|
SOMALIA: Mogadishu ceasefire declaration signed
.
Eldoret,Kenya,04 December 2002 - Somalia's Transitional National Government (TNG) and five Mogadishu-based factions have signed a joint ceasefire declaration committing themselves to ending violence in the Somali capital.
The breakthrough came on Monday as the Somali peace talks, underway in the Kenyan town of Eldoret, entered a crucial second phase which could lead to an all-inclusive government.
Under the declaration, the sides agreed "to cease all kinds of hostilities now and in the future". They also committed themselves to "fighting bandits and armed militias who have been killing and abducting innocent people". They agreed to resolve existing political differences "through dialogue and goodwill".
Furthermore, the Somali leaders condemned "in the strongest terms possible all forms of terrorism" and expressed shock and sadness over the terrorist acts in Mombasa, Kenya, the declaration said.
A Somali observer in Eldoret told IRIN the accord was significant "if the signatories are sincere and carry it out".
"This deal has the potential to move the Somali peace process significantly forward," he said. "If peace can be achieved in Mogadishu, then peace is possible in Somalia."
A Mogadishu businessman, Muhammad Ahmad, told IRIN that people in the city had received news of the declaration "but are not celebrating yet".
"We have seen too many agreements and none of them has produced any results," he said. "I think we will wait until we see the [TNG's] police and the various militias mounting joint patrols to rid the city of the menace of bandits and freelance militias. Only then will Mogadishu residents celebrate."
Those who signed the declaration included TNG Prime Minister Hasan Abshir Farah, Transitional National Assembly Speaker Abdullah Derow Isak and prominent Mogadishu-based faction leaders such as Husayn Muhammad Aydid, Muhammad Qanyare Afrah, Muse Sudi Yalahow, Usman Hasan Ali Ato and Umar Muhammad Finish.
.
IRIN
Damaca Riyaale iyo Danta reer Sool iyo Sanaag keebaa guulaysan doona(Faalo).
Laascaanood,Somalia,04,December:-Marka la iska indho tiro xaqiiqda ah in Soomaalidu wali dhex dabaalanayso dhiigii isaga daatay dagaalka sokeeye ee wali aloosan; marka la iska indho tiro in dadka reer Sool, Sanaag iyo Buuhoodle yihiin dad Soomaaliyeed oo u fakara sida dhigood Soomaalida kale, kana soo jeeda beel kamida beelaha ugu balaaran Soomaaliya tiro ahaan, lehna masaaxada ugu wayn degaan ah ee Hartiga; marka la iska indha tiro in Sool, Sanaag iyo Buuhoodlle ay yihiin dadkii dhidibada u aasay gumaystihii aduunka ugu xooga weynaa ee ingiriis(Daraawiish),marka la iska indha tiro in dadka SSH dadkii naftooda u huray gobanimada maanta Soomaali hadhsanayso ,marka la iska indha tiro inay ahaayeen dadkii ugu horeeyey ee taariikhda Afrika lagu garaaco diyaaradaha dagaalka ee ingiriiska,oo la iska indho tiro inay qayb libaax ka soo qaateen dhismihii qaranka soomaaliya,dib u heshiisiintii beelaha waqooyiga wada dega,dhismihii dawlad goboleedka Puntland,ayaa waxaa hubaal ah in is indha tirkaasi haadaan weyn uu horseedayo.
Dhanka kale ee mucaadaladana (formulada), marka maamulka Somaliland uu iskuqanciyo in ay reer Sool, Sanaag iyo Buuhoodlle ka dhaadhicin karaan in ay nasabaddooda iyo waaqicooda dhaqan ka guuraan iyaga oo arintaas asaas uga dhigaya xudduud uu isticmaarku dhigay, asalkana uga-gol-lahaa in uu ku kala qaybiyo Soomaaliwayn. Marka aad isku miisaanto labadaas dacal ee mucaadalada, waxa si fudud jawaab loogu heli karaa su’aasha ah: maxay Soomalidu u dhamayn la’yihiin khilaafaadka ba’an ee ka dhexeeya? Sida dhabta ah mucaaddaladu ma miisaan-na, waxana ay dacalladeedu u kala fogyihiin inta ay kala fogyihiin waaqica iyo riyada. Siyaasaddii marxuum Cigaal ala ha u naxariistee ee ku wajahnayd qaddiyadda Sool, Sanaag iyo Buuhooddle ayaa waxa si wayn looga dha-dhansan karay in ay illaa xad ku xirnayd xaalladaha siyaasadeed ee ka taagnaa Somaliland iyo aqoonsi la’aanteeda, iyo tan ka taagnayd guud ahaan Soomaaliya oo dhinacna u dhici wayday. Cigaal waxa uu mar walba ahamiyadda siin jiray in ayan mandiqada waqooyiga Soomaaliya la mid noqon kuwa koonfurta,oo dadka wada dega gobolada waqooyiga soomaaliya ku wada noolaadaan nabad, sidaa darteedna waxa uu in badan ka war-wareegi jiray tallaabooyin uu hadda Md. Riyaale Kaahin u qaado si laab-lakac iyo bisayl la’aani ku dhanyihiin.
