Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 

   
 
 

Inan soomaali ah oo lagu toogtay magaalada Seatle.

Atlanta,USA 01 Feb 2004 -Waxaa shalay oo sabti ahayd 4:30 AM lagu toogtay magaalada Seatle,Washington MARXUUM XASAN MUUSE FAARAX CALIYEY oo ahaa wiil soomaaliyeed isagoo ku shaqaysanaya taksigiisii.

Marxuunka oo ifka uga tegey 3 caruur ah iyo hooyadood ayaa waxa sida la filayo toogtay niman dablay ah oo tuugo ahaa,iyagoo si an naxariis lahayn ula beegsaday rasaas marxuunkaas isagoo ku jira tagtigiisii.

Toogashada la tooganayo dadka soomaalida ah ayaa ku soo badanaya wadanka maraykanka,taasoo cabsi badan ku abuurtay dadka ku dhaqan wadanka maraykanka.

Wadanka maraykanka ayaa si fudud waxaa hubka looga iibsan karaa meelo lagu iibiyo hubka noocyadiisa oo dhan,taasoo u sahlaysa dadka budhcada ah inay si fudud hubku gacantooda u soo galo.Waxaa lagu haystaa guryaha hub fara badan oo ay dadku u haystaan inay isku difaacaan..

Hadaanu nahay bahda Laascaanood online waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuun MARXUUM XASAN MUUSE FAARAX CALIYEY,waxaanuna ilaahay uga baryaynaa inuu janadii fardoowsa geeyo,qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN!!AAMIIN!!AAMIIN.


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.