Make your own free website on Tripod.com
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer Assiyaasiya, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
Welcome to Assiyaasa newspaper
 
 
ASSIYAASA NEWSPAPER
 
 
 

 

 

Welcome to Assiyaasiya news paper in Nairobi

 

 


                                               ASSIYAASA

                                NEWSPAPERS

 

Munaasabadle, TIR . 45aad , Kismaayo,Sabti , 22 Maarso,2003,

 waxaa soo saara Waamo Information Center, Tel:254-722723344,

 Email :assiyaasa_newspaper@yahoo.com

 

      Toddobaadkan & waxa ku soo kordhay Shir dib u     heshiisiinta      Soomaalida

     Guulo waaweyn ayuu gaaray shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda magaalada Nairobi ka dib markey fashilantay isku daygii ergada Group8 iyo TNG-da ay ku doonayeen iney Muqdisho ay dib ugu laabtaan , waxay ku baraarugeen in Mujtamaca caalamka ay ka go’an tahay in Soomaaliya dowlad loo dhisayo , fulinta iyo socodsiinta dowladdaasina uu mujtamaca caalamka dhabarka u dhiganayo , taasoo macnaheeda yahay in la qabanayo Koonfur Soomaaliya si hubka looga dhigo malleeshiyda hubeysan , dalkana lagu soo celinayo ammarka iyo  kala dambeynta , taasoo aheyd arintii ka maqneyd socodsiinta mirihii shirarkii hore ee dib u heshiisiinta , waxey kaloo ku baraarugeen in ciddii diida la horkeenayo maxkamadda dambiyada dagaal si loogu qaado xukunkii xasuuqyadii ay geysteen , lana dhacayo hantideeda , waxaa mar qura la arkay iyagoo is diiwaangelinaya ka dib markey horseedayaasha ergada TNG oo kala ah mudanayaasha Xasan Abshir faarax iyo Cabdalla Deerow ay yimaadeen xarunta KCCT, ka dib markey ka soo laabteen dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo horkacaya ergada TNG-da .

 

Waxey arintani niyad jab ay ku riday hoggaamiyihii kooxdii ka shaqeynaysay burburka shirka oo ugu dambeyn lafihiisa la cararay isla toddobaadkan , waxey kaloo niyad jab ay ku noqotay C/ Qaasim Saalad Xasan oo isagu rabay iney ergada TNG-da soo laabato , si markaa uu u yiraahdo baarlamaanka ayaa fariistay  oo u cusbooneysiiyey dowladdeyda iney sii shaqeyso muddo 3 sano oo kale .

 

Hadda waddada keliya ee furan uuna ku dhaqaaqay waxey noqotay tollo’ay Soomaaliya waa la qabsanayaa ee isu kaaya keena aynu shir ku qabsanee gudaha dalka  , dhowr casho ayey socotay teendho laga dhisay 21 0ktoobar  taasoo isaga iyo ururrada argagixisada (Al-islaax iyo Al- Itixaad ) ay ugu talo galeen iney halkaasi ku qabtaan shir hadafkiisu yahay in lagu fashaliyo shirka  hadda ka socda dalka kiinya .

 

Waxaa hordhac looga dhigay  shir uu ururka Argagixisada Al-Islaax uu ku qabtay magaalada Muqdisho oo ay ku magacaabeen shir looga tashanayo wax la yeelayo hadduu fashalmo shirka Nairoi, waxeyna ku magacaabeen mac-hadka istiraatiijiyada Muqdisho  ka soo ah halka  xummaanta iyo falalka argagixisnimo ay ku qorsheeyaan , iyaga hadafkooda waxa weeye  : (1) iyagoo ka baqaya in dalkooda hooyo (Itoobiya ) loo tarxiilo , haddii ay dhalato dowlad Soomaaliyeed oo argagixisada la dagaallanta. (2) in foowdo lagu noolaado si ay dalalka carabta ay sadaqo joogto uga soo qaataan magaca maatada ku tabaallowday dagaallada sokeeye.Waxaa kaloo toddobaadkan billowday muxaadarooyin iyo riwaayado loogu talo galay dhiiri gelinta geeddi socodka nabadda Soomaaliya

 

