Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 
Posted to the web 15:05 GMT OCT 10, 2002

 

NIN GABADH CAASHAQAY OO LAGU XUKUMAY HAL SANO OO XADHIG AH.

October 10, 2002. Laascaanood online,Berbera, Somaliland.

Berbera (Jam)- Maxkamadda degmada Berbera ayaa Salaasadii doraad hal sanno oo xadhig ah ku xukuntay Axmed Cabdillaahi Sacad oo lagu eedeeyey in uu wax u dhimay sharafta iyo dhawrsoonaanta gabadh uu si weyn u caashaqsan yahay oo ay wada deggan yihiin magaalada Berbera.

Dhacdadan oo si weyn u soo jiidatay dadweynaha Reer Berbera toddobaadkii hore ayaa ka bilaabantay maxkamadda degmada Berbera, ka dib markii gabadhaasi ka soo dacwootay ninka la xukumay oo ka tirsan xamaaliinta muruqmaalka dekedda Berbera, kaas oo ay sheegtay in uu wax u dhimay sharafteedii gabadhnimo, isla markaana ay cabsi uga qabto nafteeda in uu waxyeello dil ah gaadhsiiyo, balse uu isagu sheegay in uu si weyn u jecel yahay kalgacaylna u hayo oo uu doonayo in uu guursado.

Xukunka maxkamadda oo ay dhegaysanayeen boqolaal qof oo Reer Berbera ah, waxa ay maxkamaddu u cuskatay xukunka ay ku riday Axmed Cabdillaahi Sacad, qodobada kala ah 452 iyo 470 ee xeerka ciqaabta guud oo la xidhiidha wax u dhimid sharaf qofeed.

Markii guddoomiyaha maxkamadda degmada Berbera uu ku dhawaaqay go’aanka xukunka dacwadda ku lidka ah Axmed Cabdillaahi Sacad oo ay eeddiisu ku salaysnayd in uu wax u dhimay sharafta gabadh aan meher ugu xidhnayn, ayaa isla maxkamadda dhexdeeda uu ninkaas wax jeclaaday kaga dhawaaqay in laga bilaabo saacadda la xukumay oo ahayd 11:00 subaxnimo ee maalintii Salaasadii uu gebi ahaanba cuntada ka soomay.

Qaar ka tirsan qaraabada ninkaas ayaa Weriyaha Jamhuuriya ee Berbera Maxamed Ismaaciil Cumar u sheegay (M.Biid) in uu haba yaraatee diiday in uu cuno raashinkii ay ugu geeyeen xabsiga.

In ka badan 100 qof boqol oo ah saaxiibadiisa shaqada ee ay Axmed ka wada xoogsadaan dekedda Berbera oo ka mid ahaa dadweynaha dhegaysanayey dacwadda ayaa si buuxda ugu taageersanaa jacaylka saaxiibkood, kuwaas oo intii aan la xukumin ka hor ku ballan qaaday in ay iyagu bixinayaan dhammaan kharashka ku baxaya guurka iyo arooska saaxiibkood, haddii ay oggolaato gabadhu, ayaa waxa lama filaan ku noqotay go’aanka ay maxkamaddu ku dhawaaqday ee ay hal sanno oo xadhig ah ku xukuntay saaxiibkooda jacaylku ku habsaday. Raggaas ay isku shaqaalaha yihiin Axmed Cabdillaahi Sacad waxa ay ku hawlan yihiin sidii ay xabsiga uga soo dayn lahaayeen saaxiibkood, isla markaana ugu iibin lahaayeen qiimaha xadhigga halka sanno ah ee lagu xukumay.

Maxkamaddu waxa kale oo ay sii daysay gabadha dhibanaha ah ee uu jacaylkeeda xadhigga u galay Mr. Axmed Cabdillaahi Sacad, taas oo Isniintii toddobaadkan maxkamadda degmada Berbera ku xukuntay saddex bilood oo xadhig ah, ka dib markii ay ku kacday falal ixtiraam darro maxkamaddeed ah, iyo iyada oo maxkamadda dhexdeeda kula dagaalantay ninka sida weyn u jecel, waqtigaas oo dhegaysiga dacwaddaasi ka socday maxkamadda degmada Berbera.

Mr. Axmed Cabdillaahi Sacad, ayaan isaguna wax garawshiiyo ah uga helin jacaylkiisa uu gabadha kaga daba dhacay dad badan oo ay ka mid yihiin qoyskiisa iyo xigtada ay gabadha la jeclaaday ka soo jeedo. Waxaana dad badan oo si dhaqami ah u fikirayey ay garawsan waayeen in uu ka dhab yahay jacaylka culus ee uu sheegay in uu Axmed u hayo inanta ay isku degaanka yihiin, kuwaas oo ku tilmaamay in aanu fayoobayn oo ay maskaxda wax uga dhiman yihiin, isla markaana ehelada gabadhaasi ay si weyn uga cabsi qabeen in uu ninkaasi gabadhooda kula kaco falal dil ah, iyaga oo ka shaki qabay in aanu fayoobayn. Hase yeeshee, qoraalo uu Axmed Cabdillaahi Sacad u gudbiyey maxkamadda waxa uu ku caddeeyey in uu caafimaad qabo oo aanu haba yaraatee qabin wax xannuun maskaxeed iyo mid jidheed ah toona, isla markaana waxa uu sheegay in aanay ka suuro-gelayn una quudhi karin in uu duullaan uu ku dilayo ku qaado gabadha uu jecel yahay.

“Ma ihi nin xiskiisa wax u dhiman yihiin umana socdo dil iyo duullaan toona, balse waxaan ahay nin ay naftiisu ku hanweyn tahay wada noolaanshaha gabadha aan jecelahay,” sidaa waxa uu Axmed ku yidhi qoraalka uu maxkamadda u gudbiyey.

Waxa kale oo uu sheegay in dad wax ma garato ah oo xaasidiin ahi dacaayad iyo borobogaando ka dhigteen arrinta jacaylkiisa, isla markaana ay dadkaasi fidiyeen dacaayada ah in ay maskaxda wax uga dhiman yihiin iyo in uu u socdo in uu gabadha dilo.

 



 

 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.