Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Assiyaasa newspaper
 
 
ASSIYAASA NEWSPAPER
 
 
 

 

 

Welcome to Assiyaasiya news paper in Nairobi

 

 


                       ASSIYAASA

NEWS PAPERS

MUNAASABADLE ,TIR .42aad ,Kismaayo , Jimco, 7 dii Maarso ,2003 , waxaa soo saara Waamo Information Center- Cali Saciid Max’ed , Tel :254-722723344.Email

 

Ambakaasi, Nairobi :Madasha shirka dib u heshiisiinta :


Talaado 25/2/03 waxaa dib u furmay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ka dib markii laga soo raray magaalada Eldoret , guddooimaya group 8 oo uu la socdo nin ka tirsan ergeda Jeneraal Moorgan ayaa waxey billaabeen iney dadka ergeda ku dhexmeereystaan iyagoo ku oranaya aynu isaga tagno meeshan ay doofaaradu degan yihiin , hase yeeshee ma ayan helin cid u dheg raaricisa , dabadeed guddoomiyaha group 8 wuxuu isagu yeeray xubnihii G8 , isagoo c/qaasim heshiis kula galay inuu khaakhuul uu shirka geliyo .  Maalinkii uu shirka dib u heshiisiinta dib uga furmay xarunta  KCCT ee Ambakaasi , Nairobi , Group 8  shirka dib u heshiisiinta mid lid ku ah ayey ku qabteen dhirta ka dambeeyso hotelka ay deggan yihiin hoggaamiyeyaasha Soomaalida & Eu women ( dumarka Soomaalida ee shirka ka soo qeyb galay ).

 Guddoomiyaha shirka Mudane Bathwell Kipligaat wuxuu sheegay inaan shirka cidna loo hakineynin ,wakiilka khaaska ah ee C/qaasim ee lagu magacaabo Ibraahim Cali xaashi iyo C/dulle Faarax oo labadaba ah Al-Itixaad  xubno ka ah baarlamaanka Carta ayaa yimi KCCT gaarigii ay wateen ayey hor dhigeen hoteelka Ambakaasi ,dabadeed waxaa u yimi , nin ka tisan ergada la socota guddoomiye ku xigeenka Group 8 wuxuuna u sheegay in G8 ay qaadacday ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta  oo ku shirayaan meel hoteelka ka dambeysa , dabadeed halkii ayuu u kaxeeyey , markii ay u dhowaadeen ayaa waxaa arkay gudoomiyaha G8 dabadeeb wuu u soo istaagay waxey isaga Ibraaim Cali Xaashi wada fariisteen maqaaxida hodheelka qeybta teendhada ah , Ibaahim jeebka ayuu gacanta geliyey bakhshad xiran ayuu ka soo saaray ,dabadeed wuxuu u dhiibay gudoomiyaha G8 oo farax aawadii qosol la dhacay markuu akhriyey warqadda .

 Waxaa arintani xigay taleefan ay shirkadda xawaaladda ee Assalaama ay u soo dirtay guddoomiyaha & guddoomiye ku xigeenka G8, waxaana loo sheegay in ay xawaaladda u heyso lacag dhan 15,000 doollar oo uu C/qaasim u soo diray , waxey ku yiraahdeen lacagta Ambakaasi noogu keena , mas’uuliyiinta xawaaladda ayaa ugu jawaabay Nairobi lacag laguma qaadee soo doonta lacagtiinna , su’aasha is weydiinta leh waxey tahay lacagtaasi ma labadooda ayaa qeybsaday, mise xubnaha kale  ee G8  waxbey ka siiyeen . Ibraahim Cali Xaashi wuxuu  kaloo u yimi haddii ay suuro gal noqoto in xubnaha Carta ay shirka dib ugu soo laabtaan  inuu ka shaqeeyo sidii loo dejin lahaa  iyagoo wada jira hoteelka ay deggen yihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadda ,oo iyaga hore loogu sheegay in Xasan Abshir iyo C/dalla Deerow oo  keliya loo ogol yahay , inta kale la dejinayo  guryaha kulleejka oo isla xerada gudaheeda ku yaal , Ibraahim wuxuu ku dhexmeereystaa hotelka iyo xafiisyada IGAD isagoo wada lacago laaluush  ah,wuxuu doon doonayaa qof siiya fure ama meel laga galo mas’uuliyiinta IGAD , aad  ayey marakan u adag tahay in la helo cid laaluush ka qaadata ,dabeed u suuro gelisa in kooxda Carto la wada dejiyo hoteelka , waayo dalka Kiinya waxaa ka dhashay xukuumad cusub oo aad  u gaarsata mas’uuliyiinta laaluushka qaata

 Ibraahim wuxuu  ahaa ninkii ka shaqeeyey in kooxda Carto la wada dejiyo hotel Sirikwa oo aheyd halka uu ka dhacayey shirkii Eldoret , isagoo halkaasi booqday intuusan shirka furmin maalmo ka hor, dabadeed lacag laaluush ayuu bixiyey taasoo u suuro gelisay in laga ogolaado in kooxda Carto la wada  dejiyo hotel Sirikwa .

