Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

The tyrant of Garowe must be stopped

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Somaliland Ma Ka Faa’iidaysan Doontaa Fursadda
Ka Banaannaatay Laas-Caanood?

Ciidanka Somaliland Oo Kulaalaya Laas-Caanood Iyo Ciidamo Uu Wato Wasiirka Deegaanka Oo Galay Gudaha Magaalada

Gudoomiyaha Wakiillada “Qaybe” Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Arrinta Sool

Duruufaha Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Dareenka Reer Boorama
Faallo – Maxamed Cumar (Weriyaha Haatuf ee Boorama)

“Dalku Wuxuu Marayaa Marxalad Adag Oo U Baahan Feejignaan”
Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe

Xeerka Xakameynta Saxaafaddu Wuxuu Lid Ku Yahay Ictiraafka
Iyo Dimuqraadiyada Somaliland, Faallo – Caraale M. Jaamac

Laba Guri Oo Ku Shuf-Beelay Dab
Ku Qabsaday Xaafadda Jig-Jigga Yar

Tira-Koobka Shilalka Baabuur Ee Ka Dhacay Somaliland 2003

Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Badhtamaha Caasimadda Sucuudiga Ee Riyaad

Tirada Dadka Ku Dhintay Dhul-Gariirkii
Iiraan Oo Kor U Dhaafay 50 Kun

Gorod – Gabay, Waxa tiriyey:Suldaan Maxamed Ismail, Borama

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gabiley Waxay Qarka U Saarran Tahay In Laga Guuro

Ictiraafka Somaliland Wuxuu Ku Xidhan Yahay Saxaafadda

KA HOR-TAGGA DHIBAATADA FIITAMIIN A LA’AANTA
Q: 3aad


 


The tyrant of Garowe must be stopped

Somaliland Times, Issue 101, Dec.29, 2003-Jan.4, 2004

EDITORIAL

The tyrant of Garowe must be stopped

The latest incursion by Col. Abdillahi Yusuf’s militiamen into Somaliland’s Sool region is a flagrant act of aggression that must not be allowed to pass without an appropriate response from Somaliland. Ever since he carved the so-called regional state of Puntland out of the Majerteen-inhabited area in the north east of ex-Italian Somalia, Abdillahi Yusuf has been trying to expand his enclave westward into territories within Somaliland’s Sool and Sanag regions. The excuse he has been using to justify his expansionist misadventures is that he shares the same clan ancestry with the Warsangeli and Dhulbahante communities that live in those regions. But his long-term objective is to incorporate as much land under his control as he can get away with, so that he would be in a stronger position in his bid to become Somalia’s president.

This is not the first time Abdullahi Yusuf violates Somaliland's territory. His militias have been intimidating and blackmailing Somaliland's citizens in Sool and Sanag for years. No doubt, the lack of an effective policy to deter Abdillahi Yusuf from his cross-border provocations has encouraged the warlord to pursue his irredentist policy toward Sool and Sanag regions. He might have also been misled to believe that Somaliland will not fight back because of its culture of peace and democracy. Now, the colonel must be shown that he miscalculated, and as President Rayale said, Somaliland should defend itself against this flagrant violation of its territorial integrity.

There are several factors that can work in Somaliland's favor. First of all, Col. Abdillahi Yusuf is not really a politician, he is a military man who often uses military force as his favorite way of solving problems. His murder of Abdirahman Aidid and other colleagues because of differences with them during his days as head of the SSDF, is a case in point. Second, Abdillahi Yusuf has killed many members of his own Majerteen clan, therefore, a substantial number of of them are opposed to him (it is ironic that it was Somaliland's elders that brokered peace between Abdillahi Yusuf and one of the factions opposed to him led by Gen. Adde, and for Abdillahi Yusuf to return the favor by invading Somaliland). Third, Abdillahi Yusuf is a man with a single agenda: to acquire as much power and territory for himself. He is not interested in providing social services, health care, education, or even governing as such. For example, after years of lording over the people in his region, even the most rudimentary services are still absent from the areas under his control. And just to show what his real priorities are, one of the first things his militias announced after invading Las Anod, was that they started collecting taxes. Fourth, despite Abdillahi Yusuf's pretensions to the presidency, he is loathed by most Somalis because of his bloodthirstiness. Fifth, although Ethiopia is tolerating him at the moment, the Ethiopian government knows that he is basically a thug who spent many years in an Ethiopian jail for some of the crimes he had committed.

Other factors in Somaliland's favor:

- Somaliland is a peaceful, functioning democracy where power-sharing and diversity is accepted. The fact that the three main branches of government in Somaliland are headed by non-Isaq is good testimony to this culture of fair-play and mutual accomodation.

- Abdillahi Yusuf is using the same tactics used by Siyad Barre of dividing the people of Sool and Sanag along clan lines. The people of these regions know the disastrous consequences of Siayd Barre's policies. Therefore, they should be less likely to repeat what happened in that terrible era.

- Somaliland has a big military and economic edge over Abdillahi Yusuf.

Although Somaliland needs to fashion a long-term strategy for dealing with Abdillahi Yusuf, in the meantime his militias should be driven out of Las Anod. Somaliland's objectives could be achieved through a mix of political, economic and military measures. Some of these steps are:

- Somalilanders should stop using the port of Bosaso.

- Somalilanders should stop using Abdillahi Yusuf's forged banknotes.

- Somaliland should show Abdillahi Yusuf that it can, and will use military force, if it has to.

Somaliland has shown a great deal of restraint towards Abdillahi Yusuf. Somaliland's elders even brought an end to the civil war among the Majerteen by brokering a peace agreement between Abdillahi Yusuf and some of his enemies. None of these steps of goodwill by Somaliland have deterred Abdillahi Yusuf from attacking it. Somaliland must now defend itself. Moreover, the ripple effects from Abdillahi Yusuf's aggression against Somaliland could undermine peace in the region. Therefore, other countries in the region have a stake in stopping Abdillahi Yusuf's reckless adventures. Countries that were victims of irredentism in the past, should not look the other way when it comes to Abdillahi Yusuf's irredentism. Now is the time to stop the tyrant of Garowe.

Top


BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Somaliland Ma Ka Faa’iidaysan Doontaa Fursadda Ka Banaannaatay Laas-Caanood?

Qorshihii ay dhawaan Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku dhawaaqday inay sugi doonto xuduudaha Bari ee dalka Somaliland, waxa uu u muuqdaa mid ay hirgelintiisa soo dedajin doono duullaankii ay ciidamada Maleeshiyada C/laahi Yuusuf ku qabsadeen toddobaadkii hore magaalada Laas-Caanood, taas oo abuurtay fursad qaali ah oo siyaasadeed oo ay Somaliland kaga faa’iidaysan karto xaaladda ka soo koradhay aagga xuduudaha bari ee tan iyo intii Somaliland gobanimada la soo noqotay ay taladiisa silcinayeen Garaaddada deegaankaasi, kuwaas oo go’aamadii beelaha Somaliland ku gaadheen shirkii Burco 1991 ee dib-u-la soo noqoshada Somaliland, iyo achidigii beelaha iyo heshiiskii nabadda ee soo af-jaray colaadihii xilliyadaas joogay.
Sidoo kale, Maamulka Garaaddadaasi wuxu gobolka gayaysiiyay in aanay ka hirgelin maamul dawladeed oo bulshada u adeegga, dhinaca waxbarasho, dhinac nabadgelyo, dhinac dhaqaale iyo horumarka guudba, kadib waqtigii C/laahi Yuusuf ku dhawaaqay maamul-goboleedkiisa 1998, ayaa waxay dhalisay in ay sii kala faquuqdo Garaaddadii deegaankaas oo qaar ka mid ahi u hanqal taageen dhinaca Puntland, kaas oo uu ku duufsaday hayb qabiil iyo noodhada lacag faalso ah oo uu soo daabacday isagu.

Run ahaantii arrimahaasi, waxay gobolka Sool ka dhigeen mid Garaado aan waxba aaminsanayni gacanta ku sitaan oo maalinba meel ula kacaya, sida; Jamhuuriyadda Somaliland, Maamulka C/laahi Yuusuf, Shirkii Carta iyo shirka Kenya uga socda kooxaha Soomaaliyeed.

Maadaama sida Somaliland ku dhisan tahay uu yahay hab wada-tashi iyo wax wada-lahaansho ah. Waxa maamuladii Somaliland ku jaha-wareereen rasmi ahaan hogaamiye-dhaqameedadii taladu gacanta ugu jirtay ee ay kala xidhiidhi lahayd, si maamulka loogu fidiyo deegaankaas. Inkasta oo aanu jirin wax Somaliland ka hor joogay in ay awood milateri xuduudeeda bari ku sugto, haddana waxay marar badan iska barbarisay Somaliland in ay ciidamo milateri dul dejiso deegaankaas, kaas oo laga dhur sugayay talo midaysan oo dadka deegaankaasi wax kula qabsanayaan walaalahooda kale ee reer Somaliland.

