Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

MAALITA AIDS-KA ADDUUKA OO SI WEYN LOOGA XUSAY MAGAALADA LAASCAANOOD .


©  Laascaanood online

Laascaanood VS AIDS.

Laascaanood,Somalia,03 December 2002 —1da December oo ah maalinta AIDS-ka addunka ayaa si weyn looga xusay magaalada Laascaanood. Xuskan oo ay sida ay noo soo sheegtay Faa,isa Cabdi Dhalac ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan laamaha bulshada sida ardayda,dalada haweenka ee Hanaqaad, ayaa waxa soo qabanqaabisay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed laanta Laascaanood.

Madaxa bisha cas ee Laascaanood Axmed Maxamuud Warsame(Daakir),oo ugu horeynba ka hadlay munaasabadaas oo lagu qabtay barxada ka horeysaXarunta Hooyada Iyo Dhalaanka ayaa ka hadlay dhibaatooyinka uu cudurknai ku hayo caalamka iyo sida uu gaar ahaan ugu sii fidayo qaarada Afrika.

Khadiija Yuusuf oo iyadu u qaabilsan dhinaca caafimaadka bisha cas ayaa waxay ka faalootay sida la isugu gudbiyo cudarkan dilaaga ah iyo sida looga hortegayo.

Waxaa iyana halkaas hadalo dhiiri gelin ah ka soo jedisay Gudoomiye ku xigeenka ururka Hanaqaad Weris Cali Warsame oo khaas ahaan dumarka uga digtay inay si gaar ah isu ilaaliyaan.

Waxay dadkaasi iyagoo ku dhawaaqaya ereyo lid ku ah cudurkaa dilaaga ah socodkooda ka bilaabeen xarunta bisha cas,iyagoo socod ku soo maray dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada,si ay uga digaan dadka inta ay ku yar tahay alaka-cabsigu khatarka uu cudurkani leeyahay.

Viruska cudurka Aidska ayaa aad ugu fidaya qaarada Afrika,khaas ahaan Bariga Afrika,iyadoo wakhtiyadii ugu danbeeyey laga dayriyey Soomaaliya sida xawlig aah ee uu cudurkani ugu baahayo.

Magaalada Laascaanood ayaa waxa Viruska keena cudurka Aidska ee HIV lagu arkay dhowr qof,inkastoo sida ay dhakhaatiirtu qabaan aan loo sheegin dadkaas inay cudurka qabaan,maadaama aanay jirin meel lagu xanaaneeyo.

Faa,isa Cabdi Dhalac,Radio Laascaanood,Laascaanood


CabdiQaasim oo u yeertay ragiisa Eldoret Jooga.


©  Laascaanood online

C/qaasim oo u yeeray Xasan Abshir iyo dhamaan waftiga DKMG.

Muqdisho,Somalia,03 December 2002 —Cabdiqaasim Salaad Xasan madaxweynaha DKMG ah ayaa ku amray raggiisa jooga Eldoret inay deg deg ku soo galaan Muqdisho, war uu soosaaray Cabdiqaasim ayuu ku sheegay in ay u yimaadaan la Tashi Muqdisho Xasan Abshir Faarax, Cabdalle Deeroow Isaaq, Jaamac Kaluun iyo rag kale.

Fariinta Cabdiqaasim markii ay gaartay Eldoret ayaa Xasan Abshir uu u tagay gudoomiyaha gudiga IGAD ee shirka Mwangale, waydiistana inuu aadayo Muqdisho isagoo sabab uga dhigay wada tashi ay la soo yeelanayaan Cabdiqaasim, Xasan Abshir ayaa isla markaana ku eedeeyay gudiga IGAD in dadka ay u kala eexanayaan oo ay shirkaba ka baxayaan haddaan eexda la joojin waa sidda Xasan uu u dhigay doodiisee.