  Ibraahim waxaa lagu xiray Nairobi sanadkii tagay isagoo ku eedeysnaa inuu ka dambeeyey shirqoolkii lagu dilay maamulihii shirkadda British American Tobbaco (BAT ) , muddo dabadeed wuxuu isku furtay laaluush dhowr milyan oo shilin kiinya ah .

 Xiriika WFB& ururka Al-Itixaad .

 Kunturaadka raashiinka WFB lagu geeyo koonfur Soomaaliya waxaa 12kii sano ee la soo dhaafay  ay u xirneyd shirkad Al-Itixaad oo ay wada jir u leeyihiin Ibraahim Cali xaashi & Maxamed Deelaaf , raashiinkaasi inkastoo uu ku magacaaban yahay koonfur Soomaaliya waxey geeyaan oo qura Muqdisho iyo Beydhabo oo kaliya ,lacagta raashiinka  ay ku  iibiyaan Muqdisho iyo Beydhabo labo qeybood ayey u qeybiyaan :qeybta hore waxey u adeegsadaan masruufka malleeshiyadooda .qeybta labaadna waxey usoo diraan madaxda WFB-Soomaaliya .

 Cid kula xisaabtanta ma jirto siyaabaha xun ay lacagahaasi iyo raashiinka loo dhiibay u isticmaalaan , ganacsato Soomaaliyeed oo arintaasi ka dhiidhiday iskuna dayday iney howshaasi kala wareegaan waxaa ku gacmo sayray mas’uuliyiinta WFB-Somalia

 Eedda waxaa iska leh MujtamacaCaalamka iyo IGAD.

 Billowgii shirka cabsi badan ayey qabeen hoggaamiye kooxeedyada Soomaalida markii mujtamaca Caalamka uu u sheegay ciddii shirka diida in hantideeda la xannibayo dabadeed maxkamadda dambiyada dagaal la horkeenayo , nasiibdarose waxey noqotay markuu C/qaasim imaan waayey , Somali land la keeni waayey, in markaa ay u muuqatay hoggaamiyeyaasha kale jileeca go’aanka mujtamaca caalamka ,

arintan ayaa  sabab u ah in qaar ka mid ah kuwii shirka imaan waayey sida C/Qaasim iyo aasaasaha  Group 8 ay si wada jir uga shaqeeyaan fashilinta shirka oo meel fiican marayo maadaama la soo gaaray dhammaadkii wejigii 2aad ee shirka oo u harsan hal toddobaad oo qura .

Mujtamaca caalamka go’aankiisa  hadduu yahay mid shaqeeynaya  ma dhacdeen in C/Qaasim uu ku hanjabo sidii loo burburiyey wixii aan Carto ku soo dhistay ayaa ay iga go’an tahay inaan ka shaqeeyo sidii aan u fashalin lahaa , oo ayan waxba uga soo bixin shirka hadda ka socda dalka Kiinya , cid kasta aan la  kaashadee.

 Aasaasaha Group 8 wuxuu isagu  aaminsan yahay in haddii ay Soomaaliya  ka dhalato  dowlad soo celisa nidaamka iyo kala dambeynta , iney dhammaaneyso  siyaasi khiyaali ku nool , hantidii la kala heystay la isu celinayo &  in la hor keenayo maxkamadda dambiyada dagaal , si looga abaal mariyo xasuuqii uu geystay intii ay dagaallada sokeeye ay socdeen , wuxuuna og yahay inta maanta  ka nool siyaasiyiinta Soomalida inuu  isagu yahay ka ugu dambi badan ,waayo xasuuq fara badan ayuu ka sameeyey koonfur Soomaaliya wuxuu kaloo ku eedeysan yahay  fuqsashada & u iib geynta dalalka khaliijka & kuwa deriska inala ah warshadihii dalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay tii Sifeynta batroolka oo uu u iib geeyey dalka Suudaan sanadkii 2000 .

 Ergeygii hore Talyaaniga Mudane Shortiino & wakiilka EU ayaa Muqdisho booqasho ku tagey  markii warshaddani loo dhoofinayey dalka Suudaan waxeyna u sheegeen saxaafadda caalamka : warshaddii ugu dambeesay hantidii qaranka Soomaaliya ayaa maanta loo dhoofiyey dalka Suudaan .  

