Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Maamulka Riyaale iyo wafti ka socdey laanta socdaalka ee ingiriiska oo ku heshiiyey in qaxootiga laga dejiyo Hargeysa.


©  Laascaanood online

Mrs Edna Aadan Ismaaciil.

Hargeysa,Somalia,06 July 2003 —Waxaa maalinkii jimcihii 4 july heshiis wada gaadhay Wasiirada cusub ee loo magacaabay jagada wasiirka arimaha dibeda ee Somaliland Edna Aadan Ismaaciil iyo Mr Colin Harbin oo ah agaasime ku xigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyada ee dawladda Britain.

Waftiga Mr Harbin oo ka koobnaa 3 xubnood waxay hada mudo ku sugnaayeen magaalada Hargeysa iyagoo arinta ugu muhiimsan ee socdaalkoodu uu ahaa sidii ay maamulka ka jira Hargeysa uga dhaadhicin lahaayeen in loo oglaado inay madaarka Hargeysa ka soo dejiyaan qaxootiga soomaalida ah ee codsigoodii qaxootinimo la diiday iyo weliba kuwa kale ee iyagu aan haysan sharci abadiye ah oo ay UK inta ay doonaan ku joogaan iyo weliba kuwa iyagu sharciga leh ee danbiyada gala.

Hawsha dib u soo celinta qaxootiga ayaa bilaabmi doonta bisha danbe ee agoosto,iyadoo bishiiba sida heshiisku dhigayo laga soo soo dejin doona madaarka magaalada Hargeysa ilaa 10 qof oo sida heshiiskooda ku qoran reer "Somaliland" ah.Balse waxaa la is weydiinayaa sida lagu saxi doono qofka reer "Somaliland" ama reer "Somali" ah,iyadoo dadka soomaalida ah ee ku nool Britain aanay haysan wax aqoonsi Somaliland ah.

Xafiis lagu magacaabo "Xafiiska Wakiilka Somaliland ee London" ayaa sida heshiiska ku cad wuxuu xaqiijin doonaa qofka diyaarada la saarayo oo ah shaqsi Somalilander ah iyo qofka kale oo isagu aan ahayn.

Heshiiskan ay wada gaadheen hay,ada socdaalka ee UK iyo Somaliland ayaa warar aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay waxay noo xaqiijiyeen in sida ay cadaysay Mrs Edna mar wax laga weydiiyey heshiiskan in ay cadaysay in sababta ay sidaas u samaynayso ay tahay iyada oo ka "rajaynaysa" dawlada Britain inay aqoonsato Somaliland.Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in Britain ay bixinayso lacag fara badan oo ku dhici doonta koontada dawlada Somaliland,lacagtaasoo u dhiganta hadba cadada dadka la soo celiyo inta ay le,eg tahay.

Waxaa ku nool dalka UK dad aad u fara badan oo qaxooti soomaaliyeed ah,kuwaasoo ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay soomaaliya.Qaxootigaas ayaa qaar badan oo ka mid ahi waxa ay haystaan sharci dhowr sano ah oo hadii loo heli meel loo qaado, aan sharciga loo cusboonaysiinayn.Waxaa kaloo iyaguna jira qaar codsigoodiiba la diiday,balse wadanka isaga nool oo ka shaqaysta.Hadaba heshiiskan ayaa wuxuu khatar ku yahay qaar badan oo ka mid ah dadkaas soomaaliyeed ee xiligii colaadu dhacday soo miciin biday wadamada reer galbeedka,isla markaana waxa ay helaan la qaybsada eheladooda ku tabaalaysan dhulkii.

Dhanka kale waxaan haba yaraatee jirin wax uu maamulka Riyaale u diyaariyey dadkaas la soo celin doono.Iyada oo shaqa la,aantu ay kor u dhaaftay 90%,iyo iyada oo aan loo diyaarin guryo ay ku degaan dadkaas la soo celin doono,ayaa waxa arintani ay wer wer ku abuurtay dad badan oo ku dhaqan gobolada waqooyi ee Soomaaliya,kuwaasoo ka cabsi qaba in dib loo soo celiyo dadkooda ku nool dalka Britain,ee u soo dira biilka quutuldaruuriga ah.

Laascaanood Online,Hargeysa.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.