Welcome to Assiyaasa newspaper
 
 
ASSIYAASA NEWSPAPER
 
 
 




Warar Goos-Goos ah - Maarso 09, 2003
Dr. C/qaasim oo soo saaray amar ah In xilka ergo-nimo laga xayuubiyo xubno uu ku tilmaamay in ay ka falaagoobeen dowladdiisa -Sanca Press...
Col. C/llaahi Yuusuf oo qandaraas ku siiyay shirkad Hindi ah guri loo qalabeynayo oo uu u guurayo dhawaan - HOL
Xubnaha Beelaha Hawiye ee ku jira TNG-da iyo Isbaheysiga G8 oo qorsheystay in ay dalka dib ugu soo laabtaan. - HOL
Guddiga Dhexdhexaadinta khilaafaadka Beelaha shirka dib u heshiisiinta ka qeybgelaya oo codsaday in la siiyo awood buuxda - HOL
Danjire Kiplagat oo la tashi aan caadi ahayn arrimaha shirka dib u heshiisiinta kala yeelanaya Madaxweynaha Kenya - HOL
8-da Maarso oo si weyn looga xusay deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya - HOL

Janaraal Kenyati ah oo hoggaamin doona guddi xaqiiqo raadis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya - HOL













Dr. C/qaasim oo soo saaray amar ah In xilka ergo-nimo laga xayuubiyo xubno uu ku tilmaamay in ay ka falaagoobeen dowladdiisa

Sunday, 09 March, 2003

Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ah Madaxweynaha Dowladda KMG ah ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xilkii ergo-nimada laga xayuubiyo xubno uu ku tilmaamay in ay ka falaagoobeen dowladdiisa, kuwaasoo gaaraya 21 xubnood oo isugu jira Xildhibaano iyo shan xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada, sida aynu ka soo xiganay xubin ka tirsan Ergada TNG-da oo ku sugan magaalada Nairobi.

Dr. C/qaasim ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay xubnahaasi ka leexdeen ujeedooyinka TNG-da, isla markaana ay gacan saar la yeesheen wax uu ku tilmaamay cadowga Dowladda KMG ah, iyadoo xubnahaasina oo uu hoggaaminayo C/raxmaan Diinaari Wasiirka ganacsiga ee Xukuumadda KMG ah ay shir jaraa'id ka sheegeen in ay ka qeybgelayaan shirka oo ay wax kasta u marayaan sidii loo gaari lahaa dib u heshiisiin oo ay ku tilmaameen mid ka mid ah tiirarka koowaad ee ay ku taagan tahay TNG-da.

Ra'iisul Wasaare Xasan Abshir oo haatan ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka ayaa la soo weriyay in uu arintaas darteed deg deg dib ugu soo laaban doono magaalada Nairobi maalmaha soo socda, iyada oo ay u qorsheysneyd in uu soo laabto 15-ka bishan.

Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xasan Abshir uu ku gacan seyray amarkaas, kuna tilmaamay mid aan xalaal ahayn oo aan wax sharci ah ku fadhinin, isaga oo is-bar bar taagay sida ay wararku sheegayaan go'aanka ay qaateen xubnaha TNG-da ee ku dhawaaqay in ay si buuxda uga qeybgelayaan shirka.

