Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

 
Ciidanka booliiska Puntland iyo hawlihii ay ka qabteen magaalada Laascaanood sanadkii 2003.

Garaad CabdiQani Garaad Jaamac.

Laacaanood,10 Feb,2004-Dabayaaqadii sanadkii aan soo dhaafnay ee 2003 waxaa magaalada Laascaanood ka bilaabmay hawlgalo ay qabanqaabiyeen maamul goboleedka Puntland,waxaana hawlgaladaasi loogu talo galay sidii loo banayn lahaa xarumihii dawladii dhexe ee Soomaaliya,kuwaas oo ay burburkii 1991 degeen dad ka soo barakacay dhinaca magaalada Muqdisho.

Xarumahaasi waxaa mudo 13 sanadood ah ku noolaa dadkaasi oo ogaa inayan ahayn hanti ma guurto ah oo ay iyagu iska leeyihiin.Hadaba markii ay hawlgaladan bilaabeen madaxda dawlad goboleedka Puntland oo ay ugu horeeyaan Mudane Ibraahim Jaamac Daad iyo Mudane Cabdirisaaq Afgaduud,wax dhibaato ah kalamayan kulmin intii ay hawshaas ku guda jireen. .

Sidoo kale waxaa door weyn ka ciyaaray hawlgladaasi oo aan la hilmaami karin idaacada Radiolaascaanood oo aan dhanka baraarujinta iyo wacyigelinta dadweynaha aan hadh iyo habeentoona aan ka daalin.Guulihii halkaasi laga soo hooyey waxay keeneen in dadka deegaanka u dhashay ay dareemaan waxa uu yahay maamulka iyo kala danbaynta.

Waxay sidoo kale hawlgaladaasi soo dedejiyeen sugida amaanka gobolka oo maalmahaasi ku sugnaa khalkhal.Arimahan aan kor ku soo sheegnay waxaa si aad ah u soo dhoweeyey hooyooyinka,dhalinyarada iyo dhamaanba noocyada kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay.
Waxaa soo diyaariyey:Ismaaciil Ducaale Aftaag
Cardiff,UK.

Kor u noqo