Annagoo tixraacayna si buuxdana u taageersan dhowrkii baaq nabadeed ee hore uuna ka mid ahaa Baaq nabadeedkii labada Isim ee Garaad C/Qani Garaad Jamac iyo Garaad Cali Buraale ee ku wajahanaa labadda beelood ee dagaalladdu ku dhexmareen degaannadda iyo tuulooyinka hawdka( Dabataag ) oo ka mid ah Gobolka Sool, ayaa haddaanu nahay odayaasha, w/garadka, aqoonyahannadda, iyo culimadda beesha Bahararsame ee qurbajoogta ah ku baaqaynaa arrimaha soo socda:
-
In si wadajir ah loo joojiyo loona soo afjarro colaadda, dagaalka, xasilooni darradda iyo cadifadda cidhibxumadda salka ku haysa ee dhalisay in dad masaakiin ihi ku naf waayaan.
-
In arrimaha keenay isku dhac labadda beelood lagu dhameeyo wada hadal ku salaysan cadaalad, xaqsoor iyo isfahan ehelnimo maadaama ay yihiin dad wada dhashay oo dhaqan, dal iyo degaanba ka dhexeeyo oo aan kala maarmikarin.
-
Waxaanu si weyn u soo dhoweeynayna cid kasta oo ka shaqaynaysa xoojinta nabadgelyadda, adkeynta xasiloonidda, xormeynta derisnimadda iyo wada dhaqanka.
-
Waxaanu xasuusinaynaa Isimadda Beesha Sool/Sanaag/Cayn in xil culus ka saaran yahay sugitaanka nabadda labadda beelood loona baahan yahay in ay meel uga soo wada jeedaan geedsocodka nabadda kana hortagaan wax kasta oo duminaya nabadgelyadda iyo xasiloonidda degaanka oo keeni kara dhiig daata, khasaare, burbur iyo barakac.
-
Waxaanu si shuruud la'aan u soo dhoweynaynaa odayaasha iyo w/garadka u hogaaminayo General Cadde Musse ee u tafaxaytey si ehelnimo iyo islaanimo ku dheehantahay in ay wax uga qabtaan dhibaataddan ka aloosantay degaankaas iyagoo u xidhxidhan xaqijiinta xabad joojinta iyo raadinta xal rasmi ah oo waara.
-
Ugu dambeystii waxaanu dadaal gaar ah ugu jirnaa in kulan iyo baaq wada jir ah oo ka yimaada odayaasha labadda beelood ee qurbaha ku dhaqan u dhaco haddii ay suurtagasho taas oo saameyn macno badan ku lahaan doonta dejinta iyo soo celinta xasiloonidda labadda beelood ee ku sugan degaanka.
Waxgaradka Bahsame ee N/jecel kuna dhaqan qurbaha
|