Haddaba arrintaas oo xilligan keentay in cadow ku soo duullo oo soo galo xuduudda Somaliland, cudud milaterina ku qabsado caasimadii gobolka Sool, waxa Somaliland la soo gudboonaatay fursad guda iyo dibadba loogu garaabayo in ay gacanta ku dhigto dhammaanba deegaanada gobolka Sool iyo Sanaag Bari-ba.

Sidaas darteed, looma baahna dhawaaqyada Garaadada ka soo baxaya ee odhanaya, ciidamada Puntland hanaga baxaan, kuwa Somaliland-na ha naga baxaan, taas oo micnaheedu yahay mashruuc shirqool ah oo lagaga hor tegayo go’aankii dawladda Somaliland ay dhawaan ku sheegtay in ay sugayso xuduudeeda Bari.

Haddaba Madaxweyne Rayaale, ma noqon doonaa nin ka faa’iideeya fursaddaa, mise wuxuu noqon doonaa nin ku mashquula inuu golaha ka ansixiyo Xeerka Xakamaynta Saxaafadda Somaliland?

Top


Ciidanka Somaliland Oo Kulaalaya Laas-Caanood Iyo Ciidamo Uu Wato
Wasiirka Deegaanka Oo Galay Gudaha Magaalada

“Waxa jirta Waan-Waan Ay wadaan Odayaal, Xaaladduna...” Wasiirka Deegaanka Somaliland, Fu’aad Aadan CAde

Laas-caanood (Haatuf) – Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ku ruqaansaday dhinaca Magaalada Laas-caanood iyaga oo u diyaar garoobaya duulaan ay ku ekaayaan ciidamada Puntland ee maalmahanba ku sugnaa magaaladaasi, sidaana waxa shaaca ka qaaday warar xog-ogaal ah oo aanu ka helnay laas-caanood.

Sida ay wararku sheegeena ciidamada Qaranka Somaliland waxay haatan ku sugan yihiin duleedka Laas-caanood, iyadoo qaar ka mid ahina ay galeen gudaha magaalada Laas-caanood.

Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Somaliland Fu’aad Aadan Cade ayaa isaga iyo ciidan uu watay ay habeen hore saq-badhkii galeen gudaha magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay maalmahan ku sugnaayeen Ciidamo ka soo duulay dhinaca maamulka C/laahi Yuusuf ee Puntland, kuwaas oo hawl-galo ka fuliyay halkaa.

Fu’aad Aadan Cade oo uu wargeyska Haatuf xalay kula xidhiidhay Khadka telefoonka isagoo jooga magaalada Laas-caanood, waxa uu sheegay inay jirto khatar weyn oo ay kulaalayaan dadka magaaladaasi, taasina ay keentay inay dadka qaar xamaantooda ka urursadaan, iyagoo ka baqaya inuu dagaal ka dhex qarxo Ciidamada Somaliland ee kulaalaya duleedka magaalada iyo Ciidankii hore ugu soo duulay Magaalada ee ka yimi dhinaca Puntland oo weli ku sugan magaalada gudaheeda, balse waxa uu sheegay inaanay ilaa hadda waxba dhicin, isla markaana aanu isaga iyo ciidanka uu wataa aanay wax dagaal ah kala kulmin markii ay galeen magaalada. Laakiin waxa uu xusay inay kaantaroolka ay ka galeen magaalada ku dhaafeen Ciidanka Puntland, halkaana uu muran ku dhex maray, balse ay si toosa u galeen magaalada.

Mr Fu’aad waxa uu sheegay inay shalay ciidamada Puntland magaalada ku dileen nin dhalinyaro ah. Kadib markii ninkaasu diiday inuu dhiibo qori uu sitay oo ay doonayeen inay ka qaadaan.

Wasiirku waxa sheegay inay ilaa hada xaalada magaaladu degan tahay, isla markaana uu maamulka sare ee xukuumada Somaliland la socod siinayo hadba wixii ku soo kordha xaalada, wuxuuna intaa ku daray inay Isimada iyo Madax dhaqameedka Laas-caanood ay wadaan waan-waan ay ku dalbanayaan inay Ciidamada ka soo duulay Puntland kaga baxaan Magaalada, kuwa Somalilandna aanay soo gelin, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Odoyaal leh rabshada joojiya ayaa ii yimi, waxana u sheegay inay cida rabshada wadaa tahay Ciidanka ku soo duulay Puntland ee magaalada jooga, balse anagu aanu Magaaladayadii iyo dalkayagii joogno, waxayna ii sheegeen inay beri u tegayaan ninka ciidanka wata oo u sheegayaan inuu ciidankiisa kala baxo magaalada”.

Mr Fu’aad waxa uu intaa ku daray inaanay u dul qaadan doonin godoominta lagu sameeyay deegaanka Sool oo ay Ciidamada ku soo duulay doonayaan inay kaga hor joogsadaan caawimada ay u fidinayaan dadka reer Somaliland ee walalohooda kale oo dhowaan abaartii halkaa ka dhacday u fidiyay deeq, balse aanay taasu noqonayan mid ay ogolaanayaan, isla markaana aanay Somaliland dib ugu dabranaanayn gobolka Sool.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya inay golaha xukuumada ee maamulkaasu ilaa shalay ku jireen shirar is daba jooga oo uu gudoominayay Madaxweyne xigeenka maamulkaas Maxamed Cabdi Xaashi waxa lagaga hadlayay waxyaabaha ka soo kordhaya gobolka Sool oo ay sheegeen in la dul keenay Ciidamo ka yimi Somaliland. Sida ay sheegtay idaacada Midnimo ee Boosaaso waxa uu Maxamed Cabdi Xaashi sheegay in loo baahan yaahay in ay naf iyo maalba u huraan dhulka Puntland, wuxuuna amaan usoo jeediyay taliyaha Ciidanka maamulkooda ee ku sugan Laas-caanood, iyadoo ay wararku intaa ku dareen in Ciidamada Puntland oo ka cabsi qaba dhinaca Somaliland ay heegan galeen ilaa shalay.

Wararku waxay intaa ku dareen in shirarka ay ilaa shalay ku jireen maamulka Puntland lagasoo saaray laba qodob oo kala ah, In Ciidamada la geliyo heegan iyo in aanay Puntland cidna weerarin, balse ay iska difaacanayaan ciddii soo weerarta.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay Ciidanka labada dhinac isku hor fadhiyaan magaalada Laas-caanood duleedkeeda, balse ay Odayaasha deegaanku dedaal weyn ugu jiraan sidii ay u baajin lahaayeen inuu dagaal halkaa ka qarxo, taasoo ay dadka magaaladu wadnaha farta kaga hayaan.

Top


Gudoomiyaha Wakiillada “Qaybe” Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Arrinta Sool

Hargeysa (Haatuf) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ah masuulka ugu sareeya ee ka soo jeeda gobolka Sool kana tirsan masuuliyiinta qaranka Somaliland ayaa markii ugu horeysay shalay ka hadlay ciidamada C/laahi Yuusuf ee soo galay magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool oo ka tirsan Somaliland. Mudane Qaybe waxa uu war-saxaafadeedkan ugu baaqay maamulka C/laahi Yuusuf inay kala baxaan cidamadooda oo ay ku laabtaan Garoowe, isla markaana wuxuu ugu baaqay Isimada, madax dhaqmeedyada iyo wax garadka Sool inay talo midaysan ka yeeshaan xoojinta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Guddoomiyaha wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe warsaxaafadeedkan u soo saaray waxa uu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:

“Gobolka Sool oo muddo dheer ay nabad iyo xasilooni ka jirtay ayaa maanta qarka u saaran in uu dagaal ka dhaco sababtoo ah ciidamo ka socda Puntland oo magaalada Las-caanood soo galay muddo laga joogo tobaneeyo maalimood.

Xiisada ka dhalatay ciidamadaasi joogitaankooda Las-caanood waxaa muuqata in ay keenayso isku dhac militari oo dhexmara Somaliland iyo Puntland, taas oo shacbiga ku nool magaladaas u horseedi doonto burbur iyo baro kac.

Taas daraadeed waxaan ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu ciidamadiisa soo galay Las-caanood dib ula noqdo si xaalada magaaladu ay caadigeedii dib ugu noqoto.
Isimada, madax-dhaqmeedyada, iyo wax garadka Sool waxaan iyana ugu baaqayaa inay talo midaysan ka yeeshaan xoojinta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka”.

Top


Duruufaha Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Dareenka Reer Boorama
Faallo – Maxamed Cumar (Weriyaha Haatuf ee Boorama)

Asalkaba marka dadweynaha ku nool Gobolka Awdal maqlaan ama laga hadlayo Soomaaliland ,waxa maskaxdooda soo geleya Madaxweyne Daahir Rayaale  oo hoggaanka dalka  haya maanta kana soo jeeda Gobolka Awdal.Wuxuu madaxweyne Daahir Rayaale kusoo baxay doorashooyin muran badani ka dhashay oo dalka ka dhacay sannadkan bilowgiisii, si kastabana ha ku  helo jagadaasi  dalka u sarraysa e, waxay reer Boorama u arkaan in doorashooyinkii ay UDUB  u codeeyeen kaga guuleysteen  Gobollo reer Soomaaliland ah  dadka ku nooli aanay moodayn in ay dooranayaan ama aan u oggolayn hoggaanka dalka.