 Kooxda isku magacowday Group8 ama G8iyo kooxda Carta si ay shirka u fashiliyaan waxey ku andacoodaan wax yaalo aan macno laheyn sida : Jaamac Cali Jaamac & Axmed Cumar Jees ha lagu daro 23ka saxiixayaasha oo ha looga dhigo 25, Somaliland ha la keeno , hotel fiican ha nala dejiyo , Jabuuti iyo Itoobiya ha laga saaro oo  maamulka shirka ha loo daayo dalka kiinya oo qura , arrimahaasi oo idil ma aha xuquuq ka maqan oo ay raadinayaan ee waa  qaabab kala duwan oo ay ku doondoonayaa fashalinta shirka .  waxaa kaloo ka mid ah waxa ay ku andacoonayaan xarunta Ambakaasi Doofaarro ayaa jooga su’aasha is weydiinta leh waxa weeye dadkooda ayey xasuuqeen , dalkooda ayey soo burburiyeen miyey ka fiican yihiin Reer banii Israa’iil markey Eebbe ku caasiyeen , inuu ka dhigay doofaaro iyo daayeero ? doofaarka Soomaaliya markii aynu joognay wuu inaga carari jirey markeynu ku aragno isagoo beerahayaga cunaya  , haddase  innaga ayaa soo gaarnay oo dugaag noqonay markeynu laaynay walaalahayaga inala wadaaga islaamnimada , bani aadamnimada iyo Soomaalinimada ,oo xumaan kasto aadanaha ka maago aynu sameynay ,doofarka kama uusan soo bixin doofaarnimadiisa oo bani aadam ma noqon , innaga ayaa soo gaarnay oo dugaag noqonay, taa ayaa keentay inuu inaga carari waayo oo uu inala cuno waxa aynu cuneyno iyadoo uu yahay doofaarkan nooca ilkaha leh ee duur joogta Soomaaliya  ka mid ah oo kale .

 Waxaa ka dhacday Muqdisho markey dagaallada sokeeye billowdeen in nin waalnaa xilligii ay nabadda jirtay oo dadkii soo dhex galay oo la sheekeysanayo ayaa la arkay , waa la weydiiyey goormaad fiyoobaatay soo taad waalneyd ? wuxuu  ku jawaabay aniga ma fiyoobaan ee idinkaa isoo gaaray oo is laayey, sidaasoo kale doofaarka innagaa soo gaarnay, Waa ineynu noqonaa marti edeb leh oo cidda ina marti gelisay meeshey ina seexiso iyo waxa ay inagu marti soorta aqbala ,oo aynaan noqon  kuwa ka kibra waxa lagu marti geliyey .     

 Haddii uusan mujtamaca caalamka iyo IGAD ayan tallaabo cad ka qaadin hoggaamiye kooxeedka G8 hoggaamiya oo xujjo kasta uu la yimaado la aqbalo oo uu noqdo ummadda Soomaaliyed 100% nabadda rabta iney isaga u afduuban yihiin  oo aan rabitaankooda la tixgelin , waxaa dhaceysa inuu shirka fashilmo ,oo markaa ay noqoto tusaale horseeda oo cid kastoo xumaan doon ah ay ku dhiirrato ka hor imaanshaha qaanuunka caalamka .

 Haddiise ay dhacdo in la qabto oo lagu qaado sidii hore looballan qaaday in maxkamadda dambiyada dagaal la horkeeno oo lagu qaado xasuuqyadii uu geystay oo dhammaan diiwaangashan , lana dhaco hantidiisa , waxaa ku waano qaadan lahaa kuwii shirka ka baxay oo uu isagu ka dambeeyey ka bixistooda , si degdeg ayey shirka ugu soo laaban  lahaayeen. Haddii ay taa dhici weydo waxa la is weydiiyaan ayaa ku xiga oo isna shirka ka baxaya ilaa uu hal keliyeysigaasi uu dadkoo idil shirka uu uga saaro sidaa ayuu u walaaqayaa ilaa laga waayo cid isu timaadda oo shirka  dib u heshiisiinta ka qeyb gasha , haddii xubin jirka ka mid ah uu kansar uu ku dhaco qaabka keliya uu jirka intiisa kale ku badbaadayo waxa weeye in la jirka laga jaro xubinta bukta ee kansarka uu ku dhacay , sidaa soo kale guddoomiyaha G8 waa xubin ka mid ah ergada Soomaalida  oo uu ku dhacay nooc ka mid an kansarka oo la yiraaho samo  diid ,sidaa aawadeed  si shirka loo badbaadiyo waa in ummadda laga dhex saro  .

 Mushkilada Kooxda Carta heysata

 Ergada Kooxda Carta ee shirka loo soo direy iney ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta oo tiradooda is badbadaleysay oo hadda iskood u dagey hotel 680,kadib markii laga soo laabtay magaalada Eldoret 17kii ilaa 24kii Febraayo waxaa ka bixiyey IGAD ,laakiin xilligaasi wixii ka dambeeyey iyagaa ka mas,uul ah aa wixii kharash ee ku baxa ,maadama ay diideen ciddii marti gelisay meeshii ay ugu talo gashay

 

Tirada hadda ay hotel ku degan yihiin waxa weeye 70 qof ,oo labadiiba ay deggan tahay hal qol , labadii qof jiif iyo cunno 3da gelin waxaa ku baxa maalin kasta 5000ksh,markaa 35 qol x5000ksh = 70,000ksh ,ayadoo US$1000=76,200 ksh , sida uu ii sheegay - xubin ergada Carta oo naga codsaday inaan magaciisa la sheegin ka dib markii aan kula kulmay Hilto hotel , Khamiis 27/2/03 oo war bixintan u siiye  Assiyaasa  News paper -