"TNG-du waa ay ka weyn tahay in ay maalin kasta wax xun oo aan dan u ahayn shacabka ay shabad uga soo doontaan kooxo aan ehel u ahayn nabadda oo dhowr heshiis horay uga baxay TNG-da" ayuu yiri mid ka mid ah kaaliyayaasha sare ee Ra'iisul Wasaare Xasan Abshir oo kooxdaas ula jeeday Isbaheysiga G8-ka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdalla Deerow oo dalka Siiriya ku wehlinaya caruurtiisa ayay warar hoose sheegayaan in uu aad ugu dhow dhow yahay fikirka Xasan Abshir iyo ergada TNG-da ee ku biirtay ka qeybgalka shirka, iyada oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan suurtagalnimada in Maxamed Cabdi Yuusuf ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha Baarlamaanka uu todobaadkan ku dhawaaqo in ay ergada TNG-da ka soo dareerayaan shirka dib u heshiisiinta, isaga oo ah shakhsi ay aad isugu dhow yihiin dhinaca fikirka Dr. C/qaasim oo bilooyinkii dambe ee aynu ka soo gudubnay ku cel celinayay in aaney waxba ka soo bixi doonin shirka dib u heshiisiinta ee ka socda dalka Kenya, waxaana loo maleynayaa in uu Maxamed Cabdi Yuusuf uu ku dhawaaqo go'aankaas ka hor inta aaney Nairobi ku soo gaarin Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow
Wargeyska Sanca Press
Mogadishu, Somalia





back to top
 




Col. C/llaahi Yuusuf oo qandaraas ku siiyay shirkad Hindi ah guri loo qalabeynayo oo uu u guurayo dhawaan

Sunday, 09 March, 2003
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa todobaadkii hore shirkad Hindi ah qandaraas ku siiyay qalabeynta guri la filayo in uu todobaadkan uga guuro halka uu haatan degan yahay oo ah Hotel ku dhex yaala Xerada Mbagathi.

Wararku waxay sheegayaan in shirkadaas ay howsheeda ku qaban doonto lacag gaareysa 25 kun oo doollar, isaga oo magaalada Eldoret-na horay uga deganaa guri uu ka guuray ergaygii hore ee shirka Mr. Elijah Mwangale.

Madaxweynaha Puntland ayaa diiday in gurigan cusub loo diyaariyo markii laga soo guurayay magaalada Eldoret, isaga oo taas sabab uga dhigayay in uu doonayo in uu dhex joogo ergooyinka oo uu la qeybsado xaaladahooda, isaga oo aan marna ka bixin xerada Mbagathi tan iyo intii ay qaar ka mid ah madaxda ergooyinka ka qeylinayeen in aaney meesha cusub ee shirka loo raray aaney ahayn meel deegaan ahaan ku haboon.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
saladxiis@yahoo.com
Mogadishu, Somalia






back to top
 




Xubnaha Beelaha Hawiye ee ku jira TNG-da iyo Isbaheysiga G8 oo qorsheystay in ay dalka dib ugu soo laabtaan

Sunday, 09 March, 2003

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in xubnaha Beelaha Hawiye ee ku kala jira TNG-da iyo Isbaheysiga G8 ay qorsheysteen in ay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan.

Qaar ka mid ah xubnaha beelahaas oo si hoose ugu waramayay Wargeyska Sanca Press ayaa sheegay in ay ka war sugayaan waxa uu Isniinta Mr. Kiplagat dib ugula soo laabto shirka dib u heshiisiinta.

Waxay intaasi sii raaciyeen in ay ka howlgeli doonaan nabadeynta Muqdisho iyo sidii dib loogu furi lahaa dekedda iyo garoonka Muqdisho, halkii ay micno la'aan u sii fadhin lahaayeen shir ay sheegeen in ay saluugsan yihiin qaabka uu haatan u socdo.

Xubnaha qorshaha soo bixitaanka isku raacay oo shir dhawaan ku yeeshay Nairobi ayay wararku sheegayaan in ay gaarayaan ilaa 20 xubnood, iyadoo warar aan si buuxda loo xaqiijin ay sheegayaan in qorshaha soo tegista xubnahaas ay ka dambeysay farriin uga timid dhinaca Dr. C/qaasim oo ugu baaqay in ay magaaladooda dib ugu soo laabtaan, si ay gacan u siiyaan dowladda KMG ah oo Muqdisho ka bilaabeysa howlo lagu tilmaamay kuwo aaney horay u qaban.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
saladxiis@yahoo.com
Mogadishu, Somalia





back to top
 



Guddiga Dhexdhexaadinta khilaafaadka Beelaha shirka dib u heshiisiinta ka qeybgelaya oo codsaday in la siiyo awood buuxda

Sunday, 09 March, 2003

Guddiga dhexdhexaadinta khilaafaadka Beelaha ka qeybgelaya shirka ee dhawaan lagu dhawaaqay ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in la siiyo awood dheeri ah oo ay ku fulin karaan talooyinka ay soo jeediyaan.