Toddobada bilood ee dalka uu xukumayey UDUB waxa dadka reer Boorama badankoodu u arkayeen in wax kasta ka wanaagsanaan doonaan sidii hore, mana jecla inay maqlaan ama dhegeystaan dhaliilaha xukuumadda maantu leedahay ama laga sheegayo, ninka badiya dhaliilaheedana waxa loo arkaa nin isagu ku xaasid ah madaxtinnimadooda. Si kasta ha u dhacdee waxay haddana iska indho tirayaan xaalada dalka ee maanta halka uu ka marayo dhaqaale, siyaasad, amni, qarannimo iyo sida ay u socdaan hawlaha dawladdu. Waxa kale oo dadweynaha Gobolku aanay jeclaysan, inkasta oo ay qarsanayaan, haykalka dawladnimo, golayaasha, iyo siyaasadda debedda.

Marka ay arrimo badan isla soo qaadaan raggii u ololeeyey UDUB iyo kuwii u ololeeyey KULMIYE, inkastoo UCID sidaa looga aqoon gobolka, waxa inta badan fadallo cad wakhtigan raggii kasoo horjeestay madaxweynahooda, iyadoo kuwa kalena iskaga difaacayaan eedeymo mucaaradku ay usoo jeedinayaan oo ay leeyihiin wax u eg 'wixii xunba xaawaa leh", macneheeduna yahay wixii dawladda ka kharribmayba waxa sababay mucaaradka. Run ahaantii isbeddleda ku dhacaya jawiga siyaasadeed ee dalka waxa wakhtigan laga xusuusan karaa labada arrimood ee ugu dambeeyey iyadoo aan la koobi karayn isbeddeldaasi wax laga naxo mooyee aanay reer Boorama u arag farxad, ayaa waxa laga xusuusan karaa hadaladii Cawil ee Siilaanyo uu ku eedeynayey iyo dagaalka Cabdilaahi Yuusuf ku qaaday gobolka Sool gaar ahaanna Laascaanood.

Iskusoo wada xooriyoo labadaa arrimood oo gilgilaya xukuumadda Daahir Rayaale ayaa waxay reer Boorama jeclaan lahaayeen ama ka muuqata hadaladooda in haddii waagii Madaxweynaha laga soo celiyey Laascaanood aanu ka hadhin gulufna lagu qaado ciddii   diidanayd booqashada Madaxweynaha aan Sool iyo sanaag la hadal hayeen maanta. Arrinta Cawilna waxay u arkaan mid la doonayo in beelihii SNMta taageeri jiray la iskaga horkeeno, taasoo aan dan u ahayn reer Soomaaliland iyo xukuumadda Daahir Rayaale. Arrimaha ay mucaarad iyo muxaafidka xukuumadda ee reer Boorama isweydiinayaan ayaa ah in haddii Daahir Rayaale Sool ka xoreeyo Cabdilaahi Yuusuf, wasiiradiisa la nacebyahayna uu waxna eryo waxna mucaaradka kaga daro in xaaladda wax uuni iska beddeli lahaayeen.

Dhinaca kale waxa waayadan dambe Boorama kusoo badanaya dadkii taageeray UDUB oo aan dhabtii ka hadlin waxa dhacaya waxaanad mooddaa in raggii sida aadka ah uga hadli jiray horumarka xukuumaddu sii yaraanayaan, kuwii kasoo horjeedayna kusii badanayaan waxayse inta badan isku qanciyaan ka taageeray iyo kan kasoo horjeestayba in reer Boorama lagu aqoonsan doono xaqa ay u lahaayeen ama u leeyihiin inay xukumi karaan dad uu dagaal hoose iyo tartan ka dhexeeyey oo ku nool dalka intiisa kale.

Top


“Dalku Wuxuu Marayaa Marxalad Adag Oo U Baahan Feejignaan”
Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Haatuf) –Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal cali Waraabe ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto difaaca dalka, waxaanu sidaa gudoomiyuhu ku sheegay baaq fueran oo uu soo saaray isaga oo dalka dibada kaga maqan kuna sugan dalka Finland.
Qoraalka baaqan waxa kale oo uu dhaliilo ugu soo jeediyey xukuumada iyo golayaasha Qaranka oo uu ku dhaliilay inay ka gaabiyeen hawlahoodii ay u xilsaarnaayeen, qoraalka gudoomiyuhu isaga oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:

“Somaliland waxay ku timi halgan dheer oo qadhaadh oo lala galay nidaamkii keligii taliska ahaa, taasoo hanti, maal iyo dhiig badan loo huray. Waxaynnu hoos hadhsanaynaa midhihii geesiyaashii dalkan u huray naftoodii.

Waxaa loo halgamay in dalkan iyo dadkan reer Somaliland la gaadhsiiyo himilooyin fogfog oo ay ku taamayaan oo dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, bulshada, dhaqanka iyo difaaca leh. Waxaa la doonayaa in qaranka loo horseedo barnaamij tayaysan oo lagu gaadhi karo horumar iyo barwaaqo iyo hoggaan wanaagsan.

Haddaba Mudanayaal, waxaa beryahan soo ifbaxay dibindaabyooyin lagu hayo qaranaka iyadoo la doonayo in dalkani aannu taabbo qaaddin, si loo niyad jebiyo dadweynaha, loona baabi’iyo midhihii geesiyaashii dalkan naftooda ku waayey, loogana leexiyo qaranka tubtii lagu gaadhi lahaa dawlad casriya oo hana qaadda oo shacbiga gaadhsiisa himilooyinkiisa.

Xisbiga UCID wuxuu arkay:

Mudane Madaxweyne,

Waxaad ka gaabisay in aad ummadda reer Somaliland u dhisto xukuumad tayo leh oo kooban oo ahayd sidii aad ka caddaysay warbaahinta, kuna ballanqaadday.

Waxaad ka gaabisay inaad fuliso distoorka qodobka 94-aad, faqradiisaa 2 iyo 3 ka dib markii aad u daysay si badheedh ah wasiiro aanay ansixin barlamaanka in ay hawshii qaranka ku sii wataan awoodaada Madaxweyne oo aan sharciga distooriga ah waafaqsanayn.

Waxaad si badheedh ah tallaabo uga qaadi weyday ka dib markii xubno ka tirsan golaha wasiiradu caadaysteen inay dalka iyo dadka dhexdiisa khalkhal geliyaan iyagoo adeegsanaya erayo iyo hadallo ka fog waxaa loo igmaday. Arrintani waxay mararka qaarkood keentaa in xukuumaddu hadallo kala jaad ah u sheegaan warbaahinta Caalamka sidii wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimha debedda maalmihii dilalka dadka ajnebiga ah lagu laayey Somaliland.

Waxaad ka gaabisay in si degdeg ah u horkeento caddaaladda ciddii ka dambaysay dilalkii ajnebiga ee Hargeysa, Borame iyo Shiikh. Tani waxay wax weyn u dhintay kalsoonidii gudaha iyo debeddaba. Waxay dhiirigelisay dilkii sarkaalkii taraafikada oo maalin cad dhacay, gacan ku dhiig lihiina baxsaday.

Mudanayaasha baarlamaanka iyo Guurtida, Waxaad ka gaabiseen inaad dabagal joogto ah ku samaysaan dhammaan hawlaha qaranka sida wasaaradaha iyo wakaaladaha si loo ogaado in hawsha qaranka loo hayaa loo gutay sidii ay ahayd. Waxaad arkaysaa iyadoo aannu mar keliya goloyaashu u yeedhin cid mas’uul ah si loola xisaabtamo.

Waxaad ka gaabiseen inaad dalkan u dhammaystirtaan shuruucdii ka dhinnaa doorashada baarlamaanka si loo qabto doorashooyinkii barlamaanka loona dhammaystiri lahaa diimoqraadiyadda ka hirgashay dalkan.

Waxaad ka gaabiseen inaad la timaadaan is af garasho ku salaysan danta ummadda ee aad 10-ka sannadooda kuraastooda ku fadhideen. Waxaad kala garan weydeen go’aanada danta qaranka saameeya iyo kuwa danaha gaarka ah laga leeyahay, tasoo keenta buuq iyo sawaxan dhexdiina ah oo ay ka maqan tahay dood caafimad qabta, halka cadowgeennu habeen iyo maalin ku jira qorshayaal wax loogu dhimayo qaranaka iyo gooni isu taagga Somaliland.

waxaad ka gaabiseen inaad la timaadaan daraasado iyo warbixinno cilmiyeysan oo tayada maamulka hagaajisa iyo doodo wax ku ool ah oo dalka toosiya.

Waxay guurtidu si gaar ah uga gaabisay wacgelintii ummadda, iyadoo isku soo koobtay oo keliya deyrka xarunta guurtida. Waxay beryahan dambe joojisay inay u baxdo gobollada dalka si ay dadka ugu wacyigeliso tallaabooyinka wanaagsan ee qaranka lagu sugayo sida dilkii ajnebiga niyad jabkii ka dhashay, dadka ajnebiga ah ee dalka laga saarayo oo sawir wanaagsan laga muujiyo gaar ahaan meelaha sida beenta ah wax loogu sheegay iyo dhinacyo badan oo fiican oo cadowga Somaliland dacaayadu iyo khalkhal gelin ka samaynayo bulshada dhexdeeda.