Isniin ayey inoogu egtahay , guddoomiye ku xigeenka barlamaanka kooxda Carta mudane Max’ed Cabdi Yuusuf ayaa C/Qaasim qeylo dhaan u diray , dabadeed  C/Qaasim wiilka uu  soddoga u yahay ee uu  ku magacaabay wasiirka maaliyada Carta iyo Xasan Abshir ayuu amray iney 10,000 Doollar u diraan , arintani waxey ka careysiisay Max’ed Cabdi Yuusuf iyo ergadii uu mas’uulka ka ahaa oo ku gacmo seyray iney qaataan tobon kun .

Sababta ay la careysan yihiin wuxuu ku sheegay ergeyga warbixinta siiyey Assiyaasa iney doonayaan in dhammaantood la dejiyo hotelka VIP ee ku yaal xarunta KCCT oo ku taal  halka shirka uu ka socdo , markey u suuro geli weyday waxey ku andacoodeen dumarkii xaafadda Islii ay EU ka soo uruurisay ayaa la dejiyey meeshii naloo diiday , guddoomiyaha G8 ayaa inoo yimaada wuxuuna inagu guubaabiyaa annagoo ah G8 iyo idinka aynu Muqdisho wada aadno oo halkaa aynu wax kuwada dhisanno , qaar inaga mid ah waxey og yihiin inuu ninkaasi doonayo dad uu galaafo oo dambiga uu ku jiro la qeybsada .

 Waxaa ina soo booqday Diplomaasiyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ergeyga Talyaniga , Sacuudiga , Suudaan , Masaarida , Jaamicadda Carabta iyo Wakiilka UN-ta , inkastoo carabaha qaarkood aan ka shakisanahay ,laakiin dhammaan diplomaasiyiintaasi waxey inagula taliyeen inaan nahay xubin muhiim oo aan shirka looga maarmin .   

 Jahwareer  ayaa ina ina heysta oo waxeynu isu khilaafsannahay : ergo dhab ah  iyo kuwo aan dhab aheyn , wasiiro iyo xildhibaanno, qabyaalad meel xun gaartay oo ka duwan waxaay Iqra iyo BBC-da inaga sheegaan ,qaarkayaga waxey qabaan inaan Muqdisho kulaabanno kuwani tiradooda waa 8 qof oo keliya ,laakiin isku duuban oo aan  saameyn weyn ku laheyn  waayo waxaa laga wada dheregsan yahay iney Muqdisho tahay meel la isku afduubo oo la isku laayo maalin kasta , nin miir qaba kuma deg degayo ilaa laga helo dowlad hubka dadka ka dhigta, qaarka kale waxey aaminsan yihiin in ay shirka dib ugu laabtaan ,oo waxey leeyihiin 2sano ayaan Muqdisho joognay oo nala luggoonayey oo lacagaha magaca Ummadda Soomaaliyeed lagu soo uruiyey ay rag khaas ah jeebka ku shubanayeen , maanta fursadda uu mujtamaca caalamka uu ina siiyey iska lumin meyno, qaar inaga mid ah ayaa ka qeyb galay markuu Mbkathi shirka Soomaalida ka furmay  , shirarka aan isagu imaano kuma heshiinno ,oo waxaa inagu  dhexmeer -eysanaya hoggaanka sare Argagixsada  Al-Islaax sida Axmed Max’ed Nuur (Gar yare ), Ibraahim Dasuuqi iyo wakiilka Al-Islaax ee Bariga Afrika Daahir Sheekh Axmed Abuubakar oo inagu guubaabiya inaan  ka baxno  shirka oo aan ku laabanno Soomaaliya .

 C/qaasim wuxuu ugu dambeyn soo diray lacag dhan US $100, 000 doollar  si aynu ugu isticmaalno bixinta kharshyada hoteelka muddo laba bilood , ilaa ay IGAD ka aqbasho xujjooyinkannaga .                     

 Lacag been abuur oo ku soosocota Soomaaliya .

 C/qaasim oo booqday dalka Malleesiya , ayaa wuxuu dalbaday in loo ogloaado lacag dhan 240 bilyan oo shilin Soomaali ah , taasoo  hore ay u xannibeen  Cali Khaliif Galleydh & gabadh wasiir ku xigeen Carto oo ah afada Eenow , waddadii ay lacagta soo mari laheyd oo aheyd Dubaay iyo Jabuutina wey tageen waxeyna mas’uuliyiinta halkaasi kala hadleen ineysan ogolaan lacagtaasi iney soo marto dalalkooda , dabadeed idaacadda Muqdishana wey ka sheegeen in la xannibay lacagta been abuurka ee lagu soo daabici jiray dalka Malleesiya .