Mushkilad soo food saartay nabaddoonnadii TNG-da

 Xubnihii TNG-da  ee u ololeeynayey nabadda ka dib makii ay  ku gacmo sayreen qeybo TNG-da ka tirsan ka qeyb galka shirka oo  ay heshiis la galeen G8 , nabaddoonnada TNG-da  shir jaraa’id oo ay ku qabteen Nairobi waxey ku sheegeen  in TNG-da ay tahay dowlad dib u heshiisiin oo ay ka qeyb galayaan meel kasta oo dib u heshiisiin looga hadlayo , ma aha arin aan la aqbali karno iney TNG ay heshiis la gasho kooxo samo diid ah (G8),markey mowqifkaasi ay qaateen waxaa loo ogolaaday in degaan laga siiyo xarunta Mbgathi ( KCCT ) , nasiib xumo ayaase ku timi maalmo ka dib markuu Mudane Xasan Abshir yimi isagoo wata intii ka hartay ergada TNG-da oo uu la kulmay mudane Kiplagat oo ah shir guddoonka  oo uu u sheegay iney ergadiisa diyaar u tahay in shirka ku soo laabtaan , laakiin ay shardi tahay in laga saaro shirka  kooxda ka fallaagoowday TNG-da  isagoo ku waafaqay Mudane Max’ed Cabdi Yusuf oo hore u qoray ineyan matali karin kooxdaasi TNG-da , arintani Mudane Kipligaad wuu ka aqbalay sida ay u sheegeen Assiyaasa News papers Mudanayaasha kala ah c/qaadirxaaji Max’ed (Lugo-dheere ) iyo Maxamuud Maxamed Shiil, waxey kaloo intaa raaciyeen inuu mudane kipligaat uu u sheegay  iney iska sugaan inta uu ka billaabanayo wejiga 3aad ee shirka ,waxey kaloo sheegeen in arinta ku dhacday ayan sabab u noqoneyn iney ka laabtaan nabaddoonnimadooda .

    HAL Xiraalaha Toddobaadkan

Weli xerada  KCCT ee Mbagathi ka socda dadaal shirka dib u heshiisiinta  lagu fashalinayo , waxaa dadaalkaasi nin xerada caan ku ah inuu  adeegsado lacag la siiyo qeyb ergada ka mid , si ay shirka uga baxaan ,subax kastaa  wuxuu ka soo kallahaa Nairobi makuu gabaldhico-na wuxuu  u hoydaa Nairobi , markey ergada badankeeda ay ogaatay wuu baqay, laakiin Muqdiaho ayaa canaan kulul ay uga timi ayadoo lagu yiri kiinya waa lacag , ee wad howshii laguu xilsaaray , haddii aad aragto cid ku qabsata lacag adeegso , annagana na soo weydii  wixii aad u baahan tahay , wuxuu ku guuleystay hal qof oo ka tirsan cuqaasha inuu ka saaro shirka una direy Muqdisho toddobadkan , waa kuma ninkaasi ? 

 Toddobaadkan iyo khudbadii Shir Guddoonka Mudane Kipligaat.

Assiyaasa,

KCCT, Nairobi,Talaado,18/3/03

 Haddii aad booqato qoys Soomaali ah wey ku soo dhoweynayaan iyagoo kuu keena cunno iyo biyo, iyagoo aan ku weydiin inaad ooman tahay iyo inaad gaajeysan tahay? ,qoloda aad tahay? , meesha aad ka timi? ,inta aad joogeyso? iyo meesha aad ku socoto ? , waxey kaloo kuu diyaarinayaan meel aad seexato iyagoo aan ku weydiin inaan seexaneyso iyo in kale ?, laakiin waxaa jira hal shey oo lumay ( Nabad ) ,ma laga yaabaa inaad deeqsi ku noqotaan sida arrimihii aan ka soo hadlay aad deeqsiga ugu aheydeen oo kale .

Waxaad arkeysaa xubnaha hal qoys oo Soomaali ah  oo ku kala nool Itoobiya , Kiinya iyo Jabuuti , waxeynu nahay hal qowmiyad , waxaa jira dad badan oo burburiyey bariijyada  oo aynu noqono kuwo isku wada  mid ah oo markaa Geeska Afrika ay ka dhalato  Dowlad , qof kasta oo inaga mid ah waa inuu ka qeyb qaataa .