Waxaad ka gaabiseen inaad dawladda cadaadis ku saartaan si wax looga qabto dhinacyada baahiyaha ugu weyni ka jiraan ee bulshada dhexdeeda sida musumaasuqa, nabedgelyada, maxkamadaha iyo sidii loo qaban lahaa doorashooyinkii baarlamaanka. Taasoo idiin ka dhigeysa inaydaan meteli karin shacbiga Somaliland, maadaama aydaan danahii dadweynaha fulinayn.

Qaar ka mid ah madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye, Mudanayaal, qofku wuxuu gurtaa, hadba waxuu beerto. Xisbi kasta oo mucaarid ah waxa ku waajib ah innuu dhaliilo wixii xun, tallaabooyinka caafimaadka qabtana la taageero. Haddaba maaha bayaanno la soo saaro oo tiro badan nidaamka mucaaradnimadu. Fidinta taageerada tallaabooyinka wanaagsani maaha afka oo keliya ee waa ficillo la muujiyo oo la dhaqan geliyo. mucaaridnimo maaha in la minjo xaabiyo dawladda lagana shaqeeyo sidii loo fashilin lahaa dariiqo kasta ha loo maree.

Waxaa beryahan dambe soo if baxday in qaar ka mid madaxda iyo taageerasyaasha xisbiga Kulmiye bilaabeen hawl gal ololaysan oo gudaha iyo debeddaba ah oo lagaga hortagayo tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado iyo ku jiqsiin. Taasina waxay fadhiidh ka sii dhigaysaa dawladda itaalka yar ee ka dhalatay doorashooyinkii u dambaysay.

Xisbiyada mucaaridka ah maaha in dawladdu ka difaaca gasho, waa in xisbiyadu abuuraan jawi is faham iyo jawi lagu wad xisaabtami karo, dawladuna u hawl gashaa sidii ay fulin lahayd hawlaha loo igmaday.

Xisbiyada mucaaridka ah waxaa waajib ku ah inay qaranka ka dhisaan dhinacooda iyagoo qaadaya sidii loo kobcin lahaa nidaamka iyo kala dambaynta dalka.

Xisbiyada mucaaridka ah waxa waajib ku ah inay ka qayb qaataan wacyigelinta dadweynaha sida arrimaha difaaca dalka, maleeggii loo geystay dadkii ajnebiga ahaa iyo siyaasadda ku wajahan dadka ajnebiga ah ee laga saarayo Somaliland iyo sidii lacagta Somaliland loo gaadhsiin lahaa gobolada bariga.

Xisbiyada mucaaridka ah waxaa ku waajib ah inay u wada hawl galaan sidii loo qaban lahaa doorashooyinkii baarlamaanka oo xaalaal ah.
Cuqaasha, Salaadiinta iyo Boqorada Somaliland, Mudanayaal waxaad qayb weyn ka soo qaadateen dhiskii iyo toosintii qarankan Somaliland, waxaad se moodda inay kuwo dano gaara lihi ka leexdeen tubta toosan ee aynnu wada higsanayno iyo himilooyinkii shacabku u soo halgamay beryahan dambe.

Waxaad mooddaa in kooxo iyo shkhsiyaad dano gaara lihi, inay bilaabeen hagardaamooyin isdaba jooga ah iyo dhaleecayn ummadda dhexdeeda ah si ay khalkhal u geliyaan nabadgelyada.

Waxaad ka gaabiseen inaad farta ku fiiqdaan kuwa danaystayaasha ah ee danahooda gaarka ah kolba marka ay waayaan qar kale isku qaada. Waxaad ka gaabiseen inaad cambaaraysaan kuwa ku hadaaqaya inaanay aaminsanayn Somaliland iyo kuwa dhaliilaya ciidanka qaranka ee sugaya xuduudaha Somaliland, kana hortegaya gardarrada maleeshiyada Majeerteeniya ee weerarka innagu soo qaaday.

Waxaad ka gaabiseen inaad wax buuran oo muuqda ka dhex muujisaan shacabka dhexdiisa, waayo waxaad waqti badan ku lumiseen arrimaha siyaasadda oo dad kale loo igmaday.

Waxaa lagama maarmaan ah inaad faraha kala baxdaan arrimaha siyaasadda oo ka hawl gashaan arrimaha dhaqanka iyo beelaha dhexdooda ee aad hore sumcadda iyo kalsoonida weyn ku lahaydeen.

Shacbiweynaha Somaliland.

Dadka reer Somaliland waxay mudan yihiin ammaan marka la eego sidii waddiniyadda ahayd ee nabadgelydu ku dheehnayd ee aad u gudateen doorashooyinkii Somaliland.

Shacabka reer Somaliland waxaa ku baraarujinaynaa kuwa buka oo sun iyo daacayadu ka dhex wada dhexdiinna si loo waayo wadajirkeena.

Shacabka reer Somaliland waxaan u sheegaynayaa in qofka xumi reer iyo beel midna ahayn ee danayste yahay ka hor imanaya waxaynnu usoo wada halgannay ee cadawgii faqashta ahaana inoo wada xasuuqay. Wuxuu doonayaa haddii tiisa la waayo inaan waxba ka dambayn!

Waxaa waajib inaggu wada ah difaaca dalka iyo ka qayb qaadashada hirgelinta horumarka dalka.

Gebogebo:

Marka la isku xooriyo arrimha sare wuxuu Xisbiga UCID u arkaa in dalka marayo xaalad khatar ah oo u baahan fiijignaan badan iyo in si wadajir ah loo wada hawlgalo. Waxaa kaloo loo baahan yahay:

Midnimo qaran, gacan isqabsi iyo walaalnimo dhexdeenna ah ayaa dalkan ka saari karta hawlaha faraha badan ee inna horyaalla.

Is faham iyo wada tashi joogta ah oo ay inna farayso diinteenna wanaagsani ayaa lagaga hortagi karaa cadawga hareeraha yaalla.

In la dhammaystiro diimoqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka sida ugu dhakhsaha badan.
Ciidamada qaranka oo marxalladdan wax walba laga hormariyaa si loo difaaco xuduudaha Somaliland ayaa iyana muhiim ah.

Dhammaan shacabka reer Somaliland waxa waajib ah inay ogaadaan in majeertiinaya ay kusoo xadgudubtay xuduudeenna soona weerartay ee arrintu aanay ahayn dhibaato dhextaalla Somaliland iyo beelaha Harti ku abtirsada ee ka mida Somaliland.

Xisbiga UCID wuxuu ku baaqaya in deris lama illaawaan la siiyo maliishiyada majeerteeniya ee soo duushay, loona wada hawl galo difaaca qaranka Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH.

Eng. Faisal Ali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID”

Top


Xeerka Xakameynta Saxaafaddu Wuxuu Lid Ku Yahay Ictiraafka
Iyo Dimuqraadiyada Somaliland, Faallo – Caraale M. Jaamac

Mudanayaasha Golaha wakiilada ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay ku guda jiray xeer ay xukuumadda Somaliland doonayso in lagu xakameeyo xoriyada iyo madax banaanida saxaafadda ka hir gashay Somaliland, tan iyo waqtigii ay la soo noqotay madax banaanideeda 18 May 1991, taas oo lagaga dhawaaqay magaalada Burco, kadib markii ay Ururkii SNM dagaal hubaysan kala hor yimaadeen Taliskii Milateriga ahaa ee shacbiga ku hayay Xasuuqa, Boobka iyo Cabudhinta.

Somaliland waxay intii mudadaa ka danbaysay ahayd meel tusaale u ah Geeska Afrika iyo wadamo badan oo dunida ah, marka laga hadlayo Isbedelka Dumuqraadiyada ee dalal badani maanta dunida u ooman yihiin.
Marka laga hadlayo isbedelka Dumuqraadiyada iyo horumarka Somaliland waxa tusaale loo soo qaataa Xoriyada iyo madaxbanaanida saxaafadda Somaliland ka hir gashay, taas oo noqotay muraayada laga daawan karo xoriyada iyo madaxbanaanida warbaahinta ee tiir dhexaadka u ah nidaamka Dumuqraadiga.

Maadaama ay warbaahintu tahay aalada ugu weyn ee aan la’aanteed cidna maanta sheegan karin horumar. Sidaa awgeed waxa aan la dafiri karin sida ay saxaafadda Somaliland ee madaxa banaani Habeen iyo Maalin ugu heelan tahay horumarka dalkooda iyo dadkooda. Laakiin waxa tan iyo waqtigii uu Madaxweyne Rayaale ku guulaystay talada Dalka isa soo tarayay cabsi iyo wer-wer saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland kaga imanayay dhinaca xukuumada, taas oo ka dhalatay ka dib markii ay Xukuumadu golaha wakiilada soo hor dhigtay xeer la doonayo in lagu xakameeyo xoriyada iyo madax banaanida Saxaafadda.