Mwangali ayaa wuxuu ugu jawaabay marba noogu hanjabi maysaan waan ka baxaynaa shirka wax kasta oo aad dalbateen ayaan idiin samaynay, idinka (DKMG) ah ayaa noola yimid inaad qabiil ku qaybsataan ergada iyo gudiyada, haddana idinkii baa eed sheeganaya markaan idin niri oradayoo qabiil ku soo qaybsada oo aan tiinii raacnay, wuxuu Mwangale Xasan Abshir u sheegay inuu keensado liiska dadka u baxaya Muqdisho, isagoo u sheegay inuu diyaarad u diyaarinaynayo sidda ugu dhokhso badan, Xasan Abshir ayaa jawaabtaasi waxay ku noqotay mid lama filaan ah, wuxuuna Xasan dalbaday wakhti in la siiyo si uu ragiisa ula soo tashado.

Waxaa jira warar durbadiiba soo baxay oo tilmaamaya raggii ergada kooxda Carta oo ku kala qaybsamay ku noqshada Muqdisho, Cabdalla Deeroow Isaaq ayaa warar Caawa la isla dhex marayo Eldoret sheegayaan inuu diiday inuu Muqdisho ku noqdo, waxaana wararka qaar sheegayaan inuusan mawqifkiisu wali cadayn inuu baxayo iyo inuu joogayo.

Xasan Abshir iyo Jaamac Kaluun ayaa midba kan kale fiirsanayaa inuu baxo, waxaa wali caawa shir ku jira ergada kooxda Carta oo inta badan doodoodu tahay Xamar waa aadaynaa iyo aadi mayno.

Baddi ragga ka soo jeeda beelaha aan ahayn beelaha hubaysan ee Muqdisho ayaa u muuqda kuwo aan doonayn inay Muqdisho ku noqdaan marka laga reebo ragga damacu wado.

Mid ka mid ah ergada DKMG ah oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa AllPuntland u sheegay Xassan hadduu baxo in Cismaan Kalluun uusan baxayn si uu hogaaminta ergada ee shirka Xasan ugala wareego, Xassan hadduu joogase, Cismaan waa bixin oo rajuu ka leeyahay haddii Xasan diido inuu baxo in booskiisa Cabdiqaasim ku magacaabo, ninkaas ayaa intaas ku daray in Cabdalle Deeroow mawqifkiisa shaki ku jiro oo uusan ogayn inuu yeelayo inuu baxayo iyo inuu diidi doono u yeerida Cabdiqaasim ee Xamar.

Isku soo duuboo u yeerida Cabdiqaasim ayaa ku soo beegantay maanta markii uu shirku ka baxay caqabadii maalmihii la soo dhaafay hortaagnayd uuna furmay wajigii labaad ee shirka, tilaabadaan kooxda Cartana waxaa loo arkay mid caqabad kale looga dhigayo miro dhal uu yeesho shirku iyadoo wajigii koowaad ilaa kan labaad inta badan caqabadaha shirka ka hor imanayay ay ka i´manayeen taageerayaasha Cabdiqaasim oo horay loogu sameeyay nataasulaad badan.

Salax Xuseen Warsame (Warsame Yare)
AllPuntland Eldoret

Source:AllPuntland.com


SOMALIA: Talks move into Phase Two.


©  Laascaanood online

Phase Two.

Eldoret,Kenya,03 December 2002-Phase Two of the Somali peace talks underway in Eldoret, Kenya, is expected to begin on Tuesday, a source close to the talks told IRIN on Monday.

He said the nomination of members to the six technical committees which will work on core issues of the Somali conflict had been finalised. "We are busy registering the committee members today," he said. "The committees will then start their work tomorrow."

The committee phase of the talks has been held up by wrangling over the allocation of seats to the committees and to the plenary sessions of the talks.

The committees comprise federalism and a provisional federal charter; demobilisation, disarmament and reintegration; land and property rights; economic institution-building and resource mobilisation; regional and international relations; and conflict resolution and reconciliation.

They are due to produce recommendations on these fundamental issues identified by the peace conference.

At least seven experts in various fields have been seconded to the talks by donors and the World Bank to help the various committees "discharge their committee assignments", the source told IRIN. They include constitutional and economic experts.

He said more experts were expected to arrive within the next few days "so that all committees will have the necessary advice in the conduct of their deliberations".

Source:IRIN


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.