Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

XAALADA MAGAALADA LAASCAANOOD OO KACSAN KADIB MARKII LA OGAADAY INAY WASIIRADII SOMALILAND QAAR DHUUMASHO KU SOO GALEEN MAGAALADA.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa kacsan kadib markii dhowaan uu wafti Ka socda maamulka la magacbaxay Somaliland ay u soo anbabaxeen magaalada L/caanood,weftigaas oo galabnimadii jimcaha iyaga oo maraya agagaarka Tuulada Adhicadeeye oo ilaa 30km kaga beegan dhinaca qorax-u dhaca magaalada Laascaanood ay jidgooyo u sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan deegaankaas,ayna rasaas oodada kaga qaadeen weftigaas,balse wuxuu dagaalku sii xogaystey kadib markii ciidan uu horkacayto nin horey uga tirsanaan jirey ciidamada Somaliland oo u dhashay deegaankaas magaciisana la yidhaahdo Xassan Geerash uu ku soo biiray dhalinyaradii jidgooyada samaysay,hal qof ayaa ku dhintay,mid kalena waa uu ku dhaawacmay iskahorimaadkaas.

weftigaas oo ka koobnaa 6-8 wasiir ayaa hadaba lama filaan ku noqotay dadka ku dhaqan deegaankaas,kuwaasoo filayey inay nabad gelyada gobolka ka soo rayso,maadaama ay mudo sadex bilood ah ku sugnaayeen magaalada Laascaanood wefti ka yimid gobolada waqooyi galbeed,kuwaasoo wadaxaajood ku saabsanaa xaga nabadgelyada beelaha ah la yeeshay qaar ka mid ah isimada beesha Dhulbahante.

Waxaan hadaba si aad u ogaataan xaalada dhabta ah ee magaalada Laascaanood halkan hoose idinku soo koobaynaa waraysi ay weriye Faa,isa Cabdi Dhalac oo ah oo ka mid ah weriyayaasha idaacada Laascaanood,ahna weriye madax banaan,ayaa waraysi ay u soo dirtay RadioQaran wuxuu ahaa sidan isagoo kooban:

Ugu horey waxay Faa,iso sheegtay in laba ka mid ah weftigii Somaliland ee loo soo diray magaalada Laascaanood inay soo gaadheen magaalada,kuwaasoo ka mid ahaa wefti tiradooda lagu sheegay 8 oo dhowr maalmood ka hor laga celiyey duleedka magaalada,wasiiradan ayaa laba ka mid ahi u dhasheen deegaanka iyadoo ay ujeedadooda ugu muhiimsanayd sidii ay u sii anbaqaadi lahaayeen wadahadaladii ay ka gaabsadeen salaadiinta oo labaataneeyada gaadhayey oo mudo 3-bilood ku dhow ku sugnaa magaalada,inkastoo ay wasiiradani la kulmeen caabin xoog leh oo kaga timid ciidamo kala koox koox ah kuwaas oo taxnaa Guumays ilaa kaantaroolka Laascaanood,ayaa waxaa ugu ba,naa kuwa ka tirsanaa ciidamada ka mushahar qaata Somaliland,ciidamadaas ayaa sida la sheegayo ka gadoodsanaa arimo kala duwan oo kala ah:

  • Taliyihii hore ee la bedelay oo kiciyey ciidan isaga taabacsan,isagoo doonayey inuu ku khasabo inuu isagu madaxa laga amar qaato u noqdo.
  • Kuwo kale oo doonayey in mushaharka laga haysto la siiyo
  • iyo kuwo kale oo iyagu asaliyanba diidan weftigan,iyagoo si aad ah u dhaleecaynaya wasiirka Dibu-dejinta oo lagu magacaabo Cabdillaahi Darawal oo safarkan safarkiisii u xigay mudo laga joogo 3-sano ay iska horimaadyo dhiig badani ku daatay ka dhacay magaalada Laascaanood

Xubnahan oo mudo dhowr maalmood ah ku sugnaa inta u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan qaybaha bulshada kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin isimada deegaanku. Daahir Riyaale ayaa horey u balan qaday inuu wax ka qaban doono gobolkan,si uu barnaamijkiisu ugu hirgalo inta ka horeysa 15-disembar oo doorashooyin loogu yeedhay kuwa dawladaha hoose ay ka dhici doonaan deegaanadaasi.

Ma aha markii ugu horeysey ee uu gobolka ka dhaco khalal siyaasadeed oo dhimasho iyo dhaawacba geysta kaasoo salka ku haya baabuurta ka soo qulqulaya hargeysa ee iyaga hadafkoodu yahay "ama guul mabda'a Hargeysa ama geeri badan Sool".