Hase yeeshee waxa arrintaa ka qayliyay Ururada saxaafadda, Axsaabta Mucaaridka, Aqoon yahanka, qurba jooga Somaliland iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan, taasuna waxay keentay in xeerkaa la hakiyo.

Laakiin maalmihii u danbeeyay todobaadkan ayaa mar kale xeerkaa la hor keenay golaha wakiilada, isla markaana waxa uu ku soo beegmay waqti ay dadka Somaliland u dheg taagayaan talaabada ay xukuumada Somaliland ka qaaday fara gelinta maamulka C/laahi Yuusf ku sameeyay xarunta gobolka Sool ee Somaliland, taasuna waxay keentay dareen shaki oo muujinaya inay xukuumadu doonay inay ka gaadhsiiso ansixinta xeerkan inta ay indhaha Rayal caamku ku jeedaan faragelinta gobolka Sool, balse Madaxweyne Rayaale oo 25/12/ 2003, shir’jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa saxaafadda madaxa banaan canaan usoo jeediyay, wuxuuna hadalkiisa intii ugu badnayd kaga hadlay saxaafadda oo uu ku tilmaamay mid ka been sheegata siyaasadiisa hogaamineed.

Inkasta oo Madaxweyne Rayaale laga filayay inuu shirkaa Jaraa’id waxa ugu badan ee uu kaga hadlaa noqonayso Faragelinta uu C/laahi Yuusuf ku sameeyay qaranka Somaliland, balse taasu waxay meesha ka baxday markii uu Maxadweyne Rayaale dhaliilo ku butaaciyay saxaafadda, isla markaana waxa uu sheegay inay xukuumadu talaabo sharci ah ka qaaday cidii laga maqlo sadexda kelmedood ee Hebel Xamar ayuu inoo wadaa, Hebel Faqash ayuu ahaa iyo xasuuq ayuu ka qayb galay, taasuna waxay noqotay mid ay dadku is weydiiyaan ujeedada laga leeyahay, balse waxay dadbadan ugu muuqatay inay tahay talaabo muujinay dagaal ka dhana xoriyada hadalka iyo madaxbanaanida saxaafadda oo ku soo maqan warbaahinta.

Laakiin Madaxweyne Rayaale wuxuu weedhahaa kulul raaciyay inaanu jirin dagaal uu ku soo wado saxaafadda, balse ay ujeedadiisu tahay canaan waayeel. Hase ahaatee maalmo ka dib waxa mar kale golaha wakiilada la soo dhigay xeerkii la doonayay in lagu xakameeyo xoriyada iyo madaxbanaanida saxaafadda, balse waxa uu xeerkaas doodiisu golaha ka abuuray dood kulul oo mararka qaar ku dhowaatay gacan ka hadal, waxayna mudanayaasha intooda badani ku tilmaameen xeerkaa mid aan la aqbali karin oo lid ku ah xoriyada iyo madaxbaaanida uu distoorka Somaliland siiyay warbaahinta, balse waxa uu xeerkaas oo ay dabada ka riixayso xukuumada Rayaale u muuqdaa mid meel ka dhac ku ah xoriyada iyo madax banaanida ay Beesha Caalamku ku majeerato Somaliland, waxayna meel marinta xeerkaasi caqabad ku noqon doontaa citiraafka ay Somaliland dunida kaga doonayso horumarka dumuqraadiyada. Tusaale ahaan waxay Dublamasiyiin iyo khabiiro dhawr jeer dalka yimi mudadiii la hadal hayay xeerkan kula taliyeen xukuumada inaanay saxaafadda u samayn xeer ku noqda caabad, Dublamaasiyiinta shisheeye ee daneeya arrimaha Somaliland ee ka hadlay xeerka saxaafadda ay xukuumadu la gaadayso waxa ka mid ahaa Mr Peter S. Kool oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Libaralka ee dalka Swedan oo mar uu dhowaan Somaliland yimi ku tilmaamay arrinta Xeerka Saxaafadda mid aanay beesha caalamka waxba kaga helayn Somaliland, wuxuuna sheegay inay waqtigan oo ay dunidu soo eegay isbedelka Somaliland ee dumuqraadiyada laga sugayo in la sameeyo doorashooyinkii Baarlamaanka, balse xakamaynata saxaafadda iyo dhamaystir la’aanta doorashooyinku inay Somaliland ku noqon karaan caqabad aan laga talaabsan karin.

Hadaba xukuumada Madaxweyne Rayaale ee xeerkan dabada ka wada waxa lama huraana inay ka fiirsato waxyaabaha dhantaali kara hanaanka geedi socodka Dumuraadiyada, waana inanay iska indho tirin xaqiiqda dhabta ah iyo ujeedooyinka laga lahaa halgankii xinjiraha dhiiga badani ku daatay inay ahaayeen waxa lagu taamayay xoriyad iyo madaxbanaani, taasuna ay tahay tiirarka ugu waaweyn ee nidaamka Dumuqraadiga, iyadoo aanay jirin sabab keenta baahi loo qabo samaynta xeer saxaafadda lagu dabro, balse haddii ay xukuumadu meelmariso xeerka xakamaha saxaafadda waa inay ogaato inaan dunidu ka dhegeysanayn citiraafka aynu ka sugayno Beesha caalamka, isla markaana waa inay dusha u ritaan Xukuumada Madaxweyne Rayaale wixii uu dhibaato ku keeno xeerkaasi hanaanka iyo geedi socodka nidaamka dumuqraadiga ah ee ka hir galay Somaliland tan iyo intii ay xoriyadeeda la soo noqotay, taasoo ay indhaha caalamka ku soo jiidatay.

Top


Laba Guri Oo Ku Shuf-Beelay Dab
Ku Qabsaday Xaafadda Jig-Jigga Yar

Hargeysa (Haatuf) – Laba guri ayaa gebi ahaanba ku shuf-beelay, kadib markii dab qabsaday duhurnimadii shalay guri ku yaalla xaafadda Jig-jigga yar, isla markaana u gudbay dabkii guri ku xigay gurigaas.

Dabkaas oo aan la xaqiijin waxa uu kacay, waxay dad goob-joog ahi u sheegeen weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Haatuf oo goobta tegay inuu dabkaasi ka kacay Shooladda Gaasta ee la shito, halka ay qaar kalena sheegeen inuu dabkaasi ka kacay xadhkaha laydhka ee ku jiray guriga dabku ka bilaabmay, kaas oo aan cidi waxyeelo ka soo gaadhin, balse waxa gebi ahaanba shuf beelay wixii hoos yaallay gurigaas, kadib markii uu dabkaasi qabsaday, isla markaana waxa uu dabkaasi u gudbay guriga ku xigay, balse waxa alaabtii hoos taallay badbaadiyay kooxo dhallinyaro ah oo u soo gurmaday iyo dadkii xaafadda oo isugu soo baxay halkaas, kuwaas oo dalbaday Booyado biyo ah, isla markaana ku guulaystay in ay dabkaa bakhtiyaan si aanu ugu gudbin guryaha ku xiga iyo xaafaddaba.

Dabkan ayaa bakhtiintiisu qaadatay muddo dhawr saacadood, iyadoo uu goor dambe yimi gaadhi yar oo nooca dab-demiska ah.

Dhacdadani waa markii labaad ee ay ka dhacdo xaafadda Jig-jigga yar iyo xaafadda Maansoor, isla markaana ma jiro gurmad la odhan karo wuxuu diyaar u noqon karaa haddii uu dabkan oo kale ka qarxo meelo ka mid ah magaalada, iyadoo ay magaaladu si weyn u fidayso, haddana aanay jirin waxyaabihii lagaga hor tegi lahaa khataraha noocan oo kale ah.

Top


Tira-Koobka Shilalka Baabuur
Ee Ka Dhacay Somaliland 2003

Burco (Haatuf) – Dawladda hoose ee degmada Burco ayaa shalay dib uga bilawday magaalada olole balaadhan oo lagu diiwaan gelinayo dhismayaasha dad weynaha, ololahaas oo ay ka qayb qaateen masuuliyiin iyo madax, iyo shaqaaleba.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee magaalada Burco Axmed Aadan Yuusuf waxa ololahaasi lagu diiwaan gelinayo dhismayaasha dad weynaha lagu qaaday qaybo ka mida magaalada kuwaasoo lambaro lagu dhajinayo guryaha magaalada,iyagoo wata gaadiid ay ku rakiban yihiin makarafoono ay ku soo xidheen gaadiidkaa,kuwaasoo dad weynaha ku ogaysiinaya in ay diiwaan geliyaan dhismayaashooda iyo in ay canshuurta kala duwan ee dawlada hoose bixiyaan.