Aad ayay u haboon tahay in wax laga barto sooyaalka, lagana faa’idaysto nasiib-xumooyinka laga dhaxlay koonfurta Soomaaliya ee salka ku haya is-damaacinta iyo si-xun wax-isaga-raadiska. Mar haddaanu ognahay in fikirka maamulka Puntland ku salaysan yahay mabda’a Awrkaagu haku qaado, waxaa kan Soomaaliland la gudboon in uu haddii uu san wax wanaag ah ku soo kordhin karin xaalka murugsan ee dalka, uusan ugu yaraan uga darin goobaha xassilloon ee Puntland iyo Soomaaliland.
Ururka UDUB oo magacaabay Xoghayaha Guud iyo Cabdi Aw-Dahir oo ku adkeystey inuu yahay Xoghayaha Ururka ee Sharciga ah.
Hargeysa,Somalia,04 December 2002-Guddida fulinta Ururka siyaasiga ah ee UDUB ayaa xoghaye guud oo ku meel gaadh ah maanta magacaabay. sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay guddida fulinta ee UDUB soo saareen waxa xoghayaha guud loo magacaabay Mr.Maxamed Ismaaciil Bulaale (Dhega-weyne) oo ka tirsanaa ururka ASAD, kaas oo uu dhawaan ka baxay kuna biiray UDUB.
Isla markii uu soo baxay warkaas sheegaya in Maxamed Ismaaciil Bulaale loo magacaabay jagaadaa ayaa Dr.Cabdi Aw Daahir[Xoghayihii UDUB ee xilka laga qaaday] waxa uu sheegay in uu yahay xoghayaha guud ee ururka UDUB ee sharciga ah isla markaana cadeeyey in aanu ka tanaasulayn goaankii uu hore ugu dhawaaqay ee ahaa inuu isu soo taagayo tartanka jagada madaxweynenimo ee ururka UDUB.
Shir jaraaid oo uu Dr.Cabdi Aw Daahir ku qabtay gurigiisa Hargeysa Caawa fiidkii, (Isniin)waxa uu ku sheegay inuu dacwad la xidhiidha sifaha ay xilka kaga qaadeen guddida fulinta ee ururka UDUB, uu manta u gudbin doono guddida diiwaangelinta axsaabta siyaasadda iyo maxkamadda sare ee dalka.
Dr.Cabdi Aw Daahir, qoraal uu shirkaa jaraaid ka akhriyey oo uu kaga waramay arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin dhacdooyinkii ka dambeeyey ilaa maalintii uu ku dhawaaqay inuu isu taagayo tartanka murashaxnimada madaxweyne ee ururka UDUB, mawqifkiisa ku waajahan arrintaa, kulamo dhex maray isaga iyo madaxweyne Rayaale iyo tallo bixin guud oo uu u soo jeediyey hoggaanka sare ee ururka UDUB, waxa nuxurkeedu u qornaa sidan:-
14/11/2002, waxaan kulanay Rayaale iyaga oo odayaal ururka ahi na dhex joogaan waxaan isla garanay.
1...Inay labada dhinac wixii xiisad ururka ku keenaya ay dejiyaan.
17/11/2002, mar kale ayaanu kulanay odayaal ayaa na dhex joogay waxaan isla garanay mabda ahaan in aan arrinka dhammayno balse farsamo ahaan wax cad meel maanaan wada dhigin.
23/11/2002. Waxaan kulanay markii saddexaad labadayada oo kaliya aniga maqifkaygii wuxuu ahaa.
1...Inaan wanaag arrinka ku dhamayno.
2...Inaan ahay xoghayihii guud ee sharciga ah
3...Inaan si xalaal ah baratanka murashaxnimada u galo ee ururka Dhexdiisuna dhiniciisa uma qudh qudhsamin in aniga iyo cid kale midna isla soo taago murashaxnimada ururka gudihiisa. Halkaas ayay aragtidayadu ku kala duwanaayeen.
Caddayn:-
Sidaa darted waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ahay:-
1...Xoghayaha guud ee UDUB ee sharciga ah.
2...Inaan u tartamayo murashaxnimada ururka UDUB gudihiisa ee madaxweynenimo.
3...In ay ciidamada xarunta la keenay iyo awoodda laygu Isticmaalayo tahay xaaraan iyo sharci daro.
Tallo bixin:-
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sharciga ayaa u ogolaaday inuu xilka qabto,markii uu geeriyooday madaxweynihii horee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waqtigaas qofka lama eegayn ee sharciga ayaa la eegayay.