Dhinaca kale nin ayaa ku dhintay kadib markii iskahorimaad u dhexeeya laba kooxood oo qaar diidanaayeen imaanshaha nimankaasi uu ka dhacay deegaanka Tuulada Adhicadeeye,inkastoo ay arintaasi khalkhal gelisay nabadgeelyada deegaankaasi oo hada la dhidbay,hadana odayada deegaankan ayaa isku hawlay inay dejiyaan xiisada,kuna guulaystey.

Isimada deegaanka Sool ayaa beeniyey hadalkii uu BBC-da ka sii daayey mid ka mid ah ismadii yimid Laascaanood,hadalkaas oo uu ku sheegay inay heshiiyo dhinacyo badan leh wada galeen,warqad qoraal oo 3-qodab ka kooban oo ay ku saxeexan yihiin 8-isim ayaa u qornayd sidatan:

Ku:Weftiga Somaliland

Ujeedo:Talo Bixin

Anagoo tixraacayna heshiiskii ay isugu yimaadeen isimada Dhulbahante iyo gudiga naadaynta Somaliland,shirkaasoo dhacay 17/11/2002,ayaa waxay ujeedadiisu ahayd in looga mahadceliyo arimihii nabadaynta ahaa ee ka qabteen gobolkan Sool,waxayna ku talinayaa isimada Dhulbahante arimahan soo socda:

  • In la joojiyo doorashooyinka iyo shir beeladkaba,kuwaasoo keeni kara xasiloono daro
  • In Dhulbahante ay sameeyaan shir ay kaga tashadaan aayahooda
  • Isimadu waxay u mahadnaqayaan isimada,guurtadida iyo waxgaradka ah eegacanta ka siiyey hawlaha nabadaynta.

Magacyada isimada ku saxeexan bayaankan waxay kala yihiin:
1.Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac.
2.Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
3.Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed.
4.Suldaan Siciid Cismaan Cali.
5.Ugaas C/llaahi Ciise Nuur.
6.Boqor C/llaahi Axmed Cali.
7.Garaad C/salaan Xasan Maxamed.
8.Garaad Cali Buraale.

Qoraalkii ay saxiixeen isimada beesha Sool Asalkiisii

Isimada ayaa waxay sheegeen inayan wax heshiis hoosaad ah ayan la gelin weftigan u yimid.

Boqor C/llaahi Axmed Cali oo u waramayey weriye ka socda idaacada Laascaanood ayaa waxa la weydiiyey waxa uu ka qabo hadlka u sheegay afhayeenkii isimadii u yimid Mr Goodaad,wuxuuna ku jawaabay:Ugu horeyn isimada deegaankani kama tirsana golayaasha Somaliland iyo baarlamaankooda toona,markaa hadalka isimadu maaha hadal siyaasadeed,mida aad i weydiisey ee isimadaa nooyimidna waxaan idiin sheegayaa in aan nimankaas isimada ah si fiican loo soo dhaweeyey waxa aan ka wada hadlayneyna waxa ay ahayd sidii bal talo la isu siin lahaa,oo anagana talooyin bay naga siiyeen sidii aan u xalili lahayn xurgufaha deegaankaya ka jira,anaguna sidoo kale talooyin baan ka siinay xurgufo noocaas oo kale ah oo xagooda ka jira,balse marnaba ma dhicin inaan siyaasad ka wada hadalo.

Mar uu wariyuhu weydiiyey Boqor C/llaahi bal meesha uu ka keenay hadaladii uu ka sheegay BBC-da Mr GADOOD,hadalkaas oo uu ku sheegay inay isimada wax isla og yihiin,waxa uu sheegay in ayan waxba ka jirin waxa uu sheegay,oo inta uu og yahay ay tahay oo kaliya in ay ka wada hadleen arimaha deegaanka iyo talo isa siinta

Mar uu Boqor C/llaahi faahfaahin ka bixinayey waxyaabaha ay ku heshiiyeen odayaashaas u yimid waxa uu sheegay in ay u sheegeen inayan marnaba marnaba ogolaan doonin kala go,a umada soomaaliyeed,dadka reer soolna ayan dhaqan u ahayn kala qoqobida dadka soomaaliyeed,markaa loo baahan yahay inay dib isugu noqdaan oo soo tashadaan,anaguna waxaan qabanaynaa watashi guud oo beesha oo dhami isugu imaanayso,si aan aayahayaga uga tashano,balse arin siyaasadeed meesha kuma jirin.

Mar wax laga weydiiyey doorashooyinka la qabanayo oo meelo ka mid ah magaalada lagu arki karo meelo u furan,waxa uu ka digay inay horeyna u sheegeen,beyaanka ay soo saareena ay ku cadeeyeen in aan doorashooyin laga qaban deeganada Dhulbahante,oo hadii laga qabto doorashooyina keeni karta isku dhac iyo khal khal siyaasadeed.

Weriye Faa,iso oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in deegan Sool ay soo wajahday xiisad siyaasadeed oo keeni karta inay jawaab celin xoog lihi kaga timado dhinaca Puntland,iyadoo C/laahi Yuusuf uu dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.

 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.