“hawshan diiwaan gelinta dhismayaasha dad weynaha oo socday laga soo bilaabo sanadkii 2002-gii iyadoo looga dan leeyahay tiro koobka iyo rikoodhka dhismayaasha dad weynaha,loogana qaadi lahaa canshuurta ku waajibtay sanadkiiba,mashruucan tiro koobku waa mid aad u weyn waana kii loogu talo galay in hayadaha caalamigu ay ka caawiyaan dawlada hoose ,hase yeeshee anagu dawlad hoose ahaan markii aanu isu ururinay fikirkayaga guud ahaan shaqaalaha, madaxda iyo rag badan oo nagu jira aqoon horena u lahaa ayaanu ku curinay sidii aanu u dhaqaajin lahayn hawshan iyadoo baaxadiisa ugu weyn aanu dhaqaajinay sanadkii 2002-gii oo aanu diiwaan gelinay 1500-guri oo soon A iyo B ah intaa ka dibna waxa la galay xiligii kala guurka taasoo keentay in ay hawshii gaabis noqoto,hadaba ku talo galka miisaaniyadeed ee 2004-ta awgeed ayey kaliftay in aanu galno olole balaadhan si aanu u soo af jarno miisaanka mashruuca 2004-ta,tusaale ahaan maanta waxaanu mudo sadex saacadood gudahood ah diiwan gelinay 104-guri waanay ka sii kordhaysaa ku talo galkayga oo waxaanu ku talo jirnaa in aanu maalintii diiwaan gelino 250---300-guri” sidaa waxa yidhi xoghayaha dawlada hoose ee degmada Burco sacad maxamed sheekh oo waqtigaa ku jiray hawl galkan diiwaan gelinta dhismayaasha dad weynaha.

Top


Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Badhtamaha Caasimadda Sucuudiga Ee Riyaad

Riyadh (W. Wararka) –Magaalada Riyadh ee caasimada Sucuudiga bam ayaa ku qarxay baabuur uu leeyahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amniga ee Sacuudiga.

Qaraxaasi ayaa sida masuuliyiintu ay sheegeen waxa uu dhacay in yar ka dib markii sarkaalkaasi uu ka degay baabuurkaasi.

Inkastoo saraakiisha Sacuudigu ayna faahfaahin dheeraad ah ka bixinin dhacdadaasi hadana waxa ay u egtahay in sarkaalkaasi aan la magacaabini uu si dirqi ah ku baxsaday. Waxa uu baabuurkiisa kaga degay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Riyadh in yar uun ka hor intii aanu bamkaasi qarxin.

Waxa kaloo welwel ku sii dhalinaya mas'uuliyiinta Sucuudiga in weerarkaasi uu yahay mid qeyb ka ah kuwa kale oo badan.

Bishan horaanteedii ayaa koox isugu yeedhay Guutada Al-xarameyn waxa ay soo saartay warbixin ay ku daabacday bog Internet Islaami ah oo ay ku sheegtay in ay isku deyday in ay disho sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Sacuudiga.

Saraakiisha Sacuudiga mayna xaqiijin weerarkaasi balse Wargeyska the New York Times ayaa ka soo xigtay saraakiil Mareykan ah in ay dhacday afartii December dhacdo lagu weeraray oo lagu dhaawacay sarkaalka ugu sareeya dadaalka la dagaalanka argagixisada ee Boqortooyada Sacuudiga.
Wargeyskaasi waxa kaloo uu sheegay in bam kale la furfuray ka dib markii laga helay meel u dhow xarunta mid ka mid ah adeegyada ammaanka ee Sacuudiga.

Waxaa dhammaan dhacdooyinkan ay astaan u yihiin in dadaalka ay masuuliyiintu ku beegsanayaan kooxaha mayalka adag ee Islaamiga ah looga jawaabayo beegsasho la beegsanayo saraakiisha sarsare ee amniga ee Sacuudiga.

Top


Tirada Dadka Ku Dhintay Dhul-Gariirkii
Iiraan Oo Kor U Dhaafay 50 Kun

Tehran (W. Wararka) –Saraakiisha gobolka dhulgariirku gilgiley ee Iiraan ayaa sheegey in laga yaabo in dhimshadu ay gaadho 50,000 oo qof.

Qubuure ku yaalla magaalada Bam duleedkeeda oo dad badan isku meel lagu wada aasayo ayaa weli lagu sii wadaa meydkii halkaas lagu gurayey.

Meydkasta inta lagu qoro lambar gaar ah ayaa lambarkaas buug lagu diiwaan galinayaa, sawirna laga qaadayaa inta aan la aasin, si hadhow ay ehelada iyo dadka jecel qofkaasi u aqoonsadaan halka meydkaasi lagu aasey.

Wax qabad fiican ayaa laga muujiyey sidii degdegga lahayd ee dadkaa tirada badan loogu aasey dhulka busta badan ee qabuuraha ka dambeeya.
Waxa magaalada ku wareegaya Cagaf-Cagfyo oo weli xaaqaya burbur badan iyagoo intaas helaya meydad cusub.

Shaqaalihii gargaarka ee markii dhulgariirku dhacey saacado gudahood Iran lagu keeney ayaa haatan sii baxaya.

Shaqada weyn ee wax ka qabashada u baahini waa sidii loo daryeeli lahaa dadka gurya la'aantu ku dhacdey.

Dad gaadhaya ilaa 100,000 oo qof ayaa haatan ku nool teendhooyin dhexdood. Iyadoo qaar yarna ay heystaan oo kaliya waxyar oo ay ku nool yihiin roodhi ama kimis, biyo yar iyo dawooyin aan badneyn.

Tobannaan kun oo qof oo ku dhaawacmey dhulgariirkan ayaa lagu daweeyey Cisbitaalada dalka ku kala teedsan.

Iyadoo ay weli gargaarkii bannaanka uga soo degayey uu dalka ku soo gurmanayo ayey masuuliinta Iran wacad ku qaadeen iney dib u dhisi doonaan, magaaladooda taariikhiga ah ee burburtey.

Dhinaca kale Colin Powell ayaa sheegey in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu Iran wadaxaajood la yeesho haddii ay suurtagal tahay.

Markii uu dhulgariirku gilgiley magaalada Bam ee ku taal waddanka Iran todobaadkii hore, madaxweyne Bush waxa uu dadkii waxyeeladu gaadheen u direy hadal diiran oo uu uga tacsiyadeenayo waxa ku yimid.
Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykankuna waxa ay Iran ugu deeqdey gargaar toos ah, Iraana wey ogolaatey.

Waxa haatan ay u egtahay in Colin Powell uu fursadan uga faa'iideysanayo inuu woxogaa albaabka u furayo ballamo siyaasadeed oo ka dhasha arimahan.

Isagoo ereyo xulan ku hadlaya ayuu Powell ka waramey in mustaqbalka ay dhici karto in Mareykanka iyo Iran ay wadaxaajood galaan.

Waxana uu sheegey Powell in ay waxyaabo socdaan oo uu jiro waji cusub oo lagu abaarayo mowduucyada qaarkood.

Waxyaabahaas kuwooda ugu horeeya waxa ay yimaaddeen markii todobaadkii tagey ay Iran saxeexdey warqad ay ku ballan-qaadeyso in ay baadhayaasha QM u ogolaaneyso dalkeeda iney baadhaan iyadoo ogeysiis gaaban la siinayo, markii dalkeed la imanayo.

Laakiin, maamulka Bush waxa uu Iran ku sharxey iney qarka u saarantahay iney yeelato hubka Nuclear-ka.

Xataa haddii Mareykanku uu raali ku noqdo intaas, Mr Powell waxa uu caddeeyey iney jiraan arimo kale oo maamulka Bush uu dalbanayo.
Mareykanku waxa uu Iran ka doonayaa iney gacanta u soo galiso dadka lagu tuhunsanyahay iney ka tirsanyihiin al-Qaacida ee ay heyso Iran iyo iney joojiso gacanta ay siisso dagaalyahanada Falastiiniyiinta iyo Labnaaniyiinta ee dagaalka ku haya Israa'iil.

Arimahaas ayaa ah darbi weyn oo hortaagan in Mareykanka iyo Iran ay dib u soo ceshadaan xidhiidhkii ay kala goosteen 1979kii markii ardey kacaan Islaami ah oo Iraniyiin ahi ay u dhaceen safaaradda Mareykanka ee Tehran oo Mareykankii halkaas ku jirey ay afduubeen oo ay haysteen muddo hal sano ka badan.

Laba sano ka hor ayuu Bush sheegey in Iran ay ka mid tahay dowladaha uu u baxiyey Isbaheysiga shaka ah.

Laakiin wakhtigan la joogo siyaasiinta Washington waxa ay doorbidayaan in diblomaasiyad siyaasadeed la wada galo taasoo ay dhiirigalisey wadahadaladii wakhtiga bisha ah socdey ee Libya lala yeeshey ee Libya u horseedey iney ku dhawaaqdo iney burburineyso barnaamijkeedii hubka sida daran wax u gumaada.

Si kastaba ha ahaatee waxa haatan socda falal la iskudayayo in Mareykanka iyo Iran lagu kulmiyo, laakiin ma jiraan waxa hubanti ka dhigaya ineyna falkaasi mar kale burbiri doonin.

