyo dhamaan deegaamada SSH.


©  Laascaanood online

Wararkii todobaadkii tegey ee gobolada SSH.

Laascaanood, 2 Jun 2003 — Magaalada Laascaanood ayaa waxaa wakhtiyadii ugu danbeeyey noqotay meel nabad ah,oo waxaa maalinba maalinta ka danbaysa sii yaraanaya hubkii lala dhexmushaaxi jirey wadooyinka magaalada.Waxaad arkaysaa ciidamada daraawiishta ee Puntland oo ku hubaysan gawaadhida gaashaaman oo raxan raxan u maraya wadooyinka waaweyn ee magaalada Laascaanood,kuwaasoo hubka ka dhigaya qofkii ay arkaan isagoo hub sita,isla markaana mararka qaarkood bandow ku soo roga magaalada hadii loo baahdo.

Waxaa maalmahaanba ka socdey dhamaanba lixda gobol ee dawlad goboleedka Puntland damaashaad iyo xafalado kala duwan oo lagu soo dhoweynayo heshiiskii nabadaynta ee dhowaan dhexmaray Jabhada Badbaadinta Puntland ee uu hogaamiyo Gen Cade Muuse Boqor iyo maamulka Puntland ee uu madaxda u yahay Cabdillaahu Yuusuf Axmed.Waxaa dhanbaalo hanbalyo ahi ay ku soo hoobanayaan guriga madaxtooyada ee dawlada Puntland.

Boqor Cabdillaahi oo ka mid isimada gobolka Sool ayaa wuxuu aad ula dhacay go,aanka xaga nabada ah ee uu gaadhay madaxweynaha Puntland Cabdilaahi Yuusuf,iyo weliba sida geesinimada leh ee uu Cade Muuse isna tanaasulka taariikhiga ah u gaadhay.Xubnaha la siiyey kooxda mucaaradka ayaa waxay gaadhayaan ilaa iyo 18 xubnood,oo ay ka mid yihiin 3 wasiir,2 wasiir ku xigeen,5 agaasime guud,3 agaasime waaxeed,gudoomiyaha maxakamada sare,taliyaha saldhiga booliiska ee garoonka diyaaradaha ee Boosaaso,gudoomiyaha gobolka Mudug,duqa magaalada Boosaaso,iyo ku xigeenkiisa,iyo 3 xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha shirka Nairobi soomaalida uga socda Puntland uga qayb qaadan doona.

Waxaa ka dhacay magaalada Qardho iska hor imaad dhexmaray ciidamadii Gen Cade,ee soo galayey magaalada,kana soo kicitimay dhinaca degmada Ceelafweyn iyo ciidamada daraawiishta oo ku sugnaa magaalada,waxaa halkaas ku dhintay 3 qof oo midkood dumar ahayd,qalalaasahaas ayaa keenay jaahwareer,balse kadib markii Gen Cade soo gaadhay magaalada ayaa arintii qabowday oo labadii ciidan la kala kaxeeyey.

Dhinaca kale magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa maalmahan ku soo badanayey falal fool xun oo aan beryahaan lagu arag deegaamadaas gobolka Hawd.Wararka aan ka helnay degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in uu geeriyooday nin kadib markii uu nin dhalinyaro ahi uu rasaas iska furay bartamada magaalada Buuhoodle,isagoo ninkaasi sida naloo sheegay uu raadsanayey nin uu aano hore u daba joogey.

Iyadoo arintaas hore u dhacday la soo gebagebeeyey ayaa waxaa iyana magaalada Heegaale oo ka tirsan deegaanka Wardheer ee ismaamulka Soomaalida ee gobolka 5-aad ee Itoobiya,ayaa waxaa ka dhacday arin ka yaabisay dadka ku dhaqan deegaankaas,taasoo ahayd in nin magaciisa lagu sheegay Siciid Cismaan oo 40 jir ahi,uu gawracay haweenaydii u dhaxday oo lagu magacaabo Canab Cabdi Saleebaan,ninkaas waxaa markiiba gacanta ku dhigay booliiska,balse waxaa la xaqiijiyey in ninkaasi ay maskaxda wax uga dhinaayeen.Isla deegaanka Heegaale ayaa waxa ka dhacay shil baabuur,shilkaas oo dhacay kadib markii ay labada gaadhi isaga hor yimaadeen wada keliya oo si toos ah ay isugu dhaceeen,taasoo sababtay in 2 nin ku dhintaan,13 kalena ay ku dhaawacmaan,waxaa dhaawacii loo qaaday dhinaca magaalada Buuhoodle,iyadoo wixii dhaawac halis ahaana loo dhaadhiciyey dhinaca magaalada Burco.

Waxaa wararka kale ee aan ka helay Kililka 5-aad sheegayaan in deegaamadaas beryahan lagu arkayey ciidamo Maraykan ah,kuwaas oo xarun ka samaystay duleedka magaalada Galaadi,waxaa kaloo ay dadku arkayeen diyaaradaha Helikobtarka oo dul marya.Lama garan karo sababta ay ciidamadaasi halkaas u yimaadeen iyo meesha ay ka yimaadeen,balse waxaa loo badinayaa in ciidamadaasi ka yimaadeen dhinaca magaalada Jabuuti,halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan oo ameerikaan ahi.

Dhaqdhaqaaqa ciidamadan ayaa dadka qaar waxay ku macneeyeen inay qayb ka tahay hub ka dhigista,hubka laga dhigayo soomaalida oo dhowaan la bilaabi doono,marka sida la filayo dhowaan dawlad qaran lagaga dhawaaqo shirka soomaalida uga socda magaalada Nairobi duleedkeeda,ciidamadan ayaa hada ku jira diyaar garoow,oo waxay diyaar ku noqonayaan xuduuda soomaaliya,si ay si fudud hadhow marka amar la siiyo ay isla markiiba u galaan meeshay u socdeen.

Dhinaca kale waxaa sadexdii todobaad ee aynu soo dhaafnay ka taagnaa qalalaase nawaaxiga magaalada Ceerigaabo iyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Sanaag,qalalaasahaas oo bilowday kadib markii la isku khilaafay dhul beereed ama dhul daaqsimeedka Xidhmooyinka loo yaqaano,oo dhulkaasi kaga duwan yahay soomaalida inteeda kale.Ciidamo xoog leh oo ay beelaha koonfurta Sanaag iyo kuwa galbeed iyo kuwa waqooyiga degeniba ay halkaa ku soo daadguraynayeen ayaa buuxiyey magaalada Ceerigaabo,iyadoo hada la soo sheegayo in ciidamadaasi ay kor u dhaafeen 3 kun oo malayshiyooyin ah.Shalay ayaa odoyaal aan ahayn beelaha is haya waxay ku guulaysteen inay kala dhexgalaan malayshiyooyinkaas,iyagoo isla shalayba kala raray ciidamadaas iska soo hor jeeday,waxaana loo balansan yahay kulan danbe oo isla maanta la isa soo hor fadhiisin doono beelaha is haya.

Rabshadan ayaa bilaabatay kadib markii beel ka mid ah beelaha dega deegaankaasi ay fulin weydey heshiis la gaadhay sanadkii 1993,heshiiskaas oo uu ka mid ahaa qodob sheegeyey in la isu celiyo hantida la kala haysto,balse maadaama aan heshiiskii la gaadhay aan la fulin,ayaa beesha ka soo jeeda koonfurta Sanaag,waxay go,aansadeen inay si xoog ah ku soo ceshedaan dhulkaas ka maqan,inkasta oo waanwaanta iminka la galay la rajaynayo in ay arinta qaboojiso.

Laascaanood Online


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.