Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

Wafti reer Puntland ah oo ku soo fool leh Magaalada Laascaanood.

By Abdinasir Osman Farah


©  Laascaanood online

hal qof ayaa ku dhintay,qofna waa ku dhaawacmay tuulada Adhicadeeye ilaa iyo hada.

Laascaanood,Somalia,02 December 2002 —Warar deg deg ah oo aanu ka helnay magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inay halkaasi ku soo fool leeyihiin Wasiiro,Xildhibaano,iyo ciidan ka tirsan ciidamada darawiishta ee Puntland.

Imaanshaha waftigan oo beryahanba laga hadal hayey magaalada Laascaanood ayaa waxay ku soo beegantay iyada oo xiisad siyaasadeed ay ka aloosan tahay deegaamada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,iyadoo isla markaana ay wafti ka yimid Somaliland uu isaguna ku sugan yahay isla magaalada,waftigaas oo u ololaynaya doorashooyinka ay dawlada la magac baxday Somaliland ka qaban qaabinayso deegaankaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay wasiiradii ka yimid Somaliland ay ka baxeen magaalada kadib markii ay maqleen in wefti reer Puntland ah oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Axmed Cabdi Xaabsade,ay ku soo fool leeyihiin magaalada saacadaha soo socda.

Dhinaca kalle, isimada,odayaasha,iyo waxgaradka degaanka ayaa ka codsaday dawlada isku magacowday somaliland inay joojiyaan siyaasada foosha xun ay ka wadaan Sool, Buuhoodle iyo koonfurta Sanaag. hadii kalle bay yidhaahdeen waxaa dhici kara isku dhac balaaran oo ay ka masuul noqon doonaan siyaasiyiinta Hargeisa laga soo diro.

Dad badan ayaa aad ugu diyaar garoobay soo dhaweynta waftiga reer Puntland, kuwaas oo aad ugu riyaaqay soo noolaytii iyo dib usoo celintii maamulkaas si uu uga hawl galo Sool, Buuhoodle iyo koonfurta sanaag.gaar ahaan magaalada laas-anod oo beryahan danbe noqotay meesha lala soo doonto carqaladaha.

Waftiga reer puntland ayaa la sheegayaa inay u socdaan inay maamul xoogan udubada uga taagaan magaalada laas-caanood, iyagoo degaya xafiis kasta oo dawladi leedahay. Waana markii ugu horaysay oo maamulka puntland ololahaas kusoo qaado degaanka. sababtoo laga dhigayo inay ka danbeyso ka dib markii "isimadii" ka yimi dawlada isku magacowda somaliland ay degeen las-anod 3 bilood iyagoo ku marmarsiinyooday heshiis beelaha dega gobolkaas qaarkood. ayaa iyagu kasbaday dad badan ka dib markii ay sheegteen inay ka danbeeyeen heshiisyadii ka dhex dhacay labada beelood oo iyagu wada dega tuulada Adhicadeeye oo 30 kIlo meter u jirta laascaanood dhinaca waqooyi, iyo laba jufood oo iyaguna dega magaalada laascaanood. sikastaba ha ahaatee, dadweynaha dega degaamada Sool,Buuhoodle iyo Sanaag ayaa iyagu taageero badan u haya dawlad goboleedka Puntland,marka la barbar dhigo Somaliland.Soo celinta maamul puntland oo ka hirgala laascaanood wuxuu noqon doonaa mid badani u riyaaqaan,balse keeni kara iska hor imaad dhex mara kooxaha kala taageersan maamuladaas.

Laascaanood,Somalia


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.