Top


Gorod – Gabay, Waxa tiriyey:Suldaan Maxamed Ismail, Borama

Gorod – Gabay

Waxa tiriyey: Suldaan Maxamed Ismail, Borama

Sannadkan 2003 waxaan ku sagootiyey Gabay Magaciisa la yidhaah GOROD. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa Golaha Deeganka ee Degmada Borama sida uu u Maamulay Degmada dhinacyada Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Dhulka iyo Nabadgelyada. Sannadkan 2003 Dhaqaalaha Degmada waxa ku habstay maamul xumo. Dawladda Hoose kharashka dheeriga ah ee ay gashay wuxuu gaadhayaa US$ 41,000. Sidoo kale, deynta ay gashay D/Hoose waxay kor u dhaafay US$ 26,000. Waxa intaas dheer deymihii hore ee lagu lahaa D/Hoose oo iyaguna weli taagan. Ku tagrifalka dhaqaale ee ku
dhacay Degmada Goluhu wax eed ah kuma leh balse, waxa Iska leh eedda Mayorka iyo maamulkiisa. Gabaygu wuxuu tilmaamayaa sida la iskaga indha tiray Xeerka Golaha.

Talo wadaag La’aanta Golaha. Gabaygu wuxuu taabanayaa wacyiga runta ah ee ka jira Golaha. Gabayaagu wuxuu ka welwelsan yahay sannadka 2004 ee soo socda (Insha Allaah) wuxuu noqon doono haddii isbedel iman waayo. Haseyeeshee Gabayaagu wuxuu dalbayaa GURMAD Leh lexejeclo inuu soo farageliyo Golaha. Gabaygu wuxuu ku bilaabmayaa sidan:

Gorodoow Na Soo Gaadh
Golihii La Doortee
Laga sugayey Guul iyo
Gallad inay Horseedaan
Guyaal badan wixii Dhacay
Gellin horeba Maydhaan
Gal Xareedle iyo Doog
Geyigani u Keenaan
Geeddi Hadalkii Daayoo
Gooh iyo Sawaxan baa
Bulshadii Gilgilayoo
Hadhmadowna Geliyee
Waxa Garambalkaa dhigay
Gaasiray Hayaankii
Gellinbuu Gondaha iyo
Aqal Gudihi Yaallee
Bal aan Maanta Golihiyo
Soo Dhigo Garoonkani
******************
Bismallaahi Guulloow
Gole iyo waxgaradoow
Rabbiyoow Gantaalaha
Indhahoogan soo Ganan
Nooga Leexi Geesaha
******************
Gorodoow Na soo Gaadh
Gabbal baa Dam Noo Yidhi
Gudcurkiisu Halis Yahay
Gadahaygu  waa Toban
Lixbaa Guudka ii Maray
Gulfkiyo Colaadana
Afar baa Wax Gani kara
Inta Hadhay Galiilyiyo
Gaydhiyo   Mur   Weeyaan
Haddaad Moodday Golahani
Inuu Gutay Xilkiisii
Wallee waa Gelgelin Madhan
***********************
Gorodoow Na Soo Gaadh
Gari ALLAY  u   Hoyatee
Ninkii wuxuu  Go’aansaday
Inuu Gees ka baal Maro
Gadhladaal Ragguu Dhalay
Giriif Baanu Dhigayaa
Gorodoow wuxuu Yidhi:
Nafsi gaaxanaayaa
Goroddayda soo galay
Anna gaabsan Maayoo
Gellin baan Sugaayee
Horta Goobo ii Geli
Gudahani Magaalada
Goobaha halbowlaha
Ganacsiga Dhammaantii
Nin Gaboobay baan ahay
Guntimooyin baan Xidhi
Cidna aanay Guri Karin
Gedeb baan Biyaha Gelin
Waxaan Gadi Mishiinnada
Anigoon Gorgorin Hebel
Golahana Ka Talo  Gelin
Haddaan Guux Dareemana
Nin Gadoodi Maba ihi
Mana Gibidhsanaayoo
Waxa maanta Soo Gala
Waaban Gabagabeynoo
Guurtidaan Ku Shaandhayn

********************
Gorodoow Na soo Gaadh
Marka aan la Giig Tirin
Goldalooladii jira
Geesi La is Bidaayoo
La Garaaco Gaaddada
Madashana Guhaad Badan
Gocashada La Badiyoo
Maarayn Gurracan uun
Dood lagu Gunaanado
Ajandaha La Guud Maro
Gunta Ceelka Lagu Dhicin
Gulucyada La Xaadiyo
Gacantana La Raaricin
Run Miyaa la Gaadhaa
Hadday beeni Galac Tidhi
Waxa Lagu Gafaayaa
Bulshadii Go’doonnayd
Gorodoow Ogsoonoow
Gurmad weeyi Gabaygani
Nin Garaadle Saacida
Waa Guubaabo iyo Talo
Garashana ALLAAH  Iska Leh
**********************
Gorodoow Na soo Gaadh
Gees Kalena waxaan Idhi
Gumar Caday Ma Leedahay
Gaydhuhu Ma Daawaa
Galoolkuna Ma Qudhacbaa
Gasaytuhu Ma Nacas baa
Nin La Gigay Ma Bahal baa
Bal Gadaal u Fiirsada
Faalleeya Golahani
Ganafooyinkaa Badan
Guuleed ayaa Dhigay
***********************
Gorodoow Na Soo Gaadh
Gees kalena Waxaan idhi
Galka Seefta Ha Ka Bixin
Hana Dhigin Gelgelin Madhan
Gorof aanad Cugahayn
Goonyahaaga Ha  ka Ridin
Garbi aanad Gaadhayn
Godol Ma laha Xooluhu
Hadduu Aarku Gowdhabo
Kolba  Gebi Ku Boodkuna
Waa Guul Darriyo Ciil
Ninka waranka kuu Ganay
Gammaankiisa Ma’ad Hubin
*************************
Gorodoow Na soo Gaadh
Ninka Maaggan Gawraca
Kuwii Goofka kula Yiil
Ma aduu Go’ kuu Fidin
Garba Raar Nin Beegsaday
Guduntii Mijiir Tahay
Guuguulahaa  Ciyey
Gaashaankii Ma Haystaa
************************
Gorodoow Na soo Gaadh
Gees Kalena waxaan Idhi
Xeerka Golaha loo Dhigay
Ma Dad buu Ku Gaar Yahay
Gef Haddii La Tiriyana
Gebi Ma Isku Raacnaa
In aan Gidir La Dhaafayn
Goolaaftan   oo idil
Gadaashaa innoo Dhiga
Ku Gimgimiya Qalamada
Waxa ay Galeen Khalad
Labadaa Guddoonshaba
Gaafanow Xisaabtii
Berigii Guduudnayd
Iyagoon Gardaad Baran
Wallee  Waa Gaddeedii
Gambadiyo warqaha
Aan  ka Gurray Dadweynaha
Garan Weynay Meeshay
Guud ahaan ku Hoyatee
Ma Galladin Dadkeennii
Sannadkaa Gabaabsaday
Ma Gayoobin Deyntii
Weyna Gaaxanaysaa
Go’iwaa Cusmaanoow
Goolibaadhku Badanaa
Goobihii Dadweynaha
Googgaa Andadoow
Gardarada u Hiishoow
Adaa Guuto Xabashiya
Garabkaaga Siiyee
Gujufkoo La Qaadaa
Waa Roob Galbeed Maray
Garsooruhu Ma Cumarbaa
Muxuu Gawska ku Hayaa
Jarka Gaadmadiisiyo
Gogol Fidinti baan Nacay
Waa Godob Ma Odhan Karo
Gabankaygii Weeyaan
Cabdiyoow Guntiga Xidho
Ha Gannoodin Miiskee
Haddaad Gees Maraysaan
Waxa Gubi Jidhkaygani
Giddaarkay ku Qorantahay
Guddoon Jilicsan baan Nacay
Gasiir iyo Middaan Nacay
Gobno iyo Sacbaan Nacay
Isku Gube Dad baan Nacay
Gooni Gooni baan Nacay
Geeddiga is-Dhaafka ah
EE Guntiisu Eber tahay
Gebi Urursadaan Nacay
Guddiyaalku Shaqadiyo
Xilkay Gudan Lahaayeen
   *****8*****************
Goroddow Na Soo Gaadh
Gees kalena Waxaan Idhi
Gurigii Saleebaan
Iyo Goosankii Kale
Wixii aan Guddoon Nidhi
Naqshaddii Galbeedkiyo
Seera Gooniyeyntii
Jidadkii Gufaysnaa
Een Weli La Giig  Tirin
Gaadhka Debec iyaa Yidhi
Nabaddii Gariirtee
Warshaddii iyaa Gabay
Gobolgobol u kala Dhigay
Daynamooyinkii Guray
Gam ka siiyey Laydhkii
Gololkii Lagama furin
Gooddigii Jibraaciin
Imisaa Go’aan Yaal
Miyaan Xeerku garanaeyn
Waxaas  oo  Gafoo  Dhacay
*************************
Gorodoow Na Soo gaadh
Gebagabo waxan idhi
Gaadhigu Xawaaraha
Hadduu Goosto Celiyaha
Geerkuna Ma Qaban Karo
Taa Waxaa Gaddeeda ah
Gorgorkiyo Dhurwaagani
Garandada Kaxeeyee
Geriyaad Dadkii Dhigay
Labadaas Guddoonshaba
Waxay soo Galeen uun
Bal Gadaal u Fiiriya
Guddigaasi fulintana
Garashaba igaga Filan
Gadhwadeen Muddada ay
Golaha u   ahaayeen
Gu’ Dambena Wuxuu noqon
Garanmaayo aniguye
Giraantani Wareejiya
Garbaduub intuun Dhicin

Waxa tiriyey:

Suldaan Maxamed Ismail, Borama

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gabiley Waxay Qarka U Saarran Tahay In Laga Guuro

Magaalada Gebiley oo ah magaalo qadiimi ah magaceeduna ku fiday guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, isla markaana kaalin muhiim ah kaga jirta dhaqaalaha dalkan Somaliland ayaa hadda u muuqata mid ku jirta xaaladihii ugu xumaa ee abid soo mara, marka laga eego xagga adeegyadii bulshada sida:

Biyaha, wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan bilicdii magaalada oo musalaftay.

