Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

Dhacdadii Sabtida ee Laascaano: Warbixin Suxuufi .

Wariye ka tirsan bahda Yamayska oo ka mid ahaa wariyeyaal Axadii booqday Laascoono, ayaa ka diyaariyey warbixintan


©  Laascaanood online

Xaafada isbitaalka dhexe ee Laascaanood.

Laascaanood,Somalia,13 December 2002 —Laascaanood: Subaxnimadii Axadda ayaan galnay Laascaano, markii aan tagnayba makhaayaddii quraacda aan u fariisanay waxaa aad loogu hadal hayay dhacdadii maalintii ka horaysay ee iska hor imaadka. Dhawr nin oo makhaayaddaas ka quraacanayay ayaa ka doodayey sida dagaalku u dhacay.

Mid ka mida odayaal ka qayb qaadanayey fadhi-ku-dirirka ayaa is-barbar-dhig ku sameeyey cayrintii Col. Jaamac ee Garoowe iyo tii Riyaale ee Laascaano, wuxuuna soo qaatay waxyaalaha ay isku midka ka ahaayeen. Abaaraha 9kii aroornimo ayaanu tagnay xarunta Idaacadda Laascoono oo ah idaacad dadku aad u dhagaysto si aanu u helno cid gacan nagasiisa xog-raadintayadii. Agaasimaha idaacaddaas, Faysal Jaamac, ayaa gacan naga siiyey sidii aanu u heli lahayn xogta aanu u baahanahay.

Ugu yaraan sagaal wariye oo ka kala socda qaybaha warfaafinta Somaliland iyo qaar dibadda ah oo BBC-na ku jirto oo baabuurkii siday uu ka cararay ayaa kamid ahaa waxyaalihii aanu markii u horaysay la kulanay, wariyeyaasha oo badankooda aanu is waji iyo magac garanaynay ayaanu gacan ka gaysanay, si nadadi ku dheehantahay, sii bixitaankoodii Hargaysa. Intaas kadib, waxaan tagnay gurigii laga saaray Daahir Riyaale.

Waa guri wayn oo qurux badan oo ku yaala labo buurood dhexdood, agagaarka guriga oo dhan waxaa ka muuqday khasaarihii iyo burburkii xabadihii la isku waydaarsaday maalin ka hor.

Dadkii dariska ahaa ayaa noosheegay in ay ku farxeen markii ay arkeen wafdigii oo ka huleelay magaalada iyo xabaddii oo istaagtay. Intii aanu maraynay magaalada dhexdeeda waxaa noo muuqanayay dad dhalin-yaro u badan oo qoryo sita, waxaana nalooku macneeyey in dadku ka cabsi qabo rogaal-celin kaga timaada dhinaca Soomaaliland. Sidoo kale ciidanka Daraawiishta Puntland ayaanu marar badan arkaynay iyaga oo maraya magaalada dhexdeeda.

Dadka aanu la kulanay oo badanaa aanu wax ka waydiinay sidii wax u dheceen ayaa noosheegay in markii wafdiga Riyaale soo galeen magaalada abaaraha 10:00kii barqonimo xabaddu bilaabatay, balse ay xoogaysatay markii wafti ka socday Puntland soo gaaray halkaas qiyaasta 2:00dii duhurnimo, kadibna dagaal afar saacadood socday looga saaray magaalada wafdiga Daahir Riyaale. Inta badan dadku waxay muujinayeen inay ka go’an tahay Puntland-nimadu.

Mar aanu suuqa dhex maraynay ayaa waxaa dhawr jeer dhagahayga ku soo dhacay “Puntland ha noolaato,” oo dad caadi ah ay ku dhawaaqayeen, taas oo aanu u fahamnay farxad maanta u gaara reer Laascaano.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka, degmada, wasiiro iyo xildhibaano ayaanu la kulanay oo waraysiyo la yeelaynay. “Puntland cidna ma gardaraysato, xudduudeheedana kama talowdo, nimanka maamulka sheeganaya ee waqooyiga waxay dhulka ku hayaan dhibaato, dadkii bay isku horkeeneen, beesha caalamkana waanu la socod siinaynaa…,” sidaas waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Xasan Maxamuud Dhiillood.

“Somaaliland, waxaan u aqaan dhulka Soomaaliya oo dhan ... nimankaasi waa qabiil maamul samaystay, halkaanna kama talin karaan,” waxaa sidaas yiri Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Puntland Saleebaan Cabdi.

“Waxa dagaalamay waa ciidankii Puntland ee magaalada u dhashay,” sidaas waxaa isna yiri Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha Axmed Aadan Carab. “dagaalkani shalay kaliya maahayn, wuxuu halkan ka soconayay muddo 4 bilood iyo dheeraad ah...xoog iyo awood baa looga saaray isagoo kabna lulaya kabna laalaadinaya ayuu ka baxay gobolka,” Guddoomiyaha gobolka Sool Axmad Xasan Bille ayaa asna sidaas yiri.

Axmed Cabdi (Laangare) oo ah kuxigeenka duqa magaalada ayaa isna wuxuu yiri “gobolka waa lagu soo duulay, wuuna is difaacay.” Iidle Maxamed Golongol oo kamida odoyaasha deegaanka Laascaano ayaa yiri, “anagu shalay ayaa iyada oo waa san noo baryey, waxaa noosoo galay nin la yiri waa madaxwayne, waxaan u aragnaa gardaro cad oo nalaku soo duulay inay tahay, baryahan oo dhan-na waa nalaku hayey.

Gobolku guud ahaan waa xasiloonaa, waxaana muuqatay inuu diyaar ugu jiray sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerar kasta oo banaanka uga yimaada. Sidoo kale, waxaa muuqatay in dhacdadii Sabtidii ay meesha ka saartay sheegashadii reer Soomaaliland ee gobolka Sool.

Xigasho Wargayska Yamayska oo Taladdadii kasoo baxay Gaalkacyo

Laascaanood,Somalia


SOMALIA: Urgent measures needed to save peace talks, says report.

NAIROBI, 13 Dec 2002 (IRIN) - Urgent measures needed to save peace talks, says report.

The Eldoret peace process represents Somalia's best chance for peace in many years, but still faces considerable difficulties, says a report released this week by the Brussels-based International Crisis Group (ICG).

Based on a number of visits to Eldoret in November, the ICG calls for urgent measures to save the peace process from what it describes as the verge of collapse.

The report urges visible and sustained international political support for the conference, including willingness to enforce the arms embargo and to impose sanctions on faction leaders who hinder the peace process. It says that rivalries between regional powers will have to be addressed, and that conference management must be improved.

The talks are taking place under the auspices of the regional body Inter-Governmental Authority on Development (IGAD). Kenya, Djibouti and Ethiopia make up the IGAD technical committee which is piloting the talks under Kenyan chairmanship.

The conference has now moved into its second phase, involving the work of six technical committees on core issues such as federalism, disarmament and property rights. Informed sources told IRIN that the technical committees had held meetings earlier this week but that the committees lacked a quorum as wrangling continued over the allocation of seats.

A number of participating groups have complained not only about seat allocation on the committees, but also about the management of the conference. They accuse the IGAD technical committee of continually shifting the goalposts.

The conference was suspended for four days on Wednesday, owing to a Kenyan public holiday on Thursday. It is due to resume on Monday.

Full report
[ENDS]

Eldoret,Kenya


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.