Inj. Xuseen Cabdi Wade oo ka tirsan guddigaas ayaa sheegay in ay ka codsadeen IGAD in la siiyo awood buuxda inta aaney guda gelin howlahooda, "waxaa lagama maarmaan ah in marka hore aan ogaano awooda uu leeyahay guddigeena, inta aanan guda gelin shirarkeena" ayuu yiri Inj. Xuseen Cabdi Wade oo dhinaca kale beeniyay in ay IGAD magacawday xubnaha guddigaas oo ka kooban 20 xubnood, "beel kasta waxaa ay ku leedahay afar xubnood iyada ayaana soo xulatay, annaga Hawiye ahaan waxaanu lahayn guddi soo saaray xubnaha afarta ah ee nooga qeybgelaya guddigaas, mana ahan arrin nooga timid IGAD" ayuu yiri Inj. Xuseen Cabdi oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG ah.

"Is-barasho guddiga dhexdiisa ah maahee ma jiro kulan rasmi ah oo aan ku guda galnay arrimaha na loo xil saaray" ayuu yiri Injineerka oo dhinaca kalena sheegay in todobaadkan ay rasmi ahaan u bilaabi doonaan howlahooda marka ay IGAD ka helaan macluumaadka ku saabsan awooda guddigaas.

Guddigan waxaa shirarka kala qeybgelaya oo dhinaca IGAD u soo magacawday in uu guddoomiye u noqdo Col. Xuseen oo ka tirsan dowladda Kenya, halka ay xubno ka kala yihiin labo diblumaasi oo ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Mr. Kiplagat oo dhawaan ka waramayay howsha guddigaas ayaa sheegay in ay ku dhaqmi doonaan talooyinka ay soo gudbiyaan ee ku wajahan cabashooyinka beelaha shirka ka qeybgelaya ee la xiriira muranka dhinaca qeybsiga Ergooyinka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
saladxiis@yahoo.com
Mogadishu, Somalia





back to top
 



Danjire Kiplagat oo la tashi aan caadi ahayn arrimaha shirka dib u heshiisiinta kala yeelanaya Madaxweynaha Kenya

Sunday, 09 March, 2003

Guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD Danjire Bethuel Kiplagat ayaa shaaca ka qaaday in uu la tashi ku saabsan arrimaha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uu dib ugula laabanayo Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo Wasiirkiisa arrimaha Dibadda Mr. Kolonzo Misyoka.

Danjire Kiplagat oo warkan ka sheegay shir uu la lahaa xubno ka kala socday TNG-da iyo G8 ayaan rasmi ahaan la ogeyn sababta keentay in uu u soo sameeyo la tashigaas, hase ahaatee wararka qaarkood ayaa sheegaya in ay soo food saareen culeysyo uga yimid kooxaha Soomaalida, waxaana la filayaa in uu maalinta berri ah uu Kiplagat shirka dib ugula soo laabto fikrado cusub kadib la tashigaas, iyada oo la sheegayo in uu soo raaci doono wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Kenya.