Oo aanay ciddina ku samaynin dayactir hadday noqoto maamuladii hore iyo kuwa hadda (golaha deegaanka) oo aad moodo inay ugaba ugasii dareen kuna shuraakoobeen hantida umada balse aan waxba u qaban shacbigii soo doortay, hadaba arrimahaas aan kor ku soo sheegnay dartood ayaa Gebiley waxay u ekaatay meel laga guuray.

Marka aad dadka kala sheekaysato sida wax u dhaceen waxay kuu muujinayaan oo ay ka siman yihiin sida ay uga rajo dhigeen maamulka iyo waxgaradka magaalada oo ay ku odhanyaan iyaga ayaaba ugu wacan dib u dhaca ku habsaday magaalada Gebiley.

Hadaba ninka Gebiley muddo ka maqnaa ee hadda tagaa aad ayuu u dareemi karaa waxyaabo badan oo ay Gebiley caan ku ahayd hadase aan jirin.

Tusaale ahaan waxa magaalada dhexdeeda iyo garoomada kubadaha iyaga oo koox koox ah lafyoon jirtay dhalinyaro farabadan oo ciyaari jiray ciyaaro kala duwan taasi way ku yar yihiin ama maba jirto oo lagamaba yaabo inaad aragto wax ka badan odayaal koofiyad baclayaal ah oo meel makhaayad ah BBC-da ku sugaya.

Hadal iyo dhamaan Gebiley oo la ogyahay dhaqaalaha ka yimaada way ka qatan tahay waxayna qarka u saarantahay sida kalabaydh goor ay soo kabataba.

C/risaaq Xasan Warsame

Hargeysa

Top


Ictiraafka Somaliland Wuxuu Ku Xidhan Yahay Saxaafadda

Saxaafada xorta ahi waa tiir ka mid ah tiirarka dimuqraadiyada iyo halbeegeedii cabirka, waa muraayad si fiican looga dheehan karo hababka dhaqan dhaqaale ee bulsho kastaa leedahay.

Waxa la ogsoon yahay iney kor u qaado wadaniyad jaceylka, iyadoo adkayneysa jiritaanka qaranimada, isla markaana kobcineysa garaadka iyo danaha bulshada.

Saxaafada xorta ahi ma aha mid ka baqata ama u habrata boqor, jaahil iyo madaxweyne kaligii taliye ah iyo koox kasta oo sheegata awood.

Haddii aan u daadego nuxurka maqaalkaygan, wadankeena Somaliland wuxuu leeyahay taariikh facweyn oo xoriyada hadalka ah (gabeyga) hase yeeshee muddadii uu xukunka hayey taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Afweyne ee uu cabudhiyey shacbiga, cadhadii ka dhalatay waa ta keentay halgankii nafta iyo maalkaba loo hurey ee SNM, maantana aynu midhaheedii guraneyno.

Haddaba iyadoo dastuurkeenu aanu baneyneyn xakameynta saxaafada ayaa waxa muuqata iney waayadan dambe xukuumadu u jeelan tahay iney hesho xeer ay ku cabudhiso saxaafada ama urur ay soo dhoob dhoobeen oo afkooda ku hadla. Arrinkaasina wuxuu soo shaac baxay markii dabayaaqadii sanadkan dawladdu soo abaabushay xeer ay u bixisay xeerka Saxaafada Somaliland, ka dib markay soo ururiyeen xubno ay ku tilmaameen guddi saxaafadeed aan dhameys ahayn, xubnaha guddi ku sheega ahaa oo u badnaa kuwo u shaqeyn jirey taliskii shuuciyada aaminsanaa oo ku doob dilaacsaday hanuunintii “orientations” kuwaas oo aan mar kaliya arag saxaafad madax banaan oo xor ah.

xeer saxaafadeedka xukumadu wadatay waxa gaashaanka ku dhuftay ururada (SSWJ) iyo SOLJA iyagoo diidan markasta saxaafada loo yeedhiyo.
Hadal iyo dhamaan waxa qurux badan in xukumadu faraha kala baxdo saxaafada, iyadoo la ogsoon yahay dagaalka ay kula jirto saxaafadu cadowga Somaliland.

Guntii iyo gabagabadii saxaafada Somaliland waxay maraysaa heer sare oo dunida horumartay isha ku hayso sida midowga yurub iyo maraykanka oo inoo sheegay labada tallaabo ee inooga hadhay ictiraafku inay yihiin:

Doorashada golaha barlamaanka

Iyo xoriyada saxaafada.

Taas oo maanta xoog u kobocday sida dhawr iyo toban website (internet), wargeysyo badan, Tv, idaacado madax banaanoo daqiiqad kasta xaalkeena u bandhiga dunida kuwaas oo aan cidna daah ka saareyn inay horseedi doonto ictiraafka Somaliland.

Bare Aduunyo

Somaliland Intelectual Society

Top


KA HOR-TAGGA DHIBAATADA FIITAMIIN A LA’AANTA
Q: 3aad

Waa maxay dhiigyaraani?

Dhiigyaridu waxa weeye dhiigga oo ay ku yaraato qaybta cas ee dhiiga.
Maxaa ay muhiim u tahay dhiigyarida nafaqadu?

Karti darro xagga hawsha ah
Daal iyo tamar dari dheeraad ah
Waxbarasho xummo
Khatarta dhimashada hooyada uurka leh oo korodha.
Astaamaha lagu garto dhiigyarida

Dibnaha iyo carabka oo caddaada. Casaanta hemoglobiinta dhiiga ku jirta ayaa midabka siisa dibnaha carabk. Marka ay heamoglobintu ku yar tahay dhiiga, waxa ku yaraada casaanta dibnaha iyo carabka. Tani waa astaanta ugu weyn ee lagu garto dhiigyaraanta. Si sahlan ayaa loogu aqoonsan karaa dhiigyaraanta dhexdhexaadka ah iyo tan halista ah.
Daal. Qofka qaba dhiigyaraantu waxa u dareemaa daal farabadan. Waxa uu qofku yeelan karaa dawakhaad iyo madax wareer. Qofku waxa laga yaabaa in uu lumiyo nafsada wax cunista ama uu dareemo dareen yalaalugo. Qofka ay dhiigyaraantiisu keentay ayron yaraan waxa laga yaabaa in daalku kaga soo hormaro cadaanta dibnaha iyo carabka.
Neef qabatow. Qofka dhiigyaraantu hayso waxa lga yaabaa in uu dareemo neef qabatow iyo garaaca wadnaha oo degdega.

Qiyaasta heamoglobinta

Heamoglobinta waxa lagu qiyaasaa inta garaam ee ku jirta 100ml ee dhiig ahba. Heamoglobinta intan ka hoosaysa waxa loo aqoonsanayaa dhiig yaraan.

Caruurta da’doodu u dhexayso 6 bilood – 5 sano 11g
Caruurta 6 – 14 sano 12g
Ragga 13g
Haweenka aan uurka lahayn 12g
Haweenka uurka leh 11g.
Dhiiig yaraanta waxa loo kala saaraa sidan:
Dhiig yaraan sahlan: ka hoosaysa tirada kor ku qoran laakiin ka badan 10g
Dhiig yaraan dhexdhexaad ah: 7 – 10g
Dhiig yaraan halis ah: ka hooseysa 7g.
Inta badan qiyaasta heamoglobinta jidhka ku jirtaa ma dhaafto 16g/100ml, xataa ragga.
Qofku haddii uu gaadho 10g/ml waxa aad ka dareemaysaa caddaan dabbnihiisa iyo carabkiisa.
Yaraanta ayronta ama dhiigyarida ayey halis ku tahay?
Da’yow gaar ah ayaa inta badan ay khatar ku tahay dhiigyaraantu khatarta ugu badan ee ayronta iyo falaytku:

Haweenka khaasatan marka ay uurka leeyihiin iyo wax yar ka dib dhalmada
Caruurta uu miisaankooda dhalashadu hooseeyo ama aan jaqin naaska hooyadood
Caruurta ka yar laba sanno gaar ahaan kuwa ay hayso nafaqo darro
Dhalinyarada sida degdega ah u koraysa gaar ahaan gabdhaha
Haweenka iyo ragga da’da ah gaar ahaan marka ay yihiin saboolka.

Top