 Ujeeddada C/qaasim  waxa weeye markuu isku helo lacagta uu ka helay Qadar oo lagu qiyaasay hal miyan oo doolar  iyo shilin Soomaaliga been abuurka ah inuu isagu yeero baarlamaan ku sheegiisa , si ay ugu ansixiyaan in xukuumad ku sheegtiisa loo cusbooneysiiyo muddo 3 sano oo kale ,arintaasoo ay kula taliyeen dalalka Masar iyo carabaha soo siiyey lacagaha lagu carqaladeynayo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee hadda ka socda dalka kiinya .

 Waxaan ah Siyaasi sameeya wax allaale wuxuu doono sameeya  , saxaafaddana ma bannaano iney wax iga qorto.

 G8 :Waxaan nahay siyaasiyiintii aasaasay G8 ,hadafkayaga waa inuu shirka fashilmo oo Soomaaliya dib loogu laabto ayadoo ayan wax dowlad ah ayan ka dhismin , haddana raali ka ma nihin iney saxaafadda wax naga qorto.

 Assiyaasa:Suxufiyiinta Soomaalida & kuwa caalamka waxaa ka go'an iney wax ka qoraan xaaladda shirka dib u heshiisiinta , ciddii aan dooneyn in la qoro wax ay sameyso ha isaga  tagto siyaasadda oo ha noqoto sidii dadweynaha oo kale sida : Max'ed Faarax Jimcaale & Jeneraal Max'ed Abshir waxey ahaayeen siyaasiyiin Soomaaliyeed , maanta wax lug ah kuma leh siyaasadda , sidaa aawadii arki meysid wargeys , idaacad & taleefishin qoraya ama sheegaya waxa ay sameeyaan .

 Qof siyaasi noqday waa nin cilaaq dalbaday oo faraha la galay wax ummadda  ka dhaxeeya , sidaa aawadeed xumaan iyo samaan wuxuu sameeyo saxaafadda wey faafineysaa , markaa waxaa habboon inaad wanaagga ku dadaashaan iyo maslaxadda ummadda , si wax wanaagsan la idinka qoro Saxaafadda waa beer oo kale, beerta waxa aad beerato oo miro ah ayey ku soo saartaa , haddii aad galley beerato galley ayaa ku soo baxeysa , suuro gal ma aha adigoo galley beertay iney digir kuu soo baxdo Sidaasoo kale  saxaafadda wax allaale wixii aad sameyso ayey kuu diiwaan gelineysaa xumaan ama sammaan , suuro gal ma aha adigoo xummaan ka shaqeeyey iney kuu diiwaan geliso inaad wanaag ka shaqeysay .  

 Kawaannadii lagu gowraci jirey qofkii wax ka qora  dambiilayaasha dagaal ee Soomaaliya waa laga soo tagey , oo waxeynu joognaa dal ay dowlad , kala dambeyn iyo sharci kala haga dadka uu ka jiro , dooda iyo wada hadalka wey furan yihiin ,waana waxa halkan loo yimi , gacan ka hadalkuse ma bannaano .

 Suxufiyiinta Soomaalida ee jooga shirka Ambakaasi hadafkooda waa iney ummadda Soomaaliyeed meel kasta hajoogeen iyo mujtamaca caalamka ay gaarsiiyaan xaaladda shirka hadba meesha uu marayo  iyo iney talooyin iyo tusaalooyin lagu saxayo qalooca siyaasiyiinta ay siiyan hoggaamiyeyaasha siyaasadda , si wax ummadda Soomaaliyeed anfaca adduun iyo aakhiroba ay u soo saaraan .waxaa halkan ka jira xurriyad

 Noocyada dadka ka soo qeyb galay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida .

  Dadka ka soo qeyb galay shirka dib u heshiisiinta waxey isugu jiraan  : Xildoon , Xaldoon ,  Xumaan doon , & Xaldoon iyo Xildoon .

 Xumaan doon :Waa qofka ama Siyaasiga shiriya Xulufo sheydaan ,si uu u xannibo Geeddi Socodka Nabadda Soomaaliyeed  , sababtuna waxa weeye wuxuu og yahay inuu yahay dambiil dagaal  oo xasuuq badan geystay , xaaraamtana (daroogada ) ka ganacsada , wuxuuna ka baqayaa xilli dambe xukunka maxkadeedka Maxkamadda dambiyada dagaal in la hor keeno , xumo jeclidiisa waa siti dheereysi .

 Xildoon :  waa qofka jecel inuu xil qabto , waxaana loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah :

b) Xilkas : waa qofka kala garanaya mas'uuliyadda & waajibka  ka saran ummadda uu mas'uulka ka yahay .

 

t)Xil makase : waa qofka hadafkiisu yahay inuu xil qabto waddo xalaal iyo mid xaaraam tuu doono ha u soo maree , oo ula dhaqma ummadda uu mas'uulka ka yahay sidii addoon oo isagu leeyahay oo kale , wax shaqo ah kuma laha cid qadda iyo cid quudata , keliya waxa u daran kursigiisa .