 Isniinta ee toddobaadka soo socda waxaan dhammeystireynaa qoraalladii 6da guddi ee farsamada, waa shaqo muhiim ah , guddiyadaasi waa iney shaqeeyaan habeen iyo maalin inta laga gaarayo xilliga kama dambeynta oo ah Isniinta  soo socota , saxid iyo is waafajin marka ay guddiga  farsamadda IGAD ay sameeyaan ayagoo la tashanaya Hoggaamiye kooxeedyada Soomaalida , ka dib  waxaan soo hordhigeynaa dhammaan egrada Soomaalida ayadoo la qaban doono xaflad tan la mid ah .

Ayadoo la raacayo tacliimaadka IGAD ina siisay waa inaan dhisnaa dowlad ku meel gaar ah , in muddo ah ayaan la tashi  wadnay,waa inaan fiiro gaar u yeelanaa innagoo adeegsaneyna deganaansho kana taxaddareyna wixii carqalad keeni kara .

 Dhammaan qoraaladii shirarkii hore ee dib u heshiisiinta iyo wixii ay ku fashalmeen  dhammaan  isku mid ayey noqdeen , waxaa dhacda iney dawlad idin qabato shir dib u heshiisiin  oo ay idin dejiso hoteello waaweyn , waxaa dhaceysay in la isu keeno dad aan waxba qaban karin ayadoo isla markaa laga soo tago dad muhiim u ah nabadda, muddo yar dabadeed waxaa dhaceysa in dowladdii marti gelisay ay tiraahdo wakhtiga iyo dhaqaalaha waa gabaabsi , lagu kala tegimaayo ayadoo aan wax la dhisin , markaa hoggaamiyeyaasha shirkaa isugu yimi talo ayey isugu laabaanyaan  iyagoo oranaya “waan heshiinay waxaan diyaar u nahay inaan  wax dhisno “ dabadeed qoraal ayey u diraan madaxweynaha dalka lagu shirayo : waxaan saxiixeynaa inaan  heshiinay , dowlad ayaan dhiseynaa ,markaa qalinkii ay heshiiska ku saxiixi lahaayeen waxaa u soo iibinaya wasiirka arimaha dibadda , saxaafadda caalamka hortood ayey ku saxiixayaan , BBC-da  habeenkaasi aad ayey mashquul u tahay waayo war muhiim ayey heysaa , markey dalka Soomaaliya ay dib ugu laabtaan qof kastaa meesha ay u joogtay ayuu ka sii wadaa howshii uu heyn jirey.

 Haddii dadaaladii hore ee nabad raadinta ayey hogag badan ku dhaceen , markaa waxaan is weydiineynaa halka ay ku yaallaan hogaggaasi ,si aan uga leexanno oo aynaan mar kale ku dhicin , fannaaniintii Soomaalida ee heysayay hadda waxey sheegeen iney Soomaalida ay bukto oo ay dhakhtar u baahan tahay , waxaan leeyahay dhakhtarka dawada Soomaalida hayaa Soomaalida ayuu ku dhex jiraa .

 Ma aha inaan  ka shaqeyno wax shakhsi , ama qabiil ama jifi hoose u dan ah  ,waa inaan  dhisnaa  arin qaran oo loo dhan yahay ,27kii Oktoobar waxaad saxiixdeen xabad joojin dowladda Kiinya iyo caalamka  wey ku farxeen , saxaafadda caalamkana wey sheegtay , ma dhaqan gashay mise maya ? maxaad sameeyseen ? waad jebiseen .

Haddii qoraal fudud  oo noocaas ah aad si fudud ugu xad gudubteen  wey igu adag tahay inaan madaxdeyda iyo caalamka u sheego iney hergelayaan wax kasta oo la saxiixo , waxaan sameeynay guddi indha-indheeya   dhaqan galka xabbad joojintii aad saxiixdeen , waxaa madax u ah Mijir Jeneraal Mosombo oo hadda inala fadhiya  waxaan halkaan ugu yeernay madaxdii Soomaalida ee  maqnaa , qof ka mid ah guddiga fulinta IGAD ayaan u dirnay xarinta UN-ta New York , si madaxda halkaasi uu kula kulmayo ugu sheego meesha wax marayaan.

