Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
MISOY GROUP
 
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
Gumaystihii ka hor xuduudi ma jiri jirtey? .

27 Jan, 2004:

A/Calaykum Waraxmatulaahi

1884 ayuu ahaa sanadkii ay reer galbeedku ku heshiiyeen in la qabsado qaarada afrika iyadoon cidna laga teála gelin,dadkaas oo soomaalidu ka mid ahayd. .

Waxaa qayb inoo helay laba Talyaani iyo Ingiriis,oo markii danbe qaybtii wax ka siiyey Faransiis,Itoobiya iyo Kenya.Tani waxay keentay in markiiba dadku is weydiiyaan waxa ninkan saanta cadi doonayo,jawaabtu waxay noqotay labo arimood.
1-Dhaqaale
2-Diinta Kiristaanka oo la qaato.
Culimada oo dadka ugu dareenbadnayd marka ay timaado waxay doonayaan reer yurub ayaa markiiba jawaab ka bixiyey oo waxay iclaamiyeen in laga hortago fidmada iyo gaalnimada,cawaaqib xumada reer galbeedka,tan oo aakhirkii isu bedeshay gacan ka hadal dhexmaray soomaali iyo reer yurub,markii danbana sababay in dawladnimo aynu helno,hadaba markaa ka hor soomaaliyi ma lahayd? .

Jawaabta haday noqoto Haa,waa runoo waxaa jiri jirtey xuduud qabiileed,hadayse jawaabtu noqoto Maya,dooga iyo ceelkaba waa la wadaagi jirey,hadeerna waxaad moodaa in soomaalidu ay dib ugu laabatay . .

Waa in ducada laga abaabulaa shanta Soomaaliyeed: Somaliya, Somaliland,Puntland, Jabuuti, Kilinka iyo NFD, iyo weliba qurbaha.:
Nimanka tartanka ugu jira Shirka Kenya, waa inay u ambabaxaan dhinaca ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee Waqooyiga Kenya. Salaadda iyo cuntadaba waa inay dadkaas la wadaagaan. Isla markaas Somalida ku nool Eastleigh, Nairobi, waa inay duco ay u dhan yihiin sameeyaan oy taajir iyo faqiirba wadaagaan.
Waa in nabad, caafimaad, roob, isfaham, iyo barwaaqo lagau ducaystaa.
Waxa la gudboon culumadu inay is abaabulaan, oy masaajidda ka duceeyaan, seddexda maalmood ee Ciidana ay subaxa iyo maqribkaba qunuud dadka ku tukiyaan. Baryada Illaahay ha la badiyo, sadaqadda ha la badiyo, salaanta ha la badiyo, qalbiga ha la nadiifiyo, Tawba ha la dheho, oo Illaahay ha la baryo in xaalka aynu ku suganay mid ka fiican dhammaanteen ina siiyo meel kasta oynhu joognaba.
Sidoo kale Muslinka dhammaantii meel ay joogaanba Illaahay ha u gargaaro, oo ha derajeeyo, Illaahay dhibaatada ummadda Falastiin saaran ha ka dul qaado.Illaahay naxariis iyo dambi dhaaf aynu ka barino.
Wa salaamu calaykum, wa raxmatullah..

ahmed_arwo@yahoo.co.uk.

Updated: Jan,27 2004

DISTRIBUTED VIA LAASCAANOOD.COM

CIID WANAAGSAN!!!!!!CIID WANAAGSAN!!!!!!!!CIID WANAAGSAN!!!!!!CIID WANAAGSAN

Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.