 

x )Xaldoon: waa Isimka ama Siyaasiga  ka shaqeeya in xal nabadeed la gaaro , si ay ummadda u hesho maamul u adeega oo kala badbaadiya , hadafka qofka ceynkan oo kale ma aha inuu isagu wax noqdo , oo waa isugu mid haddii mas'uuliyad loo magacaabo iyo haddii kaleba .

kh ) Xaldoon & Xildoon: waa Siyaasiga rabo in la helo xal nabadeed oo ay ummadda ku kala badbaaddo , kuna hesho maamul u adeega dantooda , intaa Markey u caddaato iney suuro gal noqon karto , doona inuu isagu qabto xilkaasi    .

 Somali Terrorist Research Instutite .

         Warbixin

Sida ay kooxaha argagixisada ku hantiyaan dadka .

 a) GANACSIGA

  Ganacsiga Soomaaliya  ayey qabsadeed argagixisada Al- Islaax& Al-Itixaad  oo gacan saar la leh Al- Qaacidda  , dowladaha dabagalka ku sameeya dhaqdhaqaaqka lacagahooda  waxey fiiriyaan oo qura  lacag bangi ka soo baxda oo bangi kale u gudubta , si ay u burburiyaan shabakaddooda dhaqaale ,welina

Shabakaddooda lacageed  wey shaqeysaa , waa maxey sababta ?

Jawaabta wey sahlan tahay ,ka dib 11 Septembar 2001, markii uu mujtamaca caalamka go’aansaday in lala wareego lacagaha Al-Qaacidda iyo argagixisada xiriirka la leh , run ahaantii markii  qeyb ka mid ah  lacagahaasi  lala wareegay ayaa waxey adeegsadeen tabo iyo xiilado kale iyagoo u shaqeeya qaabab qarsoodi ah sida wardoonka caalamka oo kale .

Tusaale : Ururka Argagixisada Al-Islaax oo hanti badan oo Al- Qaacidda  ay leedahay gacanta ku haya siduu wax u maareeyey aynu eegno :

Ganacsatada waaweyn ee Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya iyo Kiinya ayey  u dhiibaan lacagaha ay mas’uulka ka yihiin , iyagoo u soo mara hab qabiil ama saaxiibtinimo ay isku aaminaan , inta badan arki meysid hoggaanka sare Al-Islaax  oo howlo ganacsi ku jira , waxey u ogol yihiin ganacsatada ay adeegsadaan sheer shaqada ay hayaan aawadeed . 

Badeecadaha ay keenaan waxaa ka mid ah sonkor  ay Suudaan ka keenaan laga billaabo  1991kii ilaa iyo maanta , badeecadaha ay  Soomaaliya ka qaadaan waxaa ka mid ah  muuska oo ay  Liibiya  u iib geeyaan , xafiisayadooda howlaha siyaasadda ay ka fuliyaan gudaha iyo dibadda Soomaliya waxey ku qoraan magacyada shirkado ganacsi .

 b) Samafalka : waxey kaloo dadka ku hantiyeen hey’ado samafal  oo ay ku helaan magaca hey’adahaasi maalgelinta mashaariicda horumarinta , cid aan iyaga aheyn uma ogola iney mashaariicdaasi ka faa’iideysato , sida : qodista ceelasha biyaha , dhisidda  dugsiyada waxbarashada aasaasiga , kuwa sare, dhisidda jaamicadaha sida jaamicadda Muqdisho oo kale , mushaharka macallimiita iyo shaqaalaha kale ee goobaha waxbarashada iyoqalabka wax lagu barto iwm , manaahijta waxbarashada ee ay dhigaanna waa midda dalalka Khaliijka . Haddii aad weydiiso caruurta ka qali jebisay  dugsiyada sare ee Al-Islaax iyo Al-Itixaad dalalka Soomaaliya deriska la ah , kheyraadka iyo macaadinta laga helo dhulka Soomaalida iyo xilliyada ay roobabka da,aan iwm  garan mayaam waayo waxaa la baraa juqraafiga iyo taariikhda dalal kale . 

 Waxaa kaloo ka mid ah mashaariicda ay dadka ku soo jiitaan : Dhisidda rugo caafimad , masaajid , dugsiyo Qur’aan ,  dhismo guryo deegaan ay ka dhiseen Jubbada hoose  Jubbada dhexe & meelo kale , qalabka isgaarsiinta ayey keenaan waxeyna u qeybiyaan dad ay u soo leexiyeen iney xubin Al-Islaax noqdaan  , dabadeed waxey ku yiraahdaan iska soo celiya lafaha ama ra’sumaalka .