                         Casharka Toddobaadka

 MAXEY  DAGAALADII  SOOMAALIDII  HORE AY  KA  BILAABAN JIREEN:

  Sida la og yahay Soomalidu weligeed dagaal u joogayey ahayd, haddaba su’aasha waxay tahay maxay dagaalladu ka bilaaban jireen?Sida runta ah dagaalladii dhexmari jirey Soomalidii hore waxay ka bilaaban jireen toddobo (7) arrimood oo nolosha Soomalidu ku dhisnayd midkooda:

(1-2 ) Geel iyo Caws , (3-4 ) Geel iyo Gabar , ( 5-6 ) Godob iyo Gardiid (7) Qab& kibir

Toddobadaa markaan mid kasta gaarkiisa u faahfaahinno waa sidatan:

Geel:-Dhulka Soomaalidu wuxuu u badnaa oomane aan biyo laheyn.

          Ceelal biyo yarood ah iyo balli biyo xareed ay ku jiraan baa jiilaalkii      dadka  iyo duunyadu isugu iman jireen, nin walba wuxuu doonayaa kuna dadaalayaa in aan biyaha laga badsan oo xoolihiisu cabbaan, taas oo kale ayey dagaalladu ka bilaaban jireen.

 Caws:-Soomaalida badankeedu waxey aheyd xoolo dhaqato daaqsato ah

           gobal kasta iyo aaggiisa waxaa degi jirey qabiil xoolihiisu

           u daaqaan oo aan oggolayn in qabiil kale xoolihiisu soo

           galaan, had iyo jeer daaqa  gobolkooda waa ka ceshan

           Jireen , taas oo kalana dagaalladu waa ka bilaaban jireen.

Geel:-Geelu xoolaha Soomaalidu dhaqato waa meesiga uga sarreeya

          Ninkasta oo Soomaali ah wuxuu maanka iyo maskaxda ku hayey

          Inuu geel dhaqdo :baryo, booli iyo buubsi mid kasta ha ku halee

          Sida aawadeed Soomalidu geela waa kala dhici jirtey taana dagaalku waa ka bilaaban jireen .

Gabar:-sida suugaantu ka mara kaceyso gabdhaha ama guud ahaan

            haweenka dhaqmaadka ahi qiimo weyn bay lahaayeen waana la

            kale dhici jirey  laysku dili jirey naag nin laga dhacay

            ama gabar wiil dharbaaxay ama garaarka laga gooyey baa labo

            qabiil isugu dhammaan jireen ,tusaale aan u soo qaadanno labo

            tuduc ee gabay ah:

 -Geela waa la kala xoogsadaa xubin rag weeyane!

                        Waxaa xiniinyo go’ay naag ninkii laga xoreeyaaye!

 Taana dagaalladu waa ka bilaaban jireen.

 Godob:- qadaf iyo qoon dhaqan iyo dhiig, mid kasta ha ahaatee-

               godob-taasi iyo gabood-fal qof ama qabiil loo geystey

               xeerkii lagu garrami ama lagu kala bixi jireyna la mari-

              waayey,taasoo kalana dagaalladu waa ka bilaaban jireen.

Gardiid:- Labo qof ama labo qabiil oo eedi dhexmartay oo qoladii

               eedda sheeganaysey loo gaardiiday ama fan iyo hanjabaad

            loogu jawaabey, taas oo kalena dagaalladu waa ka bilaaban jireen

Qab iyo kibir:- Dabeecadda iyo hab dhaqanka qabaa’ilka Soomaalida

                        waxaa ku abuuran qab, isla weyni , faan iyo isu

                        tookh , anaa kaa tol roon, annagaa idinka taag roon,

                        nama nataqaanaan iwm baa dagaalladu ka bilaaban jireen,

                        Boqollaal rag ahina ku dhammaan jireen, reerana ku

                        Rogman jireen,

   Toddobada arrimood oo dagaallada Soomalidu ka bilaaban jireen waxaa marag uga dhigaynaa tixahan geeraarka ah oo uu tiriyey abbaanduule caan ahaa oo qarnigii 20aad bilowgiisii, Abbaanduulahaasi wuxuu ku noolaa hawd galbeed ee gobolka “Sool” wuxuu yiri:

                                                   Meel ay good ololeyso!

                                                Gaabanoow gumicii iyo!

                                                Gariireyso rasaastu!

                                                Ragga haadku gigaayo!

                                                Gool-xaalow jabayeey iyo!

                                                Gadaayuuska baxaaya!

                                                Gaashi laysku lahaa iyo!

                                                Gabar layska dharbaaxiyo!

                                                Gaban layska uleeyiyo!

                                                Godob laysaga dhaartay!

