Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
MISOY GROUP
 
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
SOOMAALAY HA LA DUCAYSTO......... .

27 Jan, 2004:

A/Calaykum Waraxmatulaahi

Waxa fooda inagu soo haysa Ciidul udxa, inagoo og xaalka Soomali ku sugantay meel kasta oy joogtaba. Waxa ina soo maray lix iyo labaatan sano oo dagaal iyo colaad ah, ilaa laga soo bilaabo 1977. Ha leys dhaamo, waxaad se moodaa in cadhada Illaahay magaca Soomali dul saarantay. .

Waxaad maqlaysaa dagaalada ka aloosmay Kilinka Shanaad ee la xidhiidha doorashooyinka, waxa iyana taagan colaad dhex taal Somaliland iyo Puntland.Waxa sidoo kale maalin walba la soo sheegaa dhiilo taabanaysa Koonfur oo dhan min Kismaayo ilaa Gaalkacayo. Waxa aynu aragnaa kala daadsanaanta qurba joogta, oo ku nool derajada ugu hooseysa meel kasta oy joogaanba. .

Waxa inala gudboon inaynu ciiddan, ducada kordhino, qalniinka badino oynu masaakiinta dhergino. Waa in meel kasta xoolo la qalaa oo xaafad waliba ay meel isku uruursataa ooy cuntada iyo ducadaba la wadaagaa. .

Waa in ducada laga abaabulaa shanta Soomaaliyeed: Somaliya, Somaliland,Puntland, Jabuuti, Kilinka iyo NFD, iyo weliba qurbaha.:
Nimanka tartanka ugu jira Shirka Kenya, waa inay u ambabaxaan dhinaca ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee Waqooyiga Kenya. Salaadda iyo cuntadaba waa inay dadkaas la wadaagaan. Isla markaas Somalida ku nool Eastleigh, Nairobi, waa inay duco ay u dhan yihiin sameeyaan oy taajir iyo faqiirba wadaagaan.
Waa in nabad, caafimaad, roob, isfaham, iyo barwaaqo lagau ducaystaa.
Waxa la gudboon culumadu inay is abaabulaan, oy masaajidda ka duceeyaan, seddexda maalmood ee Ciidana ay subaxa iyo maqribkaba qunuud dadka ku tukiyaan. Baryada Illaahay ha la badiyo, sadaqadda ha la badiyo, salaanta ha la badiyo, qalbiga ha la nadiifiyo, Tawba ha la dheho, oo Illaahay ha la baryo in xaalka aynu ku suganay mid ka fiican dhammaanteen ina siiyo meel kasta oynhu joognaba.
Sidoo kale Muslinka dhammaantii meel ay joogaanba Illaahay ha u gargaaro, oo ha derajeeyo, Illaahay dhibaatada ummadda Falastiin saaran ha ka dul qaado.Illaahay naxariis iyo dambi dhaaf aynu ka barino.
Wa salaamu calaykum, wa raxmatullah..

ahmed_arwo@yahoo.co.uk.

Updated: Jan,27 2004

DISTRIBUTED VIA LAASCAANOOD.COM

CIID WANAAGSAN!!!!!!CIID WANAAGSAN!!!!!!!!CIID WANAAGSAN!!!!!!CIID WANAAGSAN

Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.