Danjire Kiplagat oo ay miiska u saarnaayeen in la fuliyo shan shuruudood oo ay u soo gudbisay TNG-da ayaa kulankii u dambeeyay ee uu la yeesho ugu sii kordhiyeen in aanu ergo ahaan u aqoonsan xubnihii uu hogaaminayay C/raxmaan Diinaari, iyadoo dhinaca kalena ay G8-ka la qabaan TNG-da in shirka laga saaro dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, walow uu dhawaan sheegay in aan kaalintooda shirka looga maarmeyn, waxaana sidoo kale Kiplagat horyaala cabashadii ay shirka uga baxeen garabyada ururka SNF oo mid ka mid ah uu ka baqoolay dalka Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
saladxiis@yahoo.com
Mogadishu, Somalia






back to top
 



8-da Maarso oo si weyn looga xusay deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya

Sunday, 09 March, 2003

Maalinta 8-da Maarso oo ah maalin loo aqoonsaday in ay tahay maalinta haweenka Adduunka, kuna beegneyd shalay ayaa waxaa si weyn looga xusay deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Xuska maalintaas ayaa lagu kala qabtay goobo kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo weliba gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Jubada hoose, W/bari iyo weliba deegaano ka tirsan Somaliland, iyadoo dhamaan goobahaasina ay haweenka Soomaaliyeed oo ay maalintaas u tahay maalintoda si weyn ugu dabaal degay, inkastoo ay dabaal dega maalintaas aan lagu maamuusin hal urur oo ay leeyihiin haweenka soomaaliyeed, misna waxaa looga qeybgalay ururo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo daryeela ama u dooda xuquuqda haweenka sida COGWO, SSWC, IIDA iyo weliba kuwo kale oo ka shaqeeya gacan siinta haweenka Soomaaliyeed.

Haweenka Soomaaliyeed oo ah kuwii ugu badnaa ee ay ku dhacday dhibaatada ka jirta dalka, isla markaana ka soo qeyb qaatay ka samata-bixinta shacabka ee dhibatadaas, bacdamaa ay yihiin xoogagga bulsho ee shaqeeya kuwa ugu badan ayaa weli la kulma dhibaatooyin uga yimaada dhinaca kuwo aanan garan qiimaha ay haweenku bulshada u lahaayeen ama u leeyihiin xiligan qalafsan ee uu dalku ku sugan yahay, waxaana la xaqiijiyay in ay ugu yaraan maalin kasta geeriyoodaan 2 haween ah oo u dhinta dhibaatooyin ka soo gaara dirirta kooxaha ama rasaas lala beegsado, bal in la dhowro xuquuqda ay leeyihiin haweenka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
saladxiis@yahoo.com
Mogadishu, Somalia






back to top
 




Janaraal Kenyati ah oo hoggaamin doona guddi xaqiiqo raadis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya

Sunday, 09 March, 2003

Guddi xaqiiqo raadis ah oo dalka u imaanaya hubinta qaabkii loo jebiyay heshiiskii rasaas joojinta iyo hoggaamiyayaashii bilaabay dagaaladii dhacay kadib heshiiskii xabad joojinta ee 27-kii Oktoobar ee sanadkii hore lagu gaaray Eldoret ayaa la filayaa in ay todobaadkan gudahiisa dalka soo gaaraan.

Guddigan oo ah mid heer caalami ah ayay wararku sheegayaan in uu hoggaamin doono Janaraal u dhashay dalka Kenya oo khabiir ku ah arrimaha dagaalada iyo sida ay ku bilowdaan.

Guddigan oo ay xubno ka yihiin wakiilo ka socda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa xog wareysiyo kala duwan sameyn doona marka ay dalka soo gaaraan, iyadoo la sheegayo in ay ku soo hormari doonaan magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in ay tegi doonaan magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Jowhar iyo Baydhabo, waxaana warbixintooda la hor dhigi doonaa wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka safka hore, kuwaasoo soo saaraya go'aanka laga qaadanayo kuwa ku xad gudbay heshiiskaas.

Guddiga la socoshada heshiiskaas oo horay loo qorsheeyay in ay kulmaan todobaadkiiba maalin ayaa haatan loo bedelay kulankooda in uu dhaco todobaadkiiba laba jeer.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
saladxiis@yahoo.com
Mogadishu, Somalia

back to top






 

Search News
Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage

 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.