Waxaanu ahaa xalkii ugu fiicnaa waana la wada taageray. Manta doorashada soo socota sharcigu uma ogala oo keliya Mudane Rayaale, sharcigu wuxuu u ogolyahay qofkii Somaliland ee shuruudaha buuxiyey.
Waxaana u baratamayaa xisbiyada kala duwan xisbiguna gudihiisa wuu ku baratamyaa. Haddaba, waxaan kula talinayaa ururka UDUB inuu soo doorto xul uga qayb qaata tartanka baratanka murashaxnimada madaxnimada madaxweynenimo si uu xisbigu u guulaysto.
Mudane Daahir Rayaale waxaan u soo jeedinayaa:-
1...Inuu ka tanaasulo dhawaaqida murashaxnimo oo uu ku eekaado xilka sharafta leh ee madaxweynenimo ee sharcigu u igmaday ee ku eeg 23 Feb.2003.
2...Inuu ciidamada ka qaado xarunta ururka UDUB oo ay yeelato muuqaal xarun urur ama xisbi ee aanay u eekaan xarun ciidan.
3...In aanay jirin xubno golaha dhexe ah ee aan ahayn kuwii sharciga ahaa oo tiradoodu dhantahay 90 xubnood oo aan ahayn kuwii sharciga ahaa, ma jiraan xubno ILAYS ah oo golaha dhexe ee UDUB ku biiri karaa ilaa la qabto shirweyne.
Baaq:-
Waxaan ku baaqayaa oo aan ogaysiinayaa bahweynta UDUB in la qabto shirweyne aan caadi ahayn January 3-deeda sida xeerka ururka bannaynayo ee ku cad Qodobkiisa 223aad.
Saxaafaddu waxay halkaa su'aallo ku weydiisay Dr. Cabdi Aw-Dahir oo weli ku adkeysanaya inuu yahay Gudoomiyaha Guud ee uruka UDUB.
Su'aal Saxaafadda:- Waxaad sheegtay in aad Madaxweynaha kulanteen dhawr jeer, miyaad isla fahmi waydeen in midkiin ka tanaasulo Musharaxnimadda UDUB?
Jawaab Dr.Cabdi:- Haa, isagu [Riyaale] waxa uu i leeyahay waa in aan ka tanaasulaa, kelmadaas aad sheegtayna ka dhaqaaq, anna waxaan leeyahay waxa aan xal u arkaa in aanan ka tanaasulin, codna la igu tanaasuliyo, inta aan doono aan helee, waana baratan siyaasi ah. Taa waanu isku afgaranwaynay waxaanan damcay in uu aad ii qanciyo oo waaka yidhi; laba nin kuma wada beratami karaan meesha.
Su'aal Saxaafadda:-Ma jirtaa in laguu soo jeediyey in aad xoghayenimada ka tanaasusho oo aanad wadi Karin ololihii ururka, una madax bannaanaato murashaxnimadaada?
Jawaab Dr.Cabdi:- Marka hore kaambayn Manager maan ahayn ee labadayaduba xoghaye iyo guddoomiye ayaanu isu ahayn, wax naga mamnuucayaana ma jiro labadayaduba xaq baanu u leenahay. Iima soo jeedin[Rayaale] taas ee waxa uu yidhi; shir jaraaid ku sheeg in aad ka tanaasushay murashaxnimadaada,markaa waxaan ku idhi ka tanaasuli mayo murashaxnimada.
Su'aal Saxaafadda:- Dr. Cabdi, waxaad sheegtay in aad arrintaada u gudbinayso guddiga diiwaangelinta iyo maxkamadda hadda, maxaad hore ugu gudbin wayday?
Jawaab Dr.Cabdi:- Marka ugu horraysa waxa weeye ergada waa inaad badisaa oo iyada oo lagaa gardaranyahay ummadda aad tustaa, waxaanu ku heshiinay in aanu labadyadu (Dr.Cabdi Aw Daahir iyo Madaxweyne Rayaale), Afar jeer ayaanu kulanay aniga ayaa badinayay ergada oo lahaa waar aynu wada hadalno oo is qancino, markaa waxay ahayd inaanu gudahayaga is qancino.
Su'aal Saxaafadda:- Dr.Cabdi, waxa aad sheegtay in xoghaye guud la magacaabay, noo sheeg sida uu sharciyan ku geli karo ururka?
Jawaab Dr.Cabdi:- Wallaahi, waa sharcidaro, sharcigu wuxuu odhanayaa shirweynaha kalfadhiga koowaad ka dambeeya ayaa waxa lagu dooranayaa xogahayaha guud, waa marin habaabin oo sidii markii hore madaxtooyada la igaga soo yidhi, waa lagaa eryay, ayaa la yidhi xoghaye guudna guddiga fulinta ayaa magacaabay, waa sharcidaro, waanan hubinayaa magaciisa, laakiin Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa la magacaabay ayaa la yidhi
Source:Somaliland news
|
|