                                                Annagaa gob ahaynoo!

                                                Nama gaari kartaan!

                                                Guul darraa xigi doonta!

                                                    Cajab baa ka horreeyey

 

       XEERKA IYO XEER BEEGTIDA-

 Iyadoo guud ahaan dalka Soomaaliya shareecada Islaamka lagaga dhaqmi jirey haddana waxaa jirey xeer ama nidaam (qaanuun) aan qornayn oo qabaa’ilka Soomaalidii hore ay dhaqmi jireen, odayaasha, iyo guurtida ah iyo xeer beegtidu maskaxda ku hayeen,oo facba faca ka horreeya ka dhaxli jirey. Sida badan xeerkaasi kama duwanayn qaanuunnada qoran ee lagu dhaqmo, qofka kasta oo bulshada ka mid ahaa xeerkaasi waa u hoggaansami jirey.

            Xeerkaasi wuxuu u qaybsanaa sidatan:

 a) XEER MIYI :- oo reer guuraaga iyo waxa la xiriiraa ku dhaqmi jireen .

b) XEER MAGAALO :- oo dadka reer magaalka maguurtada ahi iyo waxa la xiriiraa ku dhaqmi jireen.

c) XEERKA BEERALAY:- oo dadka beeraleyda ah iyo wixii la xiriira ay ku dhaqmi jireen .

 XEER-BEEGTI : - Waxaa la oran jirey guurti aqoon dheer u leh xeerka iyo sida garta loogu qaybiyo ama loogu dhaqmo, xeer miya, xeer magaalo iyo xeer beeralay mid kasta ha ahaadee.Gobol kasta iyo qabiil kasta waxaa ka jirey xeer-beegti garsoorka iyo xeerka qodobbadiisa aqoon dheer u leh.

 XEER COLAADEED :-Xeerka colaaddu waxaa fara badan yahay wuxuuna u kala baxaa xeerar ku saabsan labada col ee isku dhanka ah dhexdooda, iyo xeerar ku saabsan labada col ee iska soo horjeeda dhexdooda, waxay kaloo xeerarkaasi u kala bixi jireen, xeerar joogto ah oo guud ahaan  ah, sida caruurta, haweenk, waayeelka iyo culimada in aan la dilin marka colka cidaha weeraro, iyo xeer la dejisto marka duullaanku baxaayo sida waxa laga yeelayo ninka dagaalka lagu qabto iyo ninka isagoo dhaawac ah la qabto iyo ninka dagaalka dhexdiisa is dhiiba iwm .

  Go'aan ay soo saareen Reer Xaaji Suleymaan

Assiyaasa,Cadaado ,20/03/03,Max’uud Siyaad Shirwac

Nabadoonnada Jufooyinka Beesha Reer Xaaji Suleymaan ee Deegaanka Cadaado ayaa ansixiyey in heshiiskii 9-kii Bishan ay Degmada Cadaaado ku gaareen odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi. Nabaddoonnada oo gaarayay 13nabddoon, ayna wehliyaan Suldaanka iyo Ugaaska Beesha ayaa isku raacay in la adkeeyo go'aannadii odayaashu dhaqanka gaareen 9-kii bishan Maarso, iyagoo dhinaca kalena isku raacay in Maamulkii Deegaanka Cadaado ee horey u jiray uuna Guddoomiye u ahaa Mudane Maxamed Maxamuud Siyaas (Suuleey) uu sii shaqeeyo ilaa odayaasha dhaqanka ay ka qabanayaan shir-weyne dib loogu dooranayo Maamul cusub ama kuwa jira loo cusbooneysiinayo, waxayna kala yihiin Nabaddoonnadaasi:-

Suldaan C/llaahi Suldaan Axmed Nuur, Ugaas Daahir Ugaas Faarax, Cali Xaashi Afrax Geeddi (Gar-guduud), Axmed Shuuriye Cilmi (Koofurow), Axmed Jaamac Geeddi, Yuusuf Cabdi Qeyliye, Axmed-barre Faarax Caddaawe, Cali Geeddi Cabdi, Maxamed-yare Xasan Guutaale, C/llaahi Kediye Xasan, Cabdi Sh. Cali Guuleed (Cabdi Gurey), Axmed Maxamed Daa'uud iyo Maxamuud Max'ed Gurey.



Assiyaasiya waa Joornaal madaxbanaan.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.