 Xittaa Reer miiyga wey hantiyeen oo waxey u iibiyaan xoolo ay dhaqdaan , oo si tartii tartiib ayey isaga bixiyaa intey doonto ha ku qaadato .

 j ) Isgaarsiinta :Taleefannada Olompic , Nation iwm faracyada Muqdisho ilaa Kismaayo, iyo Gedo , ilaa Muqdisho ilaa Gaalkacyo inta u dhaxeysa waxey u iibiyaan dadka ay rabaan iney u soo dumaan xubinnimada Al-Islaax muddo ka dibna waxey iska soo celiyaan lafihii lagu maalgeliyey .

 x ) Warshadaha wax soo saara  : waxey dhiseen wershado wax soo saara sida warshadda oomada Muqdisho ee Al- islaax , warshadda saabuunta , warshadda biyaha Caafi ee Al- Islaax waxey ka mid tahay 3da warshadooda ee biyaha oo ay Al-Barakaat midi leedahay.

Al-Islaax waxey  ka qodeen Muqdisho ceelal biyo oo ay ugu talo galen warshaddooda Caafi ee sifeynta biyaha .

 Wax soo saarka washadahan waxay u dhiibaan dad ay doonayaan iney  hantiyaan si ay uga mid noqdaan ururka Argagixisada Al-Islaax , waxayna ugu talo galeen iney badeecadaha warshadaha  ay soo iibiyaan iyaguna faa’iido  ay saartaan .

 kh ) badeecadaha ay dibadda ka keenaan 60% waxey u soo gudbiyaan dalalka kiinya iyo Itoobiya iyagoo kaleh labo u jeeddo oo kala :

1 ) curyaaminta wax soo saarka warshadaha dalalkan . 2) Iney lacag adag ka helaan . 3 ) Iney ku dhex qariyaan waxyaalaha qarxa markay  Al-qaacidda ay ka codsato oo ay dooneyso iney falal argagixiso ay ka fuliso dalalkaasi oo lid ku ah danaha Reer

Galbeedka ay ku leeyihiin kiinya iyo Itoobiya .

 Badeecadaha ay keenaan waxaa ka mid ah : bariis , sonkor , bur , saliid iyo dhar , sida ay dadka ugu soo jiitaan badeecadahan  , tusaale : waxey ku yiraahdaan dadka ay u dhiibayaan qaad 100 fuusto oo saliid ama  50 juuni oo sonkor ah soo iibi oo faa’iido saaro , dabadeed iska soo celi lafaha .

 Gegida diyaaraha Eldoret , Kenya ,dekadda Kismaayo , ta Ceel Macaan ee Muqdisho ayey iyaga iyo Al –Itixaad u isticmaalaan howlahooda ganacsi .

 d ) Cusbitaal lagu magacaabo  Al-Carafaat oo 3 dabaq ka kooban ayey Muqdisho ka dhiseen  ,wuxuu u dhow yahay warshadii hore ee baastada Muqdisho , qalab casri ah  ayaa yaal , waxey kaloo sameeyeen dhowr bukaan socod eegto lagu daweeyo xubnaha Al-Islaax lacag la’aan . 

 r ) Oromada Itoobiya  ka dagaallanta  iyaga u soo gudbiya  qalabka iyo saadka ay ku dagaallamaan waayo Itixaadka ma fulin karaan howshaasi sabatuna waxa weeye iyaga laftooda ayaa Itoobiya ka dagaallama oo isha ayaa lagu hayaa dhaqdhaqaaqooda   

 s ) Dumarka garoobyada iyo kuwa heysta caruur agoon ah iyaga waxey ku soo jiitaan lacag ay bil kasta u qoraan .

 sh ) Odayaasha beelaha mushahar ayey u qoreen si ay u hantiyaan  oo ay danahooda ugu fushadaan , wada shaqeyn ayaa ka dhaxeysa  .

Lacagta maal gelinta  ay sanadkan bixiyeen waxaa ka mid midda la siiyey isku xiraha Al –Islaaxa Bariga Afrika C/laahi Yuusuf oo intuu shirkii Eldoret socday ka soo qalin jabiyey Mbali University ee dalka Ugaandha , ugu yaraan lacag ku dhow 2milyan shilin kiinya ayuu kowdii bishan Maarso kula wareegay hotel ku yaal 4 Street ee xafadda Islii , su’aasha  isweydii-

naayo waxa weeye halkee buu ka keenay lacagtaasi iyo labada dukaa n uu kukala leeyahay 3street iyo Gaarisa lodge illeen gor dhow  ayuu soo qalin jebiyey ? ma Al-Qaaciddaa iskaleh ?!!! halkey ka timi lacagtaasi ? !!!.

Talo Soo  jeedin    

 Waxaan kula talineynaa hoggamiyeyaasha Siyaasadda Soomaalida iney si wada jir uga shaqeeyaan sidii ummadda looga xureyn lahaa gacanta argagixisada oo looga wareejin lahaa gacantooda ilaha dhaqaalaha sida warshadaha iwm ah , goobaha waxbarashada oo ay  u dhiibaan aqoonyahanno ay ku kalsoon  yihiin

 

 

Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo shir ballaaran ku yeelatay Magaalada Nairobi

 

Shir ballaaran oo ay isugu yimaaddeen ganacsatada, culumaa’uddiinka, dhallinyarada, aqoonyahannada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Reer Xaaji Suleymaan ee ku nool waddanka Kenya ayaa 1dii bishan Maarso galab  Sabti  ka dhacay guriga Saciid Siyaad Shirwac oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

            Shirkaas oo looga hadlayey midnimada beesha Reer Xaaji Suleymaan, doorka uga aaddan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaalinta uga bannaan loollanka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya iyo qodobo kale wuxuu soo gaaray illaa xalay waqti dambe, waxaana shir-guddoominayey oo soo qabanqaabiyey Cabdicasis Maxamed Xasan (Dhagaweyne).

            Waxaa shirka aayado Qur’aan ah ku furay Sheekh Cali Maxamed oo wacdi diini ah ka jeediyey halkaas wuxuuna sheegay in diinta Alle ay u baahan tahay in lagu camal falo, wuxuuna ku booriyey xubnihii shirka ka soo qayb galay in si looga baxo taaha ku dhacay Soomaalida loo baahan yahay in loo soo noqdo Alle.

            Waxgaradkii shirkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhdii hore ee beesha Suleymaan, waxayna sheegeen in beesha looga baahan yahay isku duubnaan iyo waada-tashi, waxayna kaloo sheegeen in beesha reer Xaaji Suleymaan iyadoo lagu qadiyey siyaasaddii SYL inay ku biirtay oo ay ku aflaxday xisbigii Great.

Saciid Siyaad Shirwac oo lahaa gogosha iyo martiqaadka ayaa sheegay in siyaasaddii beesha ee laba iyo tobanka sano ay lagama maarmaan tahay in dib looga fiirsado, si aan loogu kadsoomin is beddellada siyaasadeed ee maanta ku socda sida xowliga ah.

Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta oo shirkaas ka hadlay wuxuu tilmaamay in laga mira-dhaliyo shirka Kenya, wuxuuna ka hadlay dadaallada ay beesha caalamku waddo ee ku saabsan hirgelinta shirka.

Mar uu ka hadlayey socodka shirka wuxuu sheegay in shirku uu ka gudbay wejigiisii koowaad iyo labaad, mar dhowna la galaayo wejiga saddexaad, taasoo ay tahay in laysku diyaariyo wejigaas oo ah kan muhiimka ah ee lagu qaybsanayo awoodda dalka.

Xersi Geelle Faarax (Xersi Maadhar) oo odoyaashii shirka ka soo qayb galay ka mid ahaa ayaa isna sheegay in beesha Suleymaan ay shirkan kaga tashanayso talada ay ku yeelanayso waddanka maadaama aysan jirin cid u maqan oo uga wakiil ah shirka dib u heshiisiinta marka laga reebo xubnaha beesha ee ku sugan shirka.

Xersi Maadhar ayaa sheegay in beesha Suleymaan ay ku qadday xisaabtii ergooyinka ee lagu qaatay magaca Habargidir, wuxuuna sheegay in Xuseen Caydiid iyo Cusmaan Caato ay metelaan oo keliya reeraha ay ka dhasheen.

Wuxuu sheegay in wixii hada ka dambeeya beesha reer Xaaji Suleymaan inay la tagayso  shirka dib u heshiisiinta guddi iyo urur ay ku mideysan yihiin oo buuxiya kaalimaha beesha uga aaddan shirka ka socda Kenya.

Cabdikariin Maxamuud Warsame oo ku hadlayey magaca dhalinyarada ku nool Magaalada Nairobi ayaa isna sheegay inay sameynayaan guddi xiriiriya xubnaha beesha ee ku nool gudaha iyo dibadda iyo gaar ahaan dadka wakiilka uga ah shirka.

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan, waxaana halkaas laysaga af-gartay in shirarka noocan oo kale ah ay sii socdaan, waxaana lagu heshiiyey in shir kan ka ballaaran uu ka dhaco dhowaan Magaalada Nairobi, iyadoo sidoo kale laysku afgartay in loo yeero aqoonyahanka iyo waxgaradka beesha ee ku nool Muqdisho iyo dibadda, si ay uga soo qayb galaan shirka Kenya.

Xubnaha beesha e ku nool gudaha Soomaliya iyo dalalka dibadda waxaa lala socodsiinayaa iney la soo xiriiran taleefannada Gacmo Dhere :254-722218181 ama ka saciid siyad oo ah :254-72230027Mbakathi Nairobi.

Shir qool  dil  oo lala damacsan yahay  hoggaamiye kooxed Soomaaliyeed .

 Muqdisho , Assiyaasa 6/3/03  wararka ka imanana dad ku dhow dhow hoggaamiye kooxedyada kala   C/Qaasim Salad Xasan & Daahir Dayax  waxey sheegayan iey labadaasi hoggaamiye ay ku mashquulsan yihiin sidii ay shirqool ugu dili lahaayeen   hoggaamiye kooxeed ka Shabeellada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb oo ku magac dheer Maxamed Dheere.

 

 



 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.