Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

Xaalada magaalada Laascaanood oo degen, kadib markii ciidamadii taabacsanaa Somaliland dib ugu noqdeen Oog

Bayaan ay soo saareer ururka haweenka Gobolka Sool

Waraysi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .


 


Xaalada magaalada Laascaanood oo degen,kadib markii ciidamadii taabacsanaa Somaliland dib ugu noqdeen Oog

Laascaanood,02 Jan,2004-Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maanta degenayd kadib markii maalmihii ugu danbeeyey ay soo food saartay daruur colaadeed,oo welwel iyo welbahaar ku abuurtay dadka ku nool magaaladaas iyo nawaaxigeeda,colaadaas oo bilaabatay kadib markii baarlamaanka Hargeysa uu ansixiyey in guluf colaadeed lagu qaado gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,si sida ay sheeganayaan la soo xidho xuduudaha Somaliland,xuduudaas oo ah xuduudii uu samaystay gumaystihii ingiriiska.

Kadib markii ay ciidamada booliiska ee dawlad goboleedka Puntland oo uu horkacayo taliyaha ciidanka boliiska ee Cabdirisaaq Afgaduud ay hawgalo kala duwan ka fuliyeen meelo badan oo ka mid ah gobolka Sool,meelahaas oo ay ka mid ahaayeen,iyagoo markii ugu horeysey kala dhex galay,laba beelood oo ku sigtay inay isku hardiyaan tuulada Dabataag,iyo iyaga oo markii ay arintaas fuliyeen u soo gudbay dhinaca caasimada gobolka ee Laascaanood,halkaas oo ay baneeyeen dhamaan dhismayaashii dawlada ee dadka ka dhexeeyey,kuwaas oo 13-kii sano ee aynu soo dhaafnay ku jiray gacan dad shacab ah oo mudo badan looga caal waayey inay dhismayaashaas aadka loogu baahan yahay baneeyaan.Talaabooyinkaas ay qaadeen ciidankaasi ayaa si buuxda u soo dhaweeyeen dhamaan shacabka gobolkaasi,maxaa yeelay waa markii ugu horeysey oo ay arkaan ciidamo heegan u ah inay ka shaqeeyaan danaha guud ee shacabka.

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa magaalada laga dareemayey maalmihii aan soo dhaafnay is bedel weyn oo xaga nabadgelyada ah,iyada oo la soo rogay bandow habeenkii ah,iyo iyada oo la mamnuucay in gebi ahaanba magaalada lala dhex maro wax hub ah,iyo in weliba si joogto ah loo bixiyo cashuurta dadka ganacsatada ah xaqa loogu leeyahay si loo sugo nabadgelyadooda.Waxaa iyaguna hawl galay shaqaale fara badan oo ka hawl galay dhismayaashii la baneeyey,dhismayaashaas oo ay ka mid ahaayeen Xarunta dhalaanka iyo hooyada(MCH),Xaruntii booliiska,Xabsigi oo dib u habayn lagu hayo,Dugsigii hoose oo isna dib u habayn lagu wado iyo meelo kale oo badan oo dhamaantood muhiimad weyn u leh dadka shacabka ah.

Mar aan maanta khadka taleefoonka kula xidhiidhnay qaar ka mid ah waxgaradka gobolka,oo ku sugan Laascaanood waxay noo xaqiijiyeen in ciidamadii ka soo duulay dhinaca Hargeysa ee qaarkood maalmahan soo gaadheen boholaha Xargaga ay dib ugu laabteen dhinaca magaalada Caynaba,kadib markii odoyaasha deegaanku ay ka codsadeen inay deegaamadii ay ka yimaadeen dib ugu laabtaan,naftoodana aanay khatar gelin.

Odayaashaas aan la xidhiidhnay ayaa waxay kaloo noo xaqiijiyeen in rag uu ka mid yahay Xasan Geerash oo BBC-da laga sheegay in xabsiga Garoowe loo taxaabay,in markiiba la sii daayey odayaashaas kadib markii ay balan qaadeen inaanay wax rabsho ah magaalada ka samayn doonin.Waxaa isaguna ilaa hada magaalada ku sugan Wasiirka Reer Miyiga ee SL Fu,aad Aadan Cade oo ka mid ah raga colaada hurinaya ee Hargeysa ka amar qaata, balse mar ay ciidamada booliiska ee Puntland ay gacanta ku dhigeen Fu,aad,markii uu soo galayey magaalada ayaa wuxuu balan qaaday in uu yahay nin shicib ah oo reerkiisii u socda,colaadna aan wadin,markaas ayaa Garaad Saleebaan oo ka mid ah garaadada beesha dhulbahante ka codsaday inay iska sii daayaan ninkaas,hadii aanu colaad wadin, balse markii uu magaalada soo galay ayuu bilaabay in uu urursado wiilal dhalinyaro ah oo uu ku kasbaday lacag fara badan oo uu watay.

Mr Faratoon oo isna ka mid ah Wasiirada SL ayaa isna wada olole uu ku doonayo in uu ku kasbado maleeshiyo u dagaalanta,isaga oo ku dadaalaya in uu qaab beeleed arinta ka dhigo,balse cidan yar oo uu kasbaday,oo markii hore qaarkood soo galeen magaalada,markii danbana u baxay dhinaca Xargaga,ayaa hada u kicitimay dhinaca Caynaba.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada ayaa ka soo raynaysa,iyadoo ay magaalada wado walba marayaan ciidamada boliiska ee Puntland,kuwaas oo raxan raxan u socda.Khasaarihii ugu weynaa wuxuu dhacay shalay,kadib markii nin ka mid ah dhalinyarada magaalada,ay ciidamadu ka codsadeen in uu dhigo qoriga uu sito,kadibna uu amarkii ciidamada qaadan waayey,kadibna ay awood kaga qaadeen qorigii u sitay,kadibna uu tooreey isku dayey in uu ku dhufto mid ka mid ah ciidamadii booliiska,taasina ay sababtay in askarigii oo iska difaacaya toorayda uu xabad la beegsaday ninkii toorayda sitay ,halkaana uu ala ha u naxariistee uu naftiisii ku waayo.

Dhanka kale odoyaasha deegaanka,ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan inta karaankooda ah,in la isu adeegsado dadka u dhashay deegaankaas,iyagoo u adeegaya dadka doonaya inay abuuraan dagaal ka dhex qarxa dadka wada dega goboladaas.

Kor u noqo


Bayaan ay soo saareer ururka haweenka Gobolka Sool

Laascaanood (Radiolaascaanood) – Ururka haweenka gobolka Sool ayaa qoraal ay soo gaadhsiiyeen waraqabadka Idaacadda Laascaanood ayaa waxa uu u qoraa sidatan:

Ururka haweenku waxay baaqooda ku bilaabeen annagoo ah haweenka u dhashay mandaqada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaanu soojeedinaynaa in aanan raali ka ahayn maamulka Hargeysa ee ku soo duulaya degaanka Sool, Sanaag iyo Cayn . :

Haddaba waxaanu u sheegaynaa maamulka riyaale in aanu dhisanay annagga iyo isimadayada maamulka Putland ciidamada booliiska ee joogaana ay yihiin kuwa aanu annaggu raali ka nahay, maadaama aanu u baahanay haddaanu nahay hooyooyinka u dhashay mandaqadan sool, sanaag iyo cayn nabadgelyo waayo annaggu waxaanu haysanaa agoomo dad jilicsan oo waayeel ah markaa uma baahnin nin ka soo duulayo Hargeysa.

Markaa waxaanu mar labaad u sheegaynaa maamulka hargeysa in uu meeshiisa ku raali ahaado, dadka aanu deriska nahay waxaanu jecelahay in aanu ku wada noolaano derisnimo wanaag. .
1.Saaqa Soofe muuse.
2.Basra Cabdi Shukuur.
3.Maryan CumarJaamac Wadaad.
4.Khadiija .X. Hiirad..
5.Khadiija Ismaaciil Warsame.
6.Wiilo Cilmi Dhuub.
7.Xaawo .x. Ducaale.
8.Caasha x. Cilmi Samatar.
9.Asli Shire Bile Cabdi.
10.Kiin Maxamed Cabdi Geelle.
11.Maryan Cismaan.
12.Canab Siciid Cali.
13.Sahra Cabdi Saleebaan.
14.Qorshe Wadaad.
15.Samiira Muuse Ciise.
16.Canab Haybe Cabdi.
17.Xaliimo Cali Cismaan.
18.Ayaan Xasan Jaamac.
19.Faadumo Jaamac Xuseen.
20.Foosiya Baashe Diiriye.
21.Khadiija Nuura C/raxmaan.
22.Caasha Nuurs C/raxmaan.
23.Sahra Cumar Jaamac Wadaad.
24.Xalwo Cumar Cadho.
25.Basra Maxamed Saleebaan.
26.Canab Dalmar.
27.Maryan Maax.
28.Shukri Warsame.
29.Ifraax Cali Abshir.
30.Saaqa Nuur Jibriil.
31.Raaxo Dhifil.
32.Nimco dhifil.
33.Samira dhifil.
34.Saynab Badmaax.
35.Aamina Cali bare.
36.Khadra saalax.
37.Caasha cabdiraxmaan.
38.Jamaad Cali gaas.
39.Shukri maxamuud.
40.Najax maxamed xasan.
41.Tamaad cali gaas.
42.Faadumo Cabdi.
43.Nimco cambaabur.
44.Faadumo axmed.
45.Faadumo Jaamac.
46.Baar cabdi yare.
47.Sargo’an Xaaji Abokor.
48.Xaali dhawdhwale.
49.Farxiya abshir maxamed.
50.Rooda Xuseen yare.
51.Ardo jaamac.
52.Canab yuusuf Faarax.
53.Asli aadan gurey.
54.Aamina xaaji maxamed.
55.Faadumo xaaji maxamed.
56.Cawrala cawaale.
57.Cibaado saleebaan.
58.Aamina dhegadheere.
59.Caasha maxamed Ismaacil.
60.Sureer Cawad axmed.
61.Faadumo yuusuf.
62.Xaawo axmed yuusuf.
63.Caasha Guleed cali.
64.Caasha bare.
65.Khadiija ciise bare.
67.Deeqa Maxamuud..
68.Kinsi jaamac.
67.Saynab Cali cabdi.
68.Khadiija maxamed cabdi.
69.Xiis cabdi suleebaan.
70.Sureer maxamed cali.
71.Xaalimo ismaaciil.
72.Xaliimo Khayre.
73.Hodan Ukun.
74.Caasha xasan cali.
75.Cibado khaliif.
76.Faadumo jibriil cali.
77.Sahra cali nuur.
78.Khadra muuse.
79.Sahra Xasan.
80.Xaawo Geelle.
81.Xaawo axmed.
82.K hadiija mire cali.
83.Shukri maxamud.
84.Canab x. hiirad.
85.Ifraax cali c/dillaahi.
86.Najax faarax.
87.Faadumo muuse cali.
88.Amina cali muuse.
89.Jawaahir cali cabdi.
90.Khadiija faaarax cali.
91.Canab maxamed mire.
92.Sahra muuse dhiil.
93.Indhodeeq koore cali.
94.Nadiifo ismaaciil.
95.Luul cali xarbi.
96.Faadumo walacwalac.
97.Cawrala diiriye liibaan.
98.Jawaahir aadan siyaad.
99.Racwi sugule waraabe.
100. Maymuun maxamed cali.
101.Amina maxamed xasan.
102.Ayaan yusuf ducaale.
103.Canab cawil xirsi.
104.Khadiija faarax gacanlow.
105Cadar faarax gacanlow.
106. Xaawo x. ducaale.
107. Xaliimo x. ducaale.
108.Cibaado cilmi.
109.Amina geelle cilmi.
110.Xaawo xasan faarax.
111.Ruqiya ibraahim maxamed.
112.Maryan cabdi ducaale.
113.Luul cali cadde.
114.Safiyo cali maxamed.
115.Ruqiya cumar ciise.
116.Hodon cawil cabdi.
117.Khadiija cawil cabdi.
118.Sureer odowaa badhliq.
119.Faadumo baashe diiriye.
120.Nadiifo maxamed colujoog.
121Fani jaamac ismaaciil.
122Asli saalax xandulle.
123.Faadumo guuleed madoobe.
124.Farxiya axmed sahal.
125.Shukri maxamed cali.
126.Ubax abshir maxamud.
127. Canab cusmaan guurre.
128.Xaawo cusmaan guurre.
129.Rooda barre warsame.
130.Siraad c/dillaahi maxamed.
131.Canab c/dillaahi maxamed.
132.Sareedo axmed cilmi.
133.Racwi axmed cilmi.
134.Safiya axmed cilmi.
135.Xaali cabdi gowl.
136.Maryan maxamed cajab.
137/Cibaado maxamud cajab.
138.Sanyar faarax.
139.Canab c/dillaahi maxamed.
140.Faadumo c/dillaahi maxamed.
141.Maryan yaasiin ducaale.
142.Salaado Ducaale Aadan.
Xigasho Radiolaascaanood.

Kor u noqo


Waraysi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .

Laascaanood (Radiolaascaanood)- Waxaa noo suura gashay in aanu waraysi la yeelano Garaad Saleebaan Garaad Max'med oo kamid ah Garaadada Deegaanada Sool ,Sanaag iyo Cayn, kuwooda Ugu magaca weyn, waxaanuna wax ka weydiinay arrimaha Maanta ka aloosan deegaanadaasi.

Su'aashii ugu Horaysay ee aanu waydiinayna waxay ahayd:

AllPuntland: Garaad sidee u aragtaan hawlgalada ay Ciidamada Booliska ee Puntland Ka fulinayaan Magalada Laascaanood?

Garaad Saleebaan:- Bismillaahi raxmaani raxiim Adeer Si wanaagsan ayey Ciidamada Booliska ee Puntland wax u qabteen,Hawlgal wanaagsan ayey sameeyeen, guryo 13sano lagu jiray ayey baneeyeen, sida guri ay lahaayeen dumarka iyo caruurtu, oo mudadaas dadkii degenaa wax ka saara la waayey, Guryihii kale ee dawlada oo aanay cidina sheegan karina way ka saareen, hawlgal aad u fiicana ayuu ahaa.

AllPuntland: Bulsha deegaanku sidee ayey u soo dhaweeyeen halgalkan?

Garaad Saleebaan:- Adigu dadku waa badan yahay ,waana dad u jeedooyin badan leh ayaa ku dhex jira,hasa yeeshee dadweynahu 100% sifiican ayey u soo dhaweeyeen, oo aad u diirana wayna ku farxeen hawlaha ay ciidamadu qabteen.

AllPuntland: Garaad dhawaan waxaa jiray in baarlamaanka maamulka Soomaaliland uu soo saaray, go'aan ogolaanaya in Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn La weeraro, isla markaana lagu soo xidho xuduudii lixdankii wixii ka horeeyey,sidee Garaad adigu u aragtaa Go'aankaas.

Garaad Saleebaan:- Annagu garan mayno xuduudaha ay leeyihiin halla soo xidho, xuduuduhu way badan yihiin , dadweynaha dhulbahantaha iyo wixii la halmaalaa waxay aaminsan yihiin in xuduudkoodu yahay meesha lagu magacaabo labiyada(labi gaatama), waxaana halkaa ka muuqdain uu jiro Khilaaf, Baarlamaanka Somaliland kama uu fiirsan go'aankaas uu soo saaray,hadalkaasina daw aniga ilama ah, dadka iyo dalkuna nabad galyuu u baahan yahay ee maaha in uu maamulka somaaliland colaad huriyo. oo cidina cid ma qabsan karto, cidina cid kuma duuli karto, cidii soo duusha uunbaa qaladka iyo daandaansiga leh.

AllPuntland: Dhawaan maamulka Riyaale Hogaamiyo waxay keeneen tuulada Oog Ciidan ay sheegeen in ay doonayaan in uu hawlgal ka fuliyo magaalada Laascaanood ,sidee u aragtaa ciidanka halkaas la soo dhoobay?

Garaad Saleebaan:- Ciidankaas waxaanu u aragnaa qalad iyo gardaro qaawan, loo mana baahna in uu maamulka Riyaale Colaad Huriyo ,ciidamadaasna waxaanu u aragnaa ciidamo duulaan ah, cidii nagu soo duushana waxaanu u arkaynaa qalad iyo daandaansi, Rayigayaguna wuxuu yahay in ciidankaas la celiyo, Deegaanada iyo dadka dariska ahina , dagaal iyo colaad uma baahna ee nabadgalyuu u baahan yahay, dagaalkuna xal makeeno, isku dhac iyo  dhibaato uun buu keenayaa, iyo is nicid, dadka deegaan wadaagta ah ee wada daaqaya uun buu dhibaato u keenayaa.

AllPuntland: Garaad waxaa jirta warqad dhawaan warbaahinta loo gudbiyey, oo sida la sheegay ay Isimo deegaanka qarkood kaga codsanayeen taliyaha Ciidanka Booliska Puntland in uu degaankan ka baxo, maxaad arrintaas ka ogtihiin?

Garaad Saleebaan: Anigu wax allaale iyo wax aan ka ogahay ma jiraan, kuwaa la sheegayana warkooda mahayo, dunidana waxaa rogay Garaadoow, Garaad matahay, dad badan oo aan laga fiirsan ayaa arlada rogay, marka annigu lamana socdo , mani ogi warqadaas.

AllPuntland: Marka Garaad adigu ma waxaad leedahay Hawlgalka ay ciidamada Boolisku Dalka ka wadaan waanu taageersanahay?

Garaad Saleebaan:- Haa waayo shacabka deegaanku aad ayey u taageersan yihiin, qofna rayigii la qaadan maayee, waxaa la fiirinayaa dadweynaha intooda badan oo aad u taageersan in ay Ciidamada Puntland hawlgalada ay deegaanka ka wadaan, sii balaadhiyaan.

AllPuntland: Garaad waxaa baryahan danbe jira Isimo ama Mas'uuliyiin deegankan u dhashay, oo marka la weydiiyo Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ma Puntland mise waa Soomaliland , ay qaarkood tilmaamaan in uu gobolkani Somaliland yahay, adigu Garaad sidee arrintaas u aragtaa?

Garaad Saleebaan:- Adeer aniga Rayigayga waxaan u aqaan in Gobolladaasi ay yihiin Puntland, dhulka Soomaaliyana waa tii uu dagaal ka dhacay, dawladiina ay burburtay, dadkiina qabyaalad ayuu u kala kacay, barigii dhaweyd ee aanu tagnay shirkii Soomaalida ee ka socday Nairobi, dadka waxaa lagu xaadirinayey  Daarood Hawiye,  Dir IYO Digil iyo Mirifle, dhulkana qabyaaladaas ayaa ka dhacday iyadoon cidna la colaadin, dadka deegaankani tolkii ka hadhimaayo.

AllPuntland:- Garaad Ugu danbayntii maxaad soo jeedin lahayd?

Garaad Saleebaan:- Waxaan Riyaale Kula talin lahaa iyo odayaasha garanaya dhibaatada, dagaal xal ma noqdo, dhamaanteena Soomaali ayeynu nahay, in nabad galyada lagu dadaalo, oo amaanka la sugo, oo aan dagaal lahurin , oo dadkaa walaalaha ah ee biyaha wada cabaya colaad lagu abuurin, waxaanuna Riyaale u sheegaynaa in aanan annagu dagaal wadin, isagana waxaanu leenahay ciidamadaada xiryahoodii ku celi, miiska wadahadalkana ogolow in aad fadhisatid, taas oo sii fududaynaysa in ay dadku sidoodii hore isu dhexmaraan oo uu ganacsigu  u socdo iyo is dhexmarku.

 

Waxaa Waraysiga qaaday

Asad Caddani Ibraahim

Xigasho,RadioLascaanod